“Dalka Waxaan Rabaa Inaan Madaxweyne Ka Noqdo Maalinta Axmed Maxamed Siilanayo Uu Xilligiisa Labaad Dhammaado Ama Isagu Haakah Yidhaahdo”

0
823

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa sheegay inuu Muuse Biixi uga tanaasulay oo keliya guddomiyenimada xisbiga KULMIYE, balse haddii uu Madaxweyne Siilaanyo cadeeyo inaanu murashax ahayn, uu ka mid noqon doono murashixiinta madaxweynaha ee xisbiga gudihiisa ka tartami doonta.

Cabidcasiis Samaale ayaa sida oo kale dafiray warar maalmahanba warbaahintu baahinaysay oo la xidhiidhay khilaaf soo kala dhex galay wasaarada maaliyada iyo bangiga dhexe. Waxa sida oo kale uu Samaale ka hadlay la dagaalanka sare u kaca doolarka oo ay ka wada qab qaateen hoos u dhigidiisa baanka dhexe iyo arimo kale.

Waxa uu wasiir samaale sidan ku sheegay mar uu ku hadlaayay xafiiskiisa, isla markaasna ay warbaahintu su’aalo ku waydiisay halkaas.

Samaale, oo la su'aalay hankiisii murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE halka uu ku dambeeyay, wuxuu yidhi “Nidaamkaas asxaabta ee qarankeena ka jiraa waa nidaamka aynu jecelnahay in aqoon yahanku uu ku soo baxo oo qabyaalada lagu yareeyo, waa nidaamka aynu jecelnahay inay ku soo baxaan dadka wanaagsan ee umadda wax u qaban karaa, waxaynu jecelnahay in nidaamka ah in qofku reer habel ayaan ahay  wax ku doono in laga baxo oo qofku aniga wax ah ku doono, inuu wax ku dooni karo waxan ayaan umadda u qabanayaa  dabaeedna ay umaddu codka siiso oo uu sidaas ku soo baxo.”

Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Anigu markii hore waxaan ahaa aas aasayaashii Kulmiye,waxan ahaa dadkii ugu horeeyay ee xisbiga uga soo baxay golahii gakiilada ee ugu horeeyay ee la soo doortay, guddomiye ku xigeenkii golaha wakiilada ayaan ahaa, maantana wasaarada maaliyada ayaan xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye u joogaa, mar walba anigoo Kulmiye ah.Maanta qaranku madaxweyne ayuu leeyahay waana Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxweynaha dastuurku waxa uu siinayaa inuu laba xili tartami karo, miyuu dhammaaday xiligiisii koowaad? waa maya oo madaxweynaha sanadkii afraad ayaa hadda u socda, xaq waxa uu u leeyahay in madaxweynuhu uu mar labaad soo istaago, isaga ayay ku xidhantahay in uu mar labaad istaago iyo in kale  oo taas anigu ka hadli maayo, waana arin madaxweynaha u taala.anigu damacaygaas hore waan u sheegay maantana waan ku celinayaa  dalka waxaan rabaa inaan madaxweyne ka noqdo maalinta Axmed Maxamed Siilanayo uu xiligiisa labaad dhamaado ama isagu haakah yidhaahdo, waxayse taasi ku xidhantahay tartan asxaabeed, oo xisbi UCID ah iyo Mid Waddani iyo Kulmiye ayaa jira, aniguna Kulmiye maanta musharax uma’ihi laakiin maalinta musharaxa Kulmiye la gaadho Alle hayna gaadhsiiyo, maanta waxaan ku taageersanahay walaalkay muuse biixi oo guddoomiyaha xisbiga aanu ku tartamaynay waan uga hadhay guddoomiye nimadii, hadda tartankaas socda ee shirweynaha ee guddoomiyaha xisbiga lagu dooranayo waxaan ku taageerayaa inuu Muuse guddoomiyaha xisbiga noqdo, laakiin waxii kale wakhtigiisii imika lama gaadhin.”

Intaas kadib waxa uu wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ka hadlay khilaafka la sheegay inuu ka dhaxeeyo baniga dhexe iyo arimo sixir bararka doolarka inay iska kaashadeen hoos u dhigidiisa baanka dhexe, waxana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Bangiga Somaliland iyo wasaarada maaliyadu isku shaqo ayay qaranka u hayaan, waa laba haayadood oo qarankan u qaabilsan arimaha maaliyada, wada shaqayn wanaagsan ayaa ka dhaxaysa bangiga iyo wasaarada, habayaraatee maalin kaliyaata oo baniga iyo wasaaradu ay wax isla diideena ma jirto, meeshay shaqo taalo duruuf iyo culays ayaa yaala,  laakiin wax is fahan waa’ ah oo bangiga iyo wasaarada maaliyada u dhaxeeyaa  ma jiraan. Waxaan maqlaayay iyada oo la leeyahay wasaarada maaliyadu lacagtii bangiga lagu xarayn lahaa may ku xarayn, arintaas waxba kama jiraan lacagtaas bangigi ayaa lagu xareeyay,wasaarada maaliyadu markay lacagta qabato saacada ay is tidhaahdo waa ku munaasab ayay bangiga gaysaa. Isla hagaajin iyo  iyo la dagaalanka sixir bararka  oo bangiga iyo wasaarada maaliyadu ka wada socdeen ayaa jiray, waad la socoteen oo doolarka ayaa sare u kacay waanay ka wada shaqaynayeen bangiga iyo wasaaradu sidii hoos loogu soo celin lahaa, waanan ku guulaysanay, waxa xilkan si gaar ah u leh bangiga  anaguna waanu kala shaqaynaa. Waxa ka mid ah talaabooyinka ay wasaarada maaliyada iyo bangigu wada qaadeen in cashuurta lagu qabanaayay goobaha kastamada hadii qofku marki hore uu jeeg la tagaayay inuu hada la tago kaash, iyada oo kaashkaas aanu u arkaynay siyaasad lagula dagaalamayo sixir bararka doolarka waanay shaqaysay oo maalintii aanu bilawnay sidii uu doolarku ahaa maanta waa uu ka hooseeyaa.”