Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Hogaamiyaha Cusub Ee Itoobiya Iyo Dacadda Ay Soomaaliya Ka Gudbisay Saldhiga Berbera

40
3953

Hargeysa(Geeska)-La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ka hadlay doorashada Dr. Abiy Axmed loo doorty hoggaamiyaha xisbiga EPRDF ee Itoobiya taas oo ka dhigaysa inuu noqdo raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya marka lagu hordhaariyo baarlamaanka dalkaas.

Danjire Cawil, oo isagoo jooga Hargeysa u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay Somaliland soo dhawaynyso doorashada Dr. Abiy oo uu ku tilmaamay nin xogogaal ah oo ku dhowa Meles Zenawi oo saaxiib la ahaa Somalilnd, “Marka koowaad waanu bogaadinaynaa Dr. Abiy inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya, Somaliland way soo dhawaynaysaa doorashdiisa. Dr. Abiy waa siyaasi aad ugu dhawaa Meles Zenawi lana wadaagy niyadsamidii uu Meles u hayay Somaliland, waxaanan rajaynayaa inuu sii xoogaysto xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanan hubaa inay si dhow  danaha labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland uga wada shaqayn doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Abiy Axmed.” sidaas ayuu yidhi Danjire Cawil, waxaanu intaas raaciyay, “Dr. Abiy wuxuu ka soo jeeda qoomiyada Oromada oo ay Somaliland cid walb isaga dhowyihiin. Waxaan xasuustaa sida qalbi wanaaga leh ee ay madaxda Oromada ee heer federaal iyo heer gobal noo soo dhawayn jireen markaanu booqano. Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo ka soo jeeday qoomiyada Oromada ayaa igu yidhi Marxuum Cigaal waxaanu saaxiibnay afartan sannadood ka hor. Waxa kaloon xasuustaa markaanu booqano kililka oromada sida ay noo soo dhawayn jireen. Madaxweynihii hore ee kililka oromada oo hadda ah guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Itoobiya iyo wasiiradiisu waxay nagu qaabili jireen qalbi furan markaanu dhulkooda booqano, ragga kale een xasuusto qalbi wanaagooda waxa ka mid ah Dr. Suufiyaan Axmed oo ahaan jiray wasiirka maaliyadda. Markaas waxaan qabaa in Dr Abiy iyo Madaxweyne Muuse ay sii xoojin doonaan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay Somaliland u aragtaa Itoobiy iyo madaxdeedaba saaxiib gaar ah.”

Danjire Cawil, wuxuu Geeska Afrika weydiiyay siduu u arko dacwadda ay dawladda Soomaaliya gaadhsiisay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah saldhiga UAE ee Berbera iyo weliba dagaalada diblomaasiyadeed ee ay ku hayso maalgashiga dekedda Berbera, waxaanu yidhi  “Tan dacwdda ee Soomaaliya;  maaha wax layaab leh waayo mar walba Soomaaliya waxay inagu haysaa colaad iyo xumaan oo waxay didanyihiin horumarkeena. Laakiin Soomaaliya isuma cusbin hore ayaan dagaalo kala duwan oo diblomaasiyadeed iyo kuwo kaleba ugu kala calaf qaadnay, dagaalkoodan maantuna kama duwana kuwii hore, itaalkooduna wuxuu ku soo urururay waraaqo ay qoraan, annaguna ka dawlad ahaan waraaqahaas kuwo la mid ah oo laga yaabo inay kaba horeeyeen ayaanu gudbinaa, waraaqahaas ay qoraana maaha wax horumarkeena iyo geediga aynu ku jirno saamayn ku yeelanaya, mar walba waynu ka guulaysanaynaa wax qiime ah oo ay waraaqahoodu leeyihiin ma jiro, waana xumaantii lagu yaqaanay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here