Danjire Nicholas Kay Oo Ka Digay Inay Somaliya Lugaha La Gasho Meel Khatar Ah

0
627

Picture5Wakiilka gaarka ah ee  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa warbixin golaha amaanka ka siiyay xaalada guud ee Soomaaliya kadib shir uu isagoo Muqdisho jooga kaga qayb galay maqal iyo muuqaal toos ah.

Danjire Kay ayaa sheegay Soomaaliya 12kii bilood ee lasoo dhaafay ay horumar ka samaysay dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha  iyo amniga. Laakiin danjiraha ayaa warbixintiisa ku sheegay in wadanka Soomaaliya looga baqayo inuu mustaqbalka dhow noqdo meel katar ah.(Danger Zone) Wakiilka qaramada Midoobay ayaa ka digay sanadkaan 2014 inuu noqdo sanad waxyeelo u ah Soomaaliya. “Waqtigu waa gaaban yahay , Laakiin waxaa iska cad dowlada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah inay sameeyeen horumar deg deg ah “ Nicholas Kay ayaa sidaasi ku sheegay warbixin kooban oo uu siinayay golaha amaanka . Kay wuxuu sidoo kale sheegay inay jirto baahi loo qabo in si deg deg ah loo ambo qaado hirgalinta farsamada dib loogu habaynayo laguna dhaqan galinayo dastuurka Soomaaliya iyo in dalkaas loo diyaariyo doorashooyin xor ah. Waxaa kale oo uu warbixintiisa ku daray in xilligaan magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay masiibo ku aadan in boqol kamid ah xildhibaanada barlamaanka  ay ugu baaqeen madaxweynaha Soomaaliya inuu iscasilo. iyadoo uu arintaan ku sheegay inay Soomaaliya dib ugu celinayso jahawareerkii ilaa sanadkii 2000.Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada  khataraha bini’aadamtinimo ee Soomaaliya oo halis ugu jirta in Soomaaliya ay isku badasho aag qatar ah.“ Waxaa jira Qatar dhab ah oo ay sii xumaanayso jiritaankeeda taas oo ka dhalatay qilaafaadka, roob yarida iyo go’doominta uu ururka Alshabaab ku sameeyay magaalooyin horey looga saaray.” Ayuu yidhi Kay. Wuxuuna intaas kusii daray haddii la waayo dariiq ku saabsan xaalada nabad galyada cuntada inay khatar ku jiraan siyaasada , dhaqaalaha iyo horumarka  la doonayo in guul laga gaaro.