Daladda SSE Oo Ka Hadashay Shir 18 May Qabsoomay London

0
22

Hargeysa(Geeska)-Dalladda SSE ee ay ku bahoobeen qurbe-joogta Somaliland ee Yurub ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay shir 18 May ka dhacay xarunta Church House ee magaalada London oo ay ka qayb galeen madax iyo aqoonyahano reer Somaliland ahi.

Guddoomiyaha SSE Md. Cabdillahi A. Yuusuf (Xeef) ayaa warsaxafadeed uu soo saaray oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Geeska Afrika, wuxuu kaga hadlay shirkaas iyo arrimihii lagu soo hadal qaaday, waxaanu warsaxaafadeedku u qornaa sidan “Waxa sharaf iyo maamuus ii aheyd in aan Xuska Munaasabada 18ka ee 2017(ka) aan ka qayb galo isu-soo-bax lagu qabtey Magaalada London ee caasimada Boqortoayada waddanka UK. Waxa kale oo iyaduna fursad qaaliya aheyd in aan ka qayb galo Shir ama kulan caalamiya oo xaafiiska wakiilka Somaliland uu ku qabtey xarunta Church House ee magaalada London. Ka qayb galka labadan munaasababood keli kumaan aheyn ee waxa kale oo igala qayb galey xubnaha Dallada SSE ee waddanka UK. Waxa kale oo ka qayb galkaa igu wehelinayay labo xubnood oo ka kala Jaaliyadaha dalalka Holland iyo France. Aad ayaan ugu mahad celinayaa labadaa xubnood, maadaama ay socdaal dheer ay iyaguna u soo galeen ka qayb galka labadan munaasabadood, kuwaasoo kala ah Cali Xaruuri iyo Maxamed Xasan.

Ka qayb galka shirka caalamiga ah.

Shirkan waxa lagu qabtey Church House oo ah goob aan ka fogeyn halka lagu qabanayay isu-soo-baxa 18ka May. Kulanka waxa ka soo qayb galay aqoonyahano reer Somaliland ah iyo kuwo Ajaanib ah oo ay ku jiraan saaxiibada Somaliland iyo kuwa daneeya arrimaha Gobbolka. Waxa kale oo ka soo qayb galey masúuliyiin iyo madax uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire. Ujeedada shirka ayaa aheyd in si cilmiyaysan loogu lafo guro qaddiyada Somaliland ee aqoonsiga iyo weliba horumarka iyo nolosha dadka reer Somaliland. Arrimaha lagu xaaleeyay ayaa waxa ka mid ahaa waxyaabaha Somalilana u qabsoomay 26kii sanno ee u dambeeyay iyo hawlaha mustaqbalka. Mawduucyada kale ee goobta lagaga hadlay ayaa waxa ka mid ahaa:

-Nabadgelyada Somaliland iyo qaybsiga awoodaha xukunka

-Arrimaha abaaraha soo noqnoqanaya iyo isbedalka cimilada

– Habsami socodka nidaamka doorashada

– Arrimaha xidhiidhka caalamiga ah gaar ahaana EU iyo waddamada Africa

-Arrimaha maalgashiga iyo caqabadaha jira.

Kulanku wuxuu ahaa mid si qoto dheer loogu soo bandhigey arrimaha kor ku xusan, waxaana nasiib wanaag aheyd in wakhti ku filan la siiyay su’aalaha iyo doodaha ku wajahnaa mawaadiicdii goobta lagu soo bandhigey. Aqoonyahanka iyo siyaasiinta goobta ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa: Dr. Sacad Cali Shire, Dr. Ahmed Ismail Samatar, Dr. Iqbal Jhasbhay, Dr. Siham Rioyale, Dr. Mohamoud Dahir Afgarshe, Matt Ryden, Dr. Edna Adan, Dr. Laura Hammond, Quman Akli, Dr. Micheal Walls, Dr. Mohamed Fadal, James Warwick, Oudekki Loone, Dr. Ismail Ahmed, Ahmed Yusef iyo Abdirashid Dahabshiil. Kulankan qaybtiisii dambe iyo gabogabadiisii waxa lagu soo afjaray xarunta cilmi baadhista Africa (Africa Research Centre) oo aan iyada lafteedu goobta ka fogeyn. Kulanka guud ahaan waxa la soo gabogabeeyay qiyaastii markii ay saacadu aheyd sideedii fiidnimo. Wuxuu ahaa kulan ahmiyadiisa leh, waxaanan mahad balaadhan u soo jeedinayaa dhammaan dadkii ka soo shaqeeyay ee wakhtiga iyo hawsha geliyaya oo ay u horreyso wakiilka Somaliland ee UK.

Ka qayb galka isu-soo bixii London

Intii uu socdey kulanka caalamiga ah ee lagu gorfeynayay qadiyada Somaliland, waxa kale oo barbar socdey isu-soo bax lagu qabtey magaalada London, kaasoo ay soo bileen in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee UK. Isu-soo-baxa waxa lagu qabtey goob ama meel aan ka fogeyn xarunta looga taliyo UK ee West-Minister. Ujeedka isu-soo-baxa ayaa ahaa in lagu taageero qadiyada aqoonsiga ee Somaliland iyo in beesha caalamku ay garawshiiyo ka bixiyaan xaqa iyo xuquuqda ay dadka reer Somaliland u leeyihiin in lagu ixtiraamo go’aanka la soo noqoshada qaranimadooda. Ujeedada labaad ee isu-soo-baxa ayaa aheyd in la muujiyo sida dadka reer Somaliland ay ugu mideysanyihiin qadiyadooda iyo weliba sida ay uga go’antahay in Somaliland ay gaadho yoolka ay higsanayso. Guul iyo gobanimo ayay u aheyd qurbo jooga Somaliland ee UK inay soo abaabulaan isu-soo-baxaa sida xooggan loogu soo baxay. Halkan waxa aan sidoo kale uga mahadcelinayaa dhammaan guddigii qabanqaabada ee ka soo shaqeysay hawshan midho dhalka ah. Si gaara ayaan ugu mahadnaqayaa hoggaanka iyo xubnaha Dallada SSUK oo hawl iyo wakhti geliyay sidii isu-soo baxani uu u noqon lahaa mid lagu guuleysto.

Qoraalkan kooban waxa kale oo aan uga faa’iideysanayaa in aan u mahadnaqo dhammaan jaaliyadaha iyo ururada reer Somaliland ee Yurub oo sannadkan la yimid nashaadaad ay ku muujinayaan 26 guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland la soo noqotay qaranimadeeda. Waxa aan jecelahay in aan si gaara u xuso Jaaliyada Sweden oo iyada lafteedu samaysay isu-soo-bax iyo weliba kulan ay ku furayeen Xafiiska ama xarunta wakiilka Somaliland ee Sweden oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka yimid Somaliland ah uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland iyo Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socdey waddanka Sweden.

Gebogebo ahaan, waxaanan rajaynayaa inaynu ku guuleysan ololaha dhaqaalaha loogu ururinayo dadka ku tabaaloobay Abaaraha Somaliland oo in badan oo Jaaliyadaheena ahi ay dedaal ugu jiraan sidii gacan iyo taakulo looga geysan lahaa.