Dal Shaqaala Dawladda Ka Mamnuucay In Ay Internet Ka Isticmaalaan Kombiyuutarrada Shaqada Iyo Sababta

0
574

1Singapore (Geeska)- Dawladda Singapore ayaa soo saartay amar, laga bilaabo sannadka foodda innagu soo haya ee 2017ka shaqaalaha dawladda ka mamnuucaya in ay Kombiyuutarrada xafiisyada iyo goobaha kale ee shaqada ka galaan Internet ka, arrintaas oo xidhiidh la’ leh tallaabooyinka ay dawladdu ku adkaynayso ammaanka dhukumantiyada qaranka iyo siraha qoran ee ku jira kombiyuutarrada kala duwan.

Wargeyska Streets Times oo ka soo baxa dalka Singapore oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegaya in marka la gaadho bisha May ee sannadka dambe oo amarkani dhaqangelayo aanay ugu yaraan 100 kun oo shaqaalaha dawladda ahi awoodi doonin in ay Internet ka galaan goobaha shaqada iyo xafiisyada dawladda, tallaabadaas oo uu wargeyskan qoray ku tilmaamay mid aanu nooceedu hore u dhicin.

Ujeedada amarkan ayaa ah in laga hortago in ay si uun u siibtaan ama la xado dhukumantiyada muhiimaka ah ee dawladda ee ku jira sanduuqa (Inbox) E-maillada shaqada ama adeegga internet ka ee suurtogeliya in xafiisyada dhexdooda farriimaha la isugu gudbiyo iyo sidoo kale kuwa ku kaydsan kombiyuutarrada goobaha shaqada. Laakiin shaqaalahan waxaa loo ogol yahay in ay internet ka geli karaan kombiyuutarradooda gaarka ah, waxa la diiddan yahayna waa in internet ka laga galo kombiyuutarka shaqada ee yaalla xafiiska ama goobtada shaqada ee dawladda. Sidoo kale shaqaalaha xilka ama shaqada ay wasaaadda u hayaan uu ku xidhan yahay Internet ka ayaa loo sameeyey kombiyuutarro labaad oo gaar ah oo iyaga shaqadoodu tahay keliya in internet ka laga isticmaalo.