Dal Muwaadinka Shaqadiisa Aan Iskaga Tegin Ku Abaal Marinaya Lacag Dhan $6400 Iyo Sababta

0
802

Riyaad (Geeska)- Sanduuqa horumarinta xoogga shaqaalaha ee dalka Sucuudiga ayaa bilaabay barnaamij cusub oo loogu tala-galay in muwaadiniinta bilaa camalka ah ee dalkaas lagu dhiirri geliyo in ay soo codsadaan shaqooyinka bannaan ee lagu baaqo iyo in ay ilaaliyaan sii wadista shaqooyinka ay helaan. Masuuliyiinta sanduuqan ayaa sheegay in abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa 6400 oo doolar la siin doono dadka shaqada soo raadsada iyo kuwo shaqooyinka ay helaan ku fara adayga, arrintaas oo la doonayo in dadka dalkaas lagu dhiirri geliyo in ay shaqo tagaan si ay u buuxiyaan shaqooyin badan oo cid qabata la la’ yahay iyo in ay iska joojiyaan dabeecadda ay caanka ku yihiin ee ah in shaqada uu qofku muddo gaaban kaga caajiso oo uu iskaga tago. Waxa aanu xafiisku sheegay in shardiga keliya ee abaal marintan lacageed ku xidhani yahay in qofka muwaadinka ahi muujiyo in uu diyaar u yahay inuu shaqaysto si fiicanna shaqadiisa u ilaashado.

Dalkan oo dadkiisa lagu tiriyo kuwa labaad ee dunida oo dhan ugu caajiska badan ayaa muwaadiniintiisa bilaa camalka ahi aanay ku warwarin shaqo raadsi ama aanay isku taxalujin in ay codsadaan shaqooyinka tirada badan ee sida joogtada ah loogu baahan yahay iyada oo ay sababtuna tahay dadkaas oo isku hallaynaya lacagta ay dowladdu siiso muwaadiniinta bilaa shaqada ah oo ah lacag bil kasta u dhiganta 533 doolar, taas oo ku filan, sidaa awgeed ay ka wahsanayaan in ay shaqaystaan.