“Dal Iyo Dad Mid Ah, Ayuu Rayaale Inagaga Tagay, Siilaanyana Sicir Barar Xadhkaha Goostay, Qabyaalad Iyo Musuq-Maasuq Buu Inagaga Tagayaa”

30
2729

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, iyo Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, waxayna is barbar dhig ku sameeyeen Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan Axmed Siillaanyo, oo ay tilmaameen in aanay isku dhaweeyn, oo Daahir Rayaale waxay ku tilmaameen inuu ka tagay dal iyo dad mid ah, halka ay xuseen in Axmed Siillaanyana taladda dalka ka tagaayo sicir barar aan ilaa hadda waxba laga qaban, musuq iyo iibka hantida umadda.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, iyo Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale soo dhaweeyey is casilaada Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada, waxayna ugu horeyn Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye,uu yidhi “Xukuumaddan Oday Axmed waxaynu ka dhaxalnay Sicir barar, qabyaalad iyo kala qaybin umadda ah, qayb iyo xukun baynu ka dhaxalnay,Wasiiro xad dhaaf ah, oo aan xitta qaar is aqoon, waxaynu ka dhaxalnay iibka hantida umadda, Daahir Rayaale Madaxweyne degan buu ahaa, qiimaha doolarkuna wuxuu maraayey markii uu ka tagay ilaa lix boqol, maantana halka uu marayo cid walba wey ka war haysaa, Oday Axmedna intii hore uu fiicnaa, balse markii dambe waxa khal-khaliyey kuwa hareeraha ka jooga”.

Xildhibaan Aareeye mar uu ka hadlaayey Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshaa is casiladaasi ayaa yidhi “Is casilada Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye,waan hambalyeynayaa, guulna waan u aragnaa, Ragganimada uu isk u casilayna waan ku hambalyeynayaa, Wasiiro kalena inay ku xigeen oo ay iyana is casilaan ayaan ku rajo weynahay, Xisbiga Kulmiyena waxba uma yaalan Awdal iyo Gobolada kale ee dalkaba, kubadiina waa laga dhaliyey meel kasta”.

Mar uu is barbar dhigaayey Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Xukuumaddii Daahir Rayaale weynu ogayn oo musuq-maasuqu sidan muu ahayn, haddii uu jirayna aad buu u yaraa, Dawladnimadeenuna aad bay u adkayd, balse todobadan sanno ee Siillaanyo dawladnimadeenii wey dabacday, Dawladnimadeenii adkayd wakhtigii Daahir Rayaale, dabacsanaan ayaa ku timid wakhtigan Axmed Siillaanyo, waxa dhab ah in waddooyin la sameeyey wakhtigii uu Xirsi Cali Xaaji Xasan joogay, waanu ku amaanayey, dal iyo dad mid ah,ayuu  Daahir Rayaale inagaga tagay, Madaxweyne Siillaanyana sicir barar xadhka goostay, qabyaalad iyo musuq-maasuq buu inagaga tagayaa”.

Xildhibaan Hufane ayaa isna yidhi ‘Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu muddo ayuu soo shaqeeynayey, wuxuu ahaa runtii masuul xilkiisa iyo xisbul xaakimkaba daacad u ah, anigu waan garanayaa Xisbiga Kulmiye, oo waan ka soo tirsanaan jiray,Shirarkana waanu wada gali jirnay Wasiirka, oo nin adag ayuu ahaa,waxaana xaqiiqo ah inuu la shaqeeyn kari waayey, Kulmiye, oo Xukuumaddii oo musuq-maasuqa iyo Xisbigeedii oo isku dhex jira, ayuu la shaqeeyn kari waayey, qofka shaqeeynaya ee daacad ahina kuma gali karo, waana ku hambalyeynayaa is casilaadiisa, wakhtigeediina uu is casilay”.

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey hantida qaranka ayaa yidhi “Somalidu waxay tidhaahda nin qoyani biyo iskama dhawro, Xukuumadda Kulmiye todobaad sanno waxaynu ku baranay xatooyada hantida qaranka, musuq-maasuq, cadaalad daro, hantidii umadda u dhexeysay oo la xaraashay, maantana Xukuumadda Kulmiye shacabku uu bartay, shacabkana waxaan leeyahay codkiina ku aarsada, kolay hantidii umadda Kulmiye ayaa ku ololaynaya, ee Shacabka waxaan leeyahay is bedelka qaata, Kulmiyena waxaad ku cuni kartaan ku cuna, codkiinuna waa inuu Waddani noqdaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here