Danjire Nicholas Kay Oo Cadeeyay Inay Qaramada Midoobay Dib U Qiimaynayso Joogitankeeda Muqdisho Oo Uu Amnigeedu Sii Xumaanayo

0
630

Picture6Hargeysa(Geeska)-Danjire Nicholas Kay ayaa cadeeyay inay Qaramada Midoobay dib u qiimayn ku samaynayso joogitaankeeda magaalada Muqdisho ee Somaliya, ka dib markii ay xaaladaha amni sii xumaadeen.

Danjire Nicholas Kay, oo u waramay xarunta Janes.com, wuxuu ka hadlay sida ay muhiimka u tahay inuu la joogo shaqaalihiisa ku sugan Muqdisho oo ah magaalo colaadeed  “Haddii aad masuul ka tahay badbaadada iyo amniga meel kasta oo ay 100 ilaa 200 oo qof joogaan, hoggaamiye ahaan masuuliyadaadu waa inaad la joogto. Waxa sidoo kale muhiim ah muuqaalka guud ee ay bixinaysaana inuu yahay inaanu halkan [Muqdisho] joogno, oo aanaan cabsoonayn, diyaarna u ahayn inaanu yaacno.” Ayuu yidhi Kay.

Hase yeeshe, haddana Danjire Kay, , wuxuu sheegay in xaaladaha amni ee Muqdisho ee sii xumaanayaa ay sababayaan inay dib u qiimayn ku sameeyaan joogitaankooda Muqdisho, taas oo ay macnaheedu tahay inay surutogal tahay inay Qaramada Midoobay dib uga guurto magaalada Muqdisho oo ay ku soo deg degtay. Wuxuu dib u qiimayntooda sabab uga dhigay  weeraro dhawr ah oo ka dhacay magaaladaas kuwaas oo uu ka mid ahaa qarax la hagayay oo bishii Febarwari lala beegsaday kolonyo Qaramada Midoobay ka tirsan oo ay ku dhinteen toddoba ka mid ahi, weerarkii lagu soo qaaday xaruntooda Muqdisho iyo kuwo kale.

Mr. Kay, wuxuu sheegay in xidhiidhkii Somaliya Iyo Itoobiya uu u muuqdo inuu soo wanaagsanaanayo, isagoo sheegay inay masuuliyiinta Itoobiyaanu dhawr goor u sheegeen sida ay muhiimka u tahay inay dawladda dhexe la wareegto maamulka deegaanada ay ka qabsadeen Al-Shabaab. “Xidhiidh dhow oo koraya ayaa ka dhex muuqda Somalida iyo Itoobiya.” Ayuu yidhi Mr. Kay.

Qaramada Midoobay iyo wadamada reer galbeedka ayaa hore si indho la’aan ah u soo degay magaalada Muqdisho iyagoo aan hubsan ammaankeeda. Talaabadan ayaa haddii ay Qaramada Midoobay qaado oo ay dib uga guurto magaalada Muqdisho waxa ay dhaawac u gaysan doontaa kalsoonida dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee caalamka, oo marka horeba ay bulshada caalamku ku tilmaantay mid bilaa awood ah.