Dani Alves Oo Markale La Midoobaya Macalinkiisii Hore Pep Guardiola Kuna Soo Wajahan Etihad Stadium

Published on Jun 23 2017 // Ciyaaro

Dani Alves ayaa heshiis laba sanadood ah ugu biiraya kooxda ka dhisan England ee Manchester City sida ay kusoo waramayaan warbaahinta Ingiriisku.  Waxaa se hortaagan oo caqabad ku noqon kara Heshiiska uu ku joogo Juventus.Difacii hore Barcelona wuxuu shalayto [Isniin} la kulmay maamulka Bianconerri wuxuuna kala hadlay arimaha la xidhiidha inuu isaga tagayo magaalada Turin.Manchester City waxaa la filayaa iney bixin doonto aduun dhan 5 Malyan oo Euro si loo burburiyo heshiiska Dani Alves uu kula jiro Juventus oo ay uga hadhsan tahacy 12-bilood.Inkastoo ayna jirin wax lasoo afjaray ilaa iyo hadda hadana shabakadda Goal waxey sheegaysaa in Dani Alves uu ogolaaday heshiis laba sanadood ah.Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in Dani Alves uu qaadan doono aduun dhan 4.3 Malyan oo Euro xilli ciyaareedkii taasoo ka dhigan inuu isbuucii qaadan doono 85,000 kun oo Pound.Gazzetta dello Sport waxey qirtay in xidigaan uu todobaadkii ka qaadanayay Juventus aduun dhan 60,000 kun oo Pound isagoo sidoo kale Barcelona ka qaadanayay aduun dhan 100,000 kun oo Pound.Ilo ku dhaw Man City waxey sheegayaan in Dani Alves la xaqiijin doono ku biiritaankiisa kooxda 48-saac ee soo socda.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!