Dalalka Kale Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Ka Baxaan Midowga Yurub Iyo Goballo Maraykanka Ka Mid Ah Oo Ay Ka Socdaan Dhaqdhaqaaqyo Gooni Goosasho Ahi

0
698

London (Geeska)- Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa fashiliyey daraasad Istaraatijiyadeed ay samaysay wasaaradda Maaliyadda ee Jarmalka, taas oo muujinaysa sida uu dalkaasi uga warwarsan yahay suurtogalnimada in Faransiiska, Holland, Austria, Finland iyo Hungary ay iyaguna maraan jidkaa Ingiriiska oo ay ka baxaan Midowga Yurub.

Wargeyska Die Welt oo ku hadla afka dawladda Jarmalka ayaa sheegay in daraasaddani ay dawladda Jarmalka kula talisay in ay dalka Ingiriiska ka hor istaagto in uu ka bixitaanka kadib haddana xidhiidh fiican wada shaqayneed la sii yeesho Midowga Yurub. Iyo in laga hor istaago waxa ay ugu yeedhay, “Wada xaajood wax ku ool ah, oo ujeedkoodu yahay in boqortooyada Ingiriisku ay noqoto dawlad ay shuraako la’ ah Midowga Yurub” si aanay dalal kale ugu arag in go’itaanku aanu waxba ka beddelayn xidhiidhka ay la yeelanayaan dalalka Midowga Yurub.

Daraasaddan ayaa sidoo kalana sheegtay in isla marka uu dhamaystirmo bixitaanka Ingiriisku, laga doonayo Jarmalka in qaadhaanka uu ku daro miisaaniyad sannadkeedka Midowga Yurub ku shaqeeyo luu ku daro qiyaas ah 3 Milyan oo lacagta Yurub ah.

Dhinaca kalana warbixin Geeska Afrika soo akhriyey  warbixin dabayaaqadii bishi tagtay uu daabacay wargeyska Washington Times ee dalka Maraykanka, taas oo lagu sheegay in saacado yar kadib markii Ingiriisku u codeeyey in uu ka baxo Midowga Yurub, uu Daniel Miller oo ah nin u dhaqdhaqaaqa in gobalka Texas ka go’o dalka Maraykanka intiisa kale, ay sida daadka ugu soo jabeen farriimo ka imanaya Maraykan ah oo weydiinaya su’aasha ah, “Sidee aynu innaguna sidaa Ingiriiska u yeeli karnaa?”

Warqad Internet ka ah oo loogu talalagay in ay saxeexan dadka gobalka Texas ee gooni isu-taagga doonaya ayaa mar keliya kor uga kacday 300 oo noqotay 264 kun oo ruux, “Qadiyaddani waxa ay dadkayaga Texas u tahay, in ay helaan xaqa aanu u leenahay in aanu is-maamulno, shuruucdayadana annagu samaysanno” ayaa uu yidhi Miller.

Dastuurka dalka Maraykanka ayaa aan ogolayn in gobal uu iskii uga baxo midowga isaga oo aanay sidaas isla waafaqin dawladda dhexe, laakiin Marinelli oo arrintaas caddaynayaa waxa uu yidhi, “Looma jeedo in aanay goballadu goosan karin, waa ay goosan karaan. Waxase loo jeedaa in aanay iskood u goosan karin” isaga oo sheegay in ay awoodi karan in dawladda dhexe iyo goballada kalaba cadaadis ku saaraan in loo fasaxo bixitaankooda. Sidoo kale ay geli karaan ol’ole xeerarka wax lagaga beddelayo si loogu daro qodobbo ogolaanaya in si nabadgelyo ah oo sharci ah loo kala go’i karo.

Muddo dheer waxaa jiray guux isa soo taraya oo gobollada Texas, California iyo New Hampshire oo doonaya in ay ka go’aan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Maraykan.

Dhinaca kalana Louis Marinelli oo isna u halgama sidii uu gobalkiisa California uga goosan lahaa Maraykanka kale ayaa natiijada bixitaanka ee Ingiriiska kadib yidhi, “Waa tusaale inta tusaya dhaqdhaqaaq madax bannaani doon ah oo ka socda dunida reer galbeedka”

Warkan ayaa ku soo beegmay xilli isla gobalka Scotland ee dalka Ingiriiskuna uu sheegay in uu danaynayo in dadka laga qaado afti ay kaga go’ayaan dalka Ingiriiska. Marinelli oo madax u ah urur lagu magacaabo “Haa, Madax bannaanida California” ayaa intaas ku sii daray, “Markaa Imika dadka reer California marka ay maqlaan goosasho yaanay u fahmin dagaal sokeeye in uu dhacayo. Waayo waxa ay haystaan tusaale dunida maanta ah oo ay ka arkayaan sida ay u dhici karto in si nabdoon oo sharci ah oo dastuuri ah loogu kala tegi karo” Kooxdan gooni goosadka ah ayaa tan iyo bishii Ogos ee sannadkii hore waxa ay ururinayeen taageerada muwaadiniinta si doorashooyinka sannadka 2020 ee baarlamanka gobalka ay kuraasta ugu badan helaan dad taageersan goosashada oo markaas u codeeya in gobalku ka go’o Maraykanka kale. Gobalka Mexico ayaa qudhiisana ay muddooyinkii u dambeeyey ka socdeen doodo la xidhiidha ka goosashada dalka intiisa kale.