Dagaalo Wejiyo Badan Oo U Bilaabmay Dawladaha Maraykanka Iyo Ruushka

0
702

Picture2Dagaal siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo dhinac walba leh ayaa u bilaabmay wadamada Ruushka iyo Maraykanka, ka dib go’aankii uu gobalka Crimea ku meel mariyay inuu ka mid yahay wadanka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Puttin ayaa danbe qalinka ku duugay aqoonsiga Ruushka u fidinayo maamulka gobalka Crimea oo ay u aqoonsadeen dowlad madax banaan.

Aqoonsiga Ruushka ee maamulka Crimea ayaa albaabada u fureysa in maamulkaasi uu ku biiro Federaalka Ruushka.

Aqoonsiga Puttin u fidiyey maamulka Crimea ayaa u muuqata inuu Madaxweynaha Ruushka kaga jawaabayo go’aankii Maraykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabateynta ku saareen 21 xubnood oo kamid ah siyaasiyiinta xidhiidhka dhow laleh Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa  shaaciyey in dalkiisa cunaqabteyn saarayo 11 xubnood oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobalka Crimea, Siyaasiyinta ku dhaw Madaxweyne Puttin iyo waliba Madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanakovich.

Obama ayaa sheegay in cunaqabateyntan ay tahay mid bilow ah, isla markaana hadii Ruushka uusan dib uga noqon farogelinta Crimea in ay soo rogi doonaan cunaqabateyn dheeraad ah.

Midowga Yurub ayaa dhankooda sidoo kale cunaqabateyn saaray 21 xubnoo oo isugu jira Ruush iyo xubno kamid ah maamulka Crimea, oo laga mamnuucay inay safar ku tagi karaan Wadamada Europe, xayiraadna lagu soo rogay dhaqaalahooda ka yaal wadamadaasi.

Raysalwasaare kuxigeenka Ruushka Mr.Dmitry Rogozin oo qaabilsan Warshadaha Hubka ee Ruushka kana mid ah xubnaha Maraykanka cunaqabataynta kusoo rogay ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in wax Lagu Qoslo ay tahay cunaqabateynta Maraykanka, isagoo yidhi “…khudbadii Obama waxaan u maleenayaa waxaaba soo qoray nin Majaajiliiste ah….Saaxiibkey “Comrade @BarackObama” horta maka fekeray dadka aad cunaqabateyna saarteen in dhaqaale u yaalaan dalka Maraykanka?….”

Dowlada Ruushka ayaan u muuqan mid wax isbedal ah ku sameenaysa siyaasadeeda ku aadan gobalka Crimea oo madax banaani ku dhawaaqay kadib aftidii Axadii laga qaaday shacabka gobalkaasi ku dhaqan oo 97% dadkii codeeyey ay taageereen inay ku biiraan federaalka Ruushka.

Geesta kale, Telefishanka ku hadla luuqadaha Ingiriisida iyo Carabida ee loo yaqaan Russia Today, ayaa bilaabay olole ka dhan ah Maraykanka iyo Midowga Yurub, waxaanu bilaabay faafinta dacaayado iyo dagaalo warbaahineed. Barta caanka ah ee loo yaqaan Youtube oo laga leeyahay Maraykanka ayaa xayiraad saartay sanduuqii uu Russia today ku lahaa ee uu wararka soo gelin jiray, waxaanay ku eedeeyeen inuu noqday telefishan dhinac ka raran.