Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin

Published on Aug 16 2014 // Columnists, Warar

Picture8Dagaallada Wax-iska-caabbinta Falastiin iyo Yuhuuudda.. Q:8

– Falastiiniyiinta oo garabka Milateri ee Xamaas ugu xoog badan tahay waxa ay maalin kasta  oo intii dagaalku socday ah gantaallo ku ridayeen magaalooyinka kala duwan ee Israa’iil. Tusaale ahaan waxaa la qiyaasayaa in muddadii uu dagaalkani socday ay Falastiiniyiintu Israa’iil ku rideen in ka badan kun gantaal, haddii aynu ka soo qaadno kunkaas gantaal oo keliya oo aynu nidhaahno mid kasta waxaa lagu riday hal gantaal oo difaac ah, macnaheedu waxa uu noqonayaa in difaaca gantaalaha Falastiiniyiinta oo keliya ay Israa’iil kaga baxday lacag dhan 50 Milyan oo doolarka Maryakanka ah. Oo haddana la qirsan yahay in waxtarka gantalahaasi aanay ka badnayn boqolkiiba 20 keliya.

3. Khasaaraha dhinaca waqtiga:

Marka aynu eegno khasaaraha dhinaca waqtiga ah ee labada dhinac ka soo gaadhayaa dagaalka Qaza, waxa ay khubarada milaterigu aaminsan yihiin in mar kasta oo ay sii dheeraato muddada uu dagaalku soconayo, in ay Yuhuudda ku keenayso khalkhal iyo culays ka badan ka ay ku hayso Falastiiniyiinta. Maalin kata oo korodhaa waxa ay culays dheeraad ah iyo khasaare ku tahay dhaqaalaha Israa’iil, oo la dareensan yahay in ay hawlgelisay ciidan ka badan 60 kun oo cidamadii kaydka ah. Waa run in dagaalka oo sii socdaa uu burbur dheeraad ah ku keenayo kabaayasha nolosha ee Falastiiniyiinta iyo dadka naftooda, oo dugsiyo, cisbitaallo iyo guryo hor lihi ay mar kasta burburayaan, taas macnaheeduna uu yahay in waqtiga oo sii dheeraadaa Falastiiniyiinta qudheeda khasaare badan ku keenayo, laakiin haddana uma dhigmo kan ku imanaya Falastiiniyiinta.

4. Khasaaraha ilaha dhaqaale ee Israa’iil soo gaadhaya:

Falastiiniyiinta ilo dhaqaale oo ay khasaaraan ma haystaan, sidaa awgeed waxa ay diyaar u yihiin in waxa keliya ee ay hayaan oo nafahooda ah ay u huraan sidii ay u heli lahaayeen nolol ka fiican tan ay ku jiraan, una soo ceshan lahaayeen dhulkooda la boobay. Laakiin Israa’iil sidaas waa ay ka duwan tahay. Khubarada dhaqaalaha ee Israa’iil qudheeda ayaa qirsan in noloshii iyo dhaqaalihii dalkoodu uu istaagay intii uu dagaalku socday. Waxa uu dhaawac soo gaadhay dalxiiska oo ka mid ahaa meelaha ay Israa’iil ka hesho dhaqaalaha ugu buuran, waxaa si weyn u joogsaday safarkii lagu tagayey Israa’iil ee shaqo ama dalxiis, maadaama oo ay adag tahay ama cabsi badani ka jirto in dhibaato soo gaadho diyaaradaha iyo maraakiibta gelaya Israa’iil, taasina waxa ay dhulka dhigtay dakhligii xad dhaafka ahaa ee Israa’iil ka soo geli jiray furdadahaas kala duwan.

5. Maxaabiista:

In kasta oo qafaalashada iyo maxaabiista labada dhinac kala qabanayaan aan tiro ahaan la is barbar dhigi karin oo xilliga nabadda iyo xilliga colaaddaba ay Israa’iil qafaalato xabsiyadeedana ka buuxaan tobanannaan kun oo ah Falastiiniyiin da’ kasta ah, haddana taas macnaheedu ma’aha in Israa’iil ay xilliyada dagaalka ka badbaaddo in ciidankeeda maxaabiis ahaan loo qafaasho. Falastiiniyiintu waa dad mar kasta ay dhibaato u taallo oo dhimasho, dhaawac iyo xabsiba diyaar u ah, laakiin Israa’iil Maya, waa bulsho marka hore aad u tiro yar oo u dhisan qaab qoysnimadu muhiim tahay, sidaa awgeed dhimashada iyo dhaawacu si xanuun badan ayaa ay u taabanayaan. Marka labaad waa dad haysta nolol raaxo ah, waxbarasho fiican iyo daryeel caafimaad, qaar badan oo ka mid ahina Yurub iyo dunida kala yimaaddeen nolol fiican kadib markii lagu soo dhiirri geliyey in ay ku soo noqdaan dhulkoodii diiniga ahaa, loona ballan qaaday nabad iyo xasilooni, nidaamka maamul ee ka jiraana waxa uu saamaxayaa in dadku la xisaabtamaan hoggaanka arrimahaas oo isu tegey, ayaa sababaya in hal askari oo laga qabto Israa’iil uu culays iyo xasilooni darro siyaasi ah ka abuuro Israa’iil. Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa askarigii Jelcaad Shaliid ee sannadkii 2007da wax-iska-caabbinta Falastiiniyiintu ay ka qabteen marinka Qaza, qadiyadda askarigaasi waxa ay Israa’iil ka dhex abuurtay guux iyo xasilooni daro siyaasadeed, waxa aanay marar badan halis gelisay xukuumaddii talada haysay.

Askarigaas soo furashadiisu Israa’iil waxa ay ku kacday wada xaajood ay marar badan ku qasban tahay in ay is dullayso oo socday muddo 5 sannadood ah, waxa ay Israa’iil ku kalliftay in ay mar kasta ergo u dirto Falastiiniyiinta si ay u ogolaadaan in laga wada hadlo xaaladda maxbuuskaas, aakhirkiina heshiis ay soo fududaysay Masar ayaa ku dhammaaday xal ah in Israa’iil ay askarigaas ku beddelato 1200 oo maxaabiista ay Falastiiniyiinta ka hayaan ah.

La soco…

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!