Dani Alves Oo Sheegay In Mustaqbalkiisu Uu Weli Kooxda Kooxda Barcelona Yaalo Inkasta Oo Manchester City Dedaal Xoogan Wado

0
861

Picture2Inkasta oo naadiga Manchester City ayaa shaaca ka qaaday in difaaca reer Brazil ay xagaagan kula soo saxeexan doonto 15-million oo pound haddana Dani Alves ayaa arinkan qaboojiyay wuxuuna sheegay in weli mustaqbalkiisu uu garoonka Camp Nou yaalo.

Difaacan waayo araga ah kana mid ah xiddigaha adduunka ugu wanaagsan qandaraaska uu haatan Barcelona kula joogo wuxuu ku eeg yahay badhtamaha sannadka 2015-ka sidoo kalena weli kooxdiisa qandaraas cusub uma soo bandhigin waxayna Man City doonaysaa inay xaaladan cakiran ka faa’iidaysato balse Dani Alves ayaa iska diiday inuu weli naadi kale la xidhiidhay wuxuuna yidhi “Aad baan ugu qanac sanahay ka mid ahaanshaha Barcelona waxaana noo socdo maamulka kooxda wada hadal khaas ah mana doonayo inaan ka hor dhaco waxayna wax walbo kala cadaan doonan marka uu xilli ciyaareedkani dhamaado inkasta oo mustaqbalkaygu uu Camp Nou sii ahaan doono”.

30-jirkan wuxuu Barcelona kula guuleystay 16-koob oo heer caalami ah wuxuuna doonayaa inuu koobab dheeraad ah kula guuleysto xilli ciyaareedkan wuxuuna yidhi “Waxaa wanaagsan in wax la iiga waydiiyo guulaha aan kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan la qaybsan karo waayo rajo wanaagsan ayaan ka qabaa inaan koobab muhiim ah kula guuleysto balse nasiib daro saxaafadu waxay ku mashquulsan tahay kaliya inay ka hor dhacdo halka uu mustabqalkayga ciyaareed ahaan doono marka uu xilli ciyaareedkani dhamaado”. Sidoo kale Alves ayaa sheegay in kooxdiisa Barcelona ay diyaar u tahay xilli ciyaareedkan inay ku wada guuleysato La Ligaha, Copa del Rey iyo Champions League inkasta oo uu qirtay in riyadaas aanay si sahlan run ku noqon doonin.