Dalka Shiinaha Oo Dhisanaya Magaalo Ku Fadhida Dhul Baaxaddiisu Saddex Jeer Ka Weyn Tahay Magaalada New York

0
531

Washington (Geeska)- Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey qorshe ay dawladda China ku doonayso in ay dhisato magaalo cusub oo ballaceedu saddex laab ka badan yahay ballaca magaalada New York ee dalka Maraykanka. Taas oo qayb ka ah qorshaha ay dawladda dalkaasi doonayso in ay ku yarayso cidhiidhiga jidadka ka taagan, iyo sidoo kale tirada xad dhaafka ah ee deegaanka magaalooyinka  oo magaalada caasimadda ah ee Beijing oo keliya ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso Laba boqol iyo labaatan iyo laba (222) Milyan oo ruux.

Masuuliyiinta maamulaysa magaaladan cusub oo magaceeda loo bixiyey Xiongan (Shiyoongan) ayaa sheegay in baaxadda dhulka ay ku fadhidaa u dhigmi doono saddex degmo oo dhinaca koonfur-galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah, isla markaana loo qorsheeyey in ay noqoto magaalo Istaraatiiji ah oo muhiimaddeedu aanay hoos u dhicin kunka sano ee soo socda.

Warkan oo uu GEeska Afrika ka soo xigtay shabakadda A-Jazeera ayaa intaas ku daraya in magaalada Xiongan ay xal u noqon doonto korodhka dadka Shiinaha, oo cidhiidhi badan ku haya magaalooyinkii hore u jiray. Dhinaca kalana madaxweynaha dalka China Xi Jinping (Shi Jiin Biing) ayaa sheegay in magaaladani ay tusaale u noqon doonto hal-abuurka horumarineed, muhiimad gaar ahna ay siin doonto dhowrista deegaanka, iyo wanaajinta xaaladda shacabka”

Wargeyska The Guardian waxa uu sheegay in isla markii lagu dhawaaqay qorshaha dhismaha magaaladan cusub ay dadka maalgashadayaasha ah ee fursadaha ugaadhsadaa bilaabeen in ay maalgashadaan dhismayaasha ganacsi iyo hoy ee magaaladani yeelan doonto iyaga oo dareensan in ay waqti aan fogeyn dhismayaashoodaas ku sii ibin doonaan qiime faa’ido badani u saaran tahay, laakiin saamaynta ay arrintani yeelatay ayaa ah in saacado yar kadib markii lagu dhawaaqay qorshaha dhismaha magaaladan uu markiiba cirka isku shareeray qiimaha dhulka magaaladu.

Sida la og yahay Shiinuhu sannadihii u dambeeyey waxa uu dhisay ama magaaleeyey tobannaan deegaanno cusub ah, taas oo qayb ka ah qorshe ballaadhan oo ay xukuumadda dalkaasi doonayso in ay ku camirto dhulka bannaan, si loogu kala yareeyo cidhiidhiga ka jira magaalooyinka.