Dal Ganaax Ku Soo Rogay Qoraa Kasta Oo Isticmaala Ereyo Adag Oo Fahamkooda Akhiristuhu Ku Adkaado

0
722

Dushanbe (Geeska)- Jamhuuriyadda Tajikistan ee badhtamaha Eeshiya ayaa soo saartay xeer-ciqaabeed ganaax lacageed oo illaa boqol doolar gaadhaya ku waajibinaya qoraa/warfidiyeen kasta oo adeegsada kelmado aanay akhristayaasha caadiga ahi wada fahmi Karin macnahooda, xitaa haddii ay yihiin kuwo luuqadda dalka ku jira.

1111

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wakaaladda wararka ee RIA Novosti dalka Ruushka ayaa  agaasimaha guddida Erey Bixinta Qaranka ee dalka Tajikistan oo shir jaraa’iid arrintan ka qabtay ka soo xigtay, “Waxaa jir qaar ka mid ah saxafiyiinta oo laga yaabo in hal maalin ay qoraallada ay baahinayaan u adeegsadaan toban kelmadood oo aanay akhristayaasha, daawadayaasha ama dhegeystayaasha caadiga ahi wada fahmi Karin, waxa ay meel ka dhac fool xun ku tahay anshaxa iyo caadada qoraalka rasmiga ah laga rabo”

Agaasime Jafaqar Harifsuda oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxaa jira xeerar uu qoraalku leeyahay iyo waajibaad luuqadda rasmiga ahi leedahay oo ay qasab tahay in la ilaaliyo”

Xeerkan cusub ee lagu doonayo in saxafiyiinta iyo dadka wax qoraa ay qoraalkoodaka dhigaan mid ku qoran af fudud oo dadku ka wada faa’idaysan karaan ayaa dhigaya in warfidiyeenka kelidii shaqaysta qoraalkiisu haddii uu sharcigan jebiyo laga qaadi doono ganaax lacageed oo u dhexeeya 75 illaa 100 doolar, halka qoraallada masuuliyaddeeda ay leedahay wakaaladda iyo/ama haayadda warbaahineed ee qortayna la saari doono halkii qoraalba ganaax u dhexeeya 150 illaa 200 oo doolarka Maraykanka ah.