Dallada SSE Oo War Ka Soo Saartay Mawqifka Dawladda Ee Khilaafka Khaliijka

0
681

Hargeysa(geeska).-Dalada SSE ee ay ku bahoobeen qurbejooga Jamhuuriyada Somaliland ee Yurub ayaa baaq ka soo saaray mawqifka ay Somaliland ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

warsaxafadeed ay guddiga fulinta daladu soo saartay oo talooyin muhiim ah loogu jeediyay dawlada ayaa u qornaa sidan

Taariikh: 13/06/2017

Tixraac: SSE/DK 061/13062017

Taageero  iyo  talo soo  jeedin  ku  aaden go'aanka  ay  somaliland  ka  qaadatay arimaha  ka  taagan  wadamada  khallijka .

Dalada  guud ( SSE )  ee  jaaliydaha   yurub waxay  taageero  buuxda  umuujinaysa go'aanka   ay  dawlad  Jamhuriyada Somaliland ka  qaadatay  xasarada   iyo  xulafaysiga  ka  dhextaagan  wadamada  khaliijka,  sidoo  kalana   waxay  ka  digaysa  dhibaatooyinka  ka imankara   go'aankan,   runtii  waxa   muuqata in   Jamahuuriyada  Somaliland   ku  saxsantahay  mawqifkan  ay   qaadatay    sababo  badan  awgeed ,    tusaale  ahaan .

1-  Waxaa  cad in Qadar iyo xulafadeedu  (  Somaliya  , Turkiga ) lid kuu  yihiin   kana  soo  horjeeda   qaranimada Jamhuriyada  somalialnd, dhanka   kale  taa  lidkeedana  dawladaha   hogaaminaya  xulafada   aynu inagu taageernay in aynu   wadaagno  dano  gaar  ah  waqtigan  xaadirka  sida  DP World- dekeda   berbera   iyo saldhig  malatariba .

2.  Go'aanku  waa  Ismuujin  siyaasadeed   haday  tahay  gobol  ahaan  iyo  caalam ahaanba , waana   ka  qayb  qaadashada    dhaqdhaaqyada  siyaasadeed ee  mandaqada  si somaliland  u ahaato  qaran firfircoon  oo ka  qaybqaadan  kara   giraamaha  siyaasadeed  ee   mandaqada  wareegaya.

3. In  J.Somalialnd hesho  xulufo    iyo  saaxiibo  dhaw–maantana waaba fursad dublamaasiyaddeed oo dahab ah oo ay Somaaliland ka cayaari karto siyaasadda gobolka iyadoo ilaashanaysa danaheeda gaarka ah .

Maxaase  halis  ee  ku  jirta   go'aankan  amaba  ka  imankara  ?

 Ugu   horeyn   Qadar  waa  wadamada   aduunka    ugu  qanisan   amaba  ugu  hodonsan  lacagteedana  xasarad   bay   ku  isticimaashaa,   waxaaabana  lagu  haystaa   in  ay  ururo  aragagixiso   maal  galiso ,  hadaba mar  hadii  somaliland  la  safatay  xulufada  Emaaraatka waa  in aay  ku talagasha  inuu  dhico  karo  dagaal   aan  meel  fog  ka  iman   oo  somaliland  dadkeeda  laysku  jabin  karo  iyada  oo  loo  isticimaalayo  mabda'  diineed  , mid  dhaqaale  ,  mid   siyaasadeed .   Waxa  kale  oo  xusid  mudan  in dawlada  Somaliland   iyada  oo  si  badheedh  ah   u  muujisay  go'aan ka  dhan  Qadar    hadana  ay   dawlada  somaliland    cadaysay  in aanay  ka  saareyn   ururada  samfalka  ee  Qadar   iyada  oo la ogayahay in  ururdada   aduunka  ka  jira   intooda  ugu  badani  ay  fuliyaan  danaha   dalalkooda  amaba  yihiinba  sirdoon.

Maxaa  inala  gudboon  go'aanka  ka  dib  ?  

Waxaa  haboon  in ay  Somaliland   wax   wayn  dhaafsato   amaba  ku  iibsato  go'aankan  iyo  taageerda    ay   gashay,   ugu  horay   in  somaliland   hesho kaalmo  amaba Somaliland  caawimo  ka  dalbato  xulafadeeda, haday  tahay mid  siyaasadeed,  mid qalab  iyo farsamo ,  mid   dhaqaale  iyo  mid  taagero cudud  iyo  sirdoonba  leh  , ugu  horeyna  waxaynu  ku  difaacno  amaba   ku  ilaalino  hawada   aynu  ka  mabnuucnayn  diyaarada   Qadar  .

Gunaanadkii ,dalad (SSE)   ahaan  waxaanu  ku  boorinayana kuna   baraarujinaynaa  dawlad  iyo  shiciba     in  laga  feejignaado  loona  diyaargaroobo   dhibkasta   iyo  saamaynkasta  oo  ka  imankarta  go'aanka    adag   ee  aynu  qaadanay  ee  ku  aaden  xasarada   khaliijka .

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE