Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin

Published on Aug 14 2014 // Columnists, Warar

Picture5Dagaallada Wax-iska-caabbinta Falastiin iyo Yuhuuudda.. Q:7

Israa’iil waa dowlad si ka duwan dunida kale, ku dhisan isir, waana sababta ay si badheedh ah isugu magacowdo, Qaranka Yuhuudda ee dimuqraadiga ah. Israa’iil oo jiritaankeeda qarannimo dood badani ka taagan tahay marka loo eego shuruucda caalamiga ah, ayaa tirada dadkeeda ku sheegta 8 Milyan iyo 146 kun oo ruux, laakiin haddana waxa ay qirsan tahay in 6 Milyan iyo 110 kun oo tiradaas ka mid ahi uun ay yihiin Yuhuud, taas oo macnaheedu yahay in ay Israa’iil aaminsan tahay in boqolkiiba 75 keliya oo dadka deggen gudaheeda ahi ay yihiin muwaadiniinta, maadaama oo isirka Yuhuudinimo uun muwaadin lagu noqonayo, tirada soo hadhay oo ah 1 Milyan, 686 kun oo qof oo ku nool gudaha xuduudaha Israa’iil ayaa iyagu aan ahayn Yuhuud, kuwaas oo ugu yaraan dhammaantood ah Carabta loo yaqaanno, Carabta Israa’iil. Tiradaasi waxa ay noqonaysaa in dadka Israa’iil deggen ee ay qirsan tahay in ay dowladeeda ka mid yihiin golayaasheedana sharci ahaan doorasho ku iman karaan ee haddana isirkoodu Carabta yahay in ay gaadhayso boqolkiiba 25, waana arrin warwar badan iyo cabsi ku haysa Israa’iil, isla markaana waa sababta Israa’iil illaa hadda u diiddan tahay in gudaheeda dib loogu soo celiyo Carabta qaxoontiga ku ah dibadda ee markii ay dhulkan ka boobtay 1948 iyo 1967kii ka qaxay oo badankoodu Lubnaan deggen yihiin.

1. Dhaawac soo gaadhaya xoogga shaqaale ee Israa’iil

Ciidamada qalabka sida ee Israa’iil waxaa tiradooda lagu qiyaasaa hal Milyan, laakiin maadaama oo ay Yuhuuddu tahay dad yar, dalkana laga ilaaliyo in dad aan isirkan ahayni ku xididaystaan, dhinaca kalana ay Israa’iil tahay dal maaglashi aad u ballaadhan ay ku sameeyaan Maraykanka iyo dunida reer galbeedka, oo uu ka jiro dhaqdhaqaaq dhaqaale iyo suuqyo ganacsi oo xaammi ahi waxaa arrin la wada garan karo ah in xoogga shaqaaluhu uu mar kasta ku yar yahay. Israa’iil si ay laba shimbirood hal dhagax ugu wada disho ciidamadeeda waxa ay u qaybisay qayb joogto ah oo ku sugan xuduudaha iyo meelaha amnigoodu xasaasiga yahay, iyo ciidamo aad u badan oo loo yaqaanno ciidamada kaydka ah.

Ciidamada kaydka ahi waa ciidan leh tababarkii milateri iyo xirfaddii dagaal oo casriya, laakiin haddana leh aqoon dhisan oo uu si caadiya ugu shaqaysan karo, dadka rayidka ah ayaa ay ka mid yihiin waxaana inta badan laga shaqaalaysiiyaa warshadaha, shirkadaha waaweyn, beeraha iyo dhammaan ganacsiyada muhiimka ah ee kala duwan, taas oo keenaysa in ay dhaqaale fiican helaan iyo in ay daboolaan baahidii shaqaale ee dalka. Marka ay xaalad dagaal jirto ciidamadaas waxaa loo diraa baaq ah in askari kastaa xeradiisa iska xaadiriyo, inta badanna raac-raac ayaa loogu yeedhaa, oo hadba tirada loo baahan yahay oo u qaybsan qaab ay isla garanayaan ayaa loogu yeedhaa dagaala ama hawlgallada milateri ee la gelayo, haddii ay ku filnaan waayaan ciidamada rigliga loo yaqaannaa.

– Haddaba sida dhacday dagaalkan hadda ka socda Qaza iyo xataa dagaalladii horeba, Israa’iil marka ay doonayso in ay gudaha Qaza u dirto ciidan waxa ay og tahay in ciidankaas uu dagaal xooggan oo wax iska-caabbin ah la kulmi doono, sidaa awgeed waa in uu noqdaa ciidan aad u tiro badan, si uu u yeesho awood uu ku jiidhi karo xoogga ka hor imanaya, taasina waxa ay ku dhici kartaa oo keliya in ay wasaaradda difaaca ee Yuhuuddu u yeedho tiro ka mid ah ciidamadeeda kaydka, oo tusaale ahaan inta imika la og yahay waxa ay u yeedhay ciidamo lagu qiyaasay 60 kun oo askari, taas macnaheedu dhinaca kale, waa in shaqooyinkii rayidka ahaa ee ay warshadaha iyo shirkadaha ka hayeen laga soo saaray 60 kun oo shaqaale ah. Waxa ay faalig ku ridday noloshii dhaqaale. Haddii ayn halkaas Falastiiniyiinta barbar dhigno waxaa la og yahay in ay iyagu yihiin dhalinyaro xooggooda la diyaar ah oo aan haysan meel ay u shaqo tagaan iyo wax ay khasaaraan midna, waxa ay ku hoos nool yihiin go’doon oo dibadda uma tacaburi karaan, gudahana kuma haystaan, shirkado, warshado iyo ganacsiyo waaweyn oo ay shaqaale u noqdaan.

2. Kharashka ku baxaya hubka:

Sida ay khubarada milaterigu xaqiijinayaan, nidaamka difaaca gantaalaha ee Israa’iil, gaar ahaan gantaalaha gaashaanka ah ee qabta gantaalaha la soo gano, oo Israa’iil ay u taqaanno Koofiyadda / Gaashaanka Birta ah, halkii xabbo ee laga ridaa waxa uu la qiimo yahay 50 Kun oo doolarka Maraykanka . Inkasta oo qalabkan ay Israa’iil taageero dhaqaale oo hagar la’aan ah iyo mid farsamo labadaba uga hesho Maraykanka oo marka horeba samayntiisa iyo rakibistiisa ku bixiyey Balaayiin doolar, haddana waa lacag Israa’iil ay horumarinta uga faa’idaysan lahayd haddii aanu dagaalkani ku furnayn. Gantaalahan difaaca bilowgii Maraykanku waxa uu uga dan lahaa in Israa’iil ay noqoto meel lagu tijaabiyo, si dunidu u aragto waxtarkooda kadibna suuq iib loogu helo, laakiin taas waxa ay ku fashilantay gantaalaha Falastiiniyiinta ee macmalka ah oo sida la sheegay boqolkiiba in ka badan 80 ku guulaystay in ay ka baxsadaan gantaalaha difaaca ee Koofiyadda birta ah. arrintaasina waxa ay sumcad dishay gantaalahan, waxa aanay soo gaabisay rajadii ganacsi ee uu Maraykanku ka lahaa in kasta oo aanay weli rajadaasi wada dhiman.La soco…

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!