Dallada Dhallinyarada SONYO Oo Yeelatay Kalfadhigii 27aad Iyo Qodobada Laga Soo Saaray

0
525

Picture3Hargeysa(Geeska)-Golaha Sare ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO oo yeeshay kal-fadhigoodii 27aad ee caadiga ahaa oo ku qabsoomey Huteel Scandinavian ee magaalada Hargeisa Feb 28th – March 1, 2014, waxa ay kal-fadhigoodan oo ahaa mid muhiimadiisa lahaa kaga doodeen arrimo badan oo xasaasi ah oo khuseeya horumarka dhaqan dhaqaale ee guud ahaan dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan marxalada maanta dhallinyarada JSL ku sugan yihiin iyo wax ka qabashadeeda. Waxa Golaha Sare hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay doorka shariifka ah ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO kaga jirto xaqiijinta himilada fog ee dhalinyarada JSL iyo baahida loo qabo sii xoojinteedaba.

Qoddobada iyo go’aanada ka soo baxay Kal-fadhiga 27aad ee Golaha Sare waxa ay yihiin:

Shirku waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadinayaa aas-aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL, oo qayb ka noqon doona fulinta Siyaasada Horumarinta Qaranka (National Youth Policy). Shirku waxa uu u arkaa talaabo hore loo qaaday oo waxtar togan u yeelan doonta wax ka qabashada baahiyaha dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo la dagaalanka tahriibta. Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, oo qayb libaax ka qaadatay aasaaska Sanduuqan, waxa ay diyaar u tahay taabo-galinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL, oo ay Dallada SONYO u aragto in uu fure u noqon doono shaqo abuurka dhallinyarada, horumarinta ciyaaraha dalka iyo la dagaalanka tahriibta. Sanduuqa waxa maamuli doona Gole Sare oo ka kooban, Dallada Dhallinyarada SONYO, Wasaaradaha Safka hore ee ka shaqeeya arimaha Dhallinyarada, Xubno ka socda bulshada rayidka ah, Xubno ka socda ganacsatada dalka, culimo u diin iyo aqoonyahan laga soo xulo bulshada JSL.

Shirka Golaha Sare waxa uu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO ku sifawdo Dallad Dhallinyaro Heer Qaran oo hano-qaaday isla markaana u taagan hirgalinta qorshaheeda 5-ta Sanno iyo Siyaasada Horumarinta Dhalinyarada Qaranka. Kuwaas oo xambaarsan barnaamijyo wax-ku-ool ah oo ku waajahan horumarinta arrimaha dhaqan-dhaqaale ee dhallinyaradda JSL.

Shirku wuxuu soo dhawaynayaa lacagta 1 million ee dollar ah ee qaadhaan bixiyayaasha gargaara JSL ugu deeqeen wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee dhallinyarada, ka dib markii Xukuumada JSL iyo Dallada Dhallinyarada Qaranku si wada jir ah uga codsadeen arintaas. Dallada Dhallinyarada Qaranka ee SONYO oo xubin ka ah guddiga maamulaha Sanduuqa deeqaha tooska loo siiyo Somaliland, oo olole xoogan u gashay suurta-galnimada bixinta lacagtan lagu deeqay, waxa ay u mahadcelinaysaa dhammaan xubnaha kale ee guddiga oo dhammaantood ka tirsan Xukuumada JSL. Shirku waxa uu ku talinayaa in lagu bixiyo lacagtaas arimaha shaqo abuurista dhallinyarada, dhisida garoomo ciyaareed iyo goglida iyo qurxinta garoomadii ciyaaraha ee hore u jiray.

Shirku wuxuu hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Golaha Guurtida JSL ee dhammeeyey khilaafkii siyaasiga ahaa ee soo kala dhexgalay xubnaha Golaha Wakiilada JSL. Shirku waxa kale oo uu ammaanayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL ee u hogaansamay go’aanadii ka soo baxay Golaha Guurtida iyo guddigii dhex-dhexaadinta. Arintani waxay ay tusaale fiicanu tahay qaan-gaadhnimada JSL.

Shirku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan xubnaha Golayaasha Deegaanada Dalka loo doortay in ay ku baraarug-sanaadaan xilka iyo masuuliyada culus ee loo doortay. Waxa aanu ugu baaqaynaa dhammaan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee la soo doortay in dhallinyaradii dalka ee codkooda siiyey ufiirsanayso xilkasnimadooda, qiimaynaysana wax-qabadkooda. Waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa Xubnaha Golayaasha Deegaanada ee khilaafku kula dhex jiro in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo afjaraan, Dallada Dhallinyarada SONYO  – na diyaar u tahay wixii taageero farsamo loo baahdo.

Shirku isaga oo ka duulaya baahida loo qabo aloosida fagaare dhallinyarada dalku kaga arinsato xalinta arimaha kurbada ku haya iyo utalo badsiga waayaha mustaqbalku ku qaabili doono dalkooda hooyo, waxa uu soo jeediyey qabashada Shir-weynaha Dhallinyarada Qaranka ee ugu horeeyey noociisa. Sidaas daraadeed, Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee JSL ee SONYO iyo Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku waxa ay sida jira ugu dhawaaqayaan in, 11 iyo 12 bisha August, 2014, la qabto Shir-weynaha Dhallinyarada Somaliland (Somaliland Youth Summit). Shirweynahaas oo dhallinyarada dalku kaga arinsan doonto waayaha ku gadaaman maanta iyo kuwa mustaqbalka labadaba. Shirkaas waxa ka soo bixi doono qaraar rasmi ah oo xambaarsan talooyin wax-ku-ool ah iyo muhiimadaha (priorities) arimaha dhallinyarada iyo xalkooda. Shirku waxa uu noqon doonaa sanadle ah oo baaxad weyn leh, waxaana lagu beegay maalinta dhallinyarada Adduunka si qaraarka shirka ka soo baxaa cod ugu biiriyo qaraarada dhallinyarada adduunku ku gaadhayso shirarkooda. Haddaba, waxa shirku ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha arimaha dhallinyarada in ay ka qayb galaan qabashada Shirweynaha Dhallinyarada JSL (Somaliland Youth Summit).

Ugu dambayntii, shirku waxa uu ka codsanayaa dhammaan Muwaadiniinta, Ganacsatada dalka, Xukuumada JSL, Asxaabta Qaranka, Xildhibaanada Labada Gole, Xildhibaanada Golayaasha Deegaanada la soo doorto iyo dhammaan shacbi weynaha JSL in ay ka qayb galaan qaadhaanka dhismaha Dhallinyarada Qaranka ee Madaxweynaha JSL dhagax-dhigay, dhismihiisuna bilaabmay. Dhismaha Dhallinayarada Qaranku waxa uu noqon doonaa xarun madal u noqota gardaadinta garaadka fayow iyo aloosida fagaarayaal dhallinyarada dalku ku dood –barato, kuna tashato.

Shirku wuxuu u rajaynayaa dhallinyaradda iyo guud ahaan dadweynaha JSL guul iyo barwaaqo.

 

Mahad Allaa leh.

Mubarak Ismail Taani,

Gudoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO

Hargeisa, Somaliland