Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin (4-Aad)

0
1607

Picture1– Imikana waxaa socda ama aynu odhan karnaa gebo-gebo ayaa uu ku dhow yahay dagaalkii toddobaad ee ay Israa’iil si bahalnimo ah ugu qaaddo Falastiiniyiinta, marka dhinaca Qaza oo keliya iyo ururka Xamaas laga hadlayana waa dagaalkii Saddexaad. Dagaalkani waxa uu ahaa isku-day ay Israa’iil doonaysay in ay ceejiso shacabka Falastiniyiinta si ay hoos ugu dhacdo taageerada iyo niyadda ay u hayaan Xamaas iyo in ay burburiso awoodda dhinaca gantaalaha ee Xamaas, isla markaana daciifisana tamarta iyo niyadda ay u hayso halganka wax-iska-caabbinta.

Laakiin runtu sidii ay Israa’iil filaysay aad ayaa ay ga duwanaatay markii dagaalku dhacay. Waxaa soo baxday in si ka fiican sidii hore u dhici jirtay uu ururka Xamaas diyaaar ugu ahaa dagaal noocan ah. Maalmihii ugu horreeyey ee dagaalkaba waxa ay Xamaas muujisay cudud dhinaca gantaalaha ah, waxa aanay boqollaal gantaal ku dhufatay degaanno gudaha Israa’iil gashan oo ay ku jiraan magaalooyinka Xayfa iyo Qudus iyo xataa magaalada caafimaadda u ah ee Tel Aviv, arrintan oo wax aan hore u dhicin ahayd waxaa Israa’iil ka soo gaadhay khasaare ay illaa imika qarinayso baaxaddiisa iyo qiimihiisa. In kasta oo ay Israa’iil leedahay hab-difaaca gantaalaha ee casriga ah oo ay u bixisay Koofiyadda (Qudbiga) birta ah, kaas oo qabtay wax badan oo ka mid ah gantaalaha Xamaas ridaysay, haddana qaar badan oo ka mid ah ayaa difaaca dhaafay oo ku dhacay halkii lagu liishaamay.

Arxan darrada Israa’iil iyo weerarradeeda cirka ee aanay u meel dayeyn halka ay la beegsanayso ayaa sababay in ay dhintaan in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ahi, waxaana wada burburay ama qaybo ka mid ahi burbureen guryo boqollaal tiradoodu gaadhayso, dhinaca Israa’iil illaa hadda inta ay qirsan tahay waa 67 qof oo 4 keliyi ay yihiin rayid.

Dagaalada Israa’iil iyo Wax-iska-caabbinta Lubnaan:

– Dagaalkii ugu horreeyey ee ay Israa’iil ku qaadday kooxaha wax-iska-caabbinta reer Lubnaan waxa uu dhacay bishii Toddobaad 1993kii, waxa aanu ahaa weerar ballaadhan oo isugu jiray garaacitaan cirka ah iyo ciidamada lugta oo illaa daafaha magaalada caasimadda ah ee Beirut, gudaha u galay Lubnaan. Dagaalkani waxa uu socday muddo 7 maalmood ah, ujeedada ugu weyn ee ay Israa’iil ka lahaydna waxa uu ahaa in ay curyaamiso awoodda milateri ee Xizbullaah.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay 120 Lubnaani ah, waxaa ku baro-kacay tobannaan kun oo ku noolaa deegaannadii kala duwannaa ee uu dagaalku saameeyey, sidoo kalana waxaa jiray khasaare maal oo badan, halka dhinaca Israa’iil ay dagaalkaas kaga dhinteen 26 askari oo keliyi. Dagaalkani waxa uu ku joogsaday dhex-dhexaadin uu Maraykanku ka galay oo ahayd heshiis afka ah oo bishii Toddobaad 1993kii lagu gaadhay in Xizbullaahi ay joojiyaan madaafiicda Katyusha ee ay Israa’iil kaga soo tuurayaan gudaha Lubnaan, Israa’iilna ay dib uga baxdo deegaannada Lubnaan ee ay dagaalkaas ku qabsatay.

– Dagaalka Labaad ee ay Israa’iil ku qaadday Lubnaan waxa uu ahaa Bishii Afaraad 1996kii, waxa aanu socday muddo laba toddobaad ah. Dagaalkan oo ay Israa’iil adeegsatay dhammaan noocayada kala duwan ee ciidamadeeda, badda, barriga iyo cirkaba waxa ay geysatay xasuuqii Qana oo lagu dilay dad tiradoodu gaadhayso 100 ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 150 qof oo kale. Isku darka dadka reer Lubnaan dagaalkan kaga wax yeelloobay waxa ay ahaayeen 175 ku dhintay iyo 300 oo dhaawac ah, tobannaan kun oo ruuxna waa ay baro-kaceen, sidoo kale khasaare mood ah oo badan ayaa dhacay.

Waxaa xusid mudan in labadaas dagaalba ay Israa’iil qaadday ka hor intii aanay iskeed uga bixin Koonfurta Lubnaan iyo deegaanka Biqaaca galbeed loo yaqaanno. Ka bixitaanka Israa’iil ee Lubnaan oo ahaa bishii Shanaad ee 2000 sababtiisu waxa ay ahayd cadaadis badan iyo khasaare joogto ah oo ay wax-iska-caabbinta Lubnaan ku haysay Israa’iil oo filaysay in ka bixitaankeeda Lubnaan uu ka dul qaadi doono culays dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo akhlaaqda ah oo saarnaa, isla markaana waxa uu jawaab u ahaa cadaadis gudaha Israa’iil ka jiray oo ay dadku doonayeen in laga soo baxo dalkaas.

Marka labadaa dagaal ee waaweyn laga yimaaddo waxaa jiray hawlgallo wax-iska caabbintu fulisay oo dhacay muddadii ay Israa’iil haysatay dhulka Lubnaan, kuwaas oo isku darkooda ay dhinaca Xizbullaahi kaga shahiideen 1’276 askari, sida uu xisbigu sheegay. Macluumaadka la hayo qaarkoodna waxa ay sheegayaan in isku darka dadka Lubnaan kaga dhintay dagaalladii Israa’iil ay la gashay intii u dhaxaysay sannadihii 1983kii illaa 2000 ahaayeen 1’752 ruux, halka Israa’iilna ay gacanta kooxaha wax-iska-caabbinta ee Lubnaan ku weyday 860 isugu jiray saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada.

Bixitaantaankii ay Israa’iil ciidamadeeda ka saartay Lubnaan, waxa uu Xizbullaahi gacantiisa ka saaray marmarsiinyihii uu ugu gabbanayey weerarradiisa ka dhanka ah Yuhuudda, sidaa awgeed muddo ayaa ay joogsadeen dhammaan hawlgalladii milateri ee Israa’iil kaga furnaa jiidda Woqooyi ay Lubnaan ka xigto, laakiin mar kale ayaa ay colaadi qaraxday sannadkii 2006da markii Xizbullaahi uu soo qafaashay laba askari oo Yuhuud ahaa, taas oo ay Israa’iil kaga jawaabtay weerar khasaare laxaad leh geystay oo ay ku ekeysiisay Lubnaan, gaar ahaan waxa ay si aad u ba’an u burburisay degmada loo yaqaanno Cidhifka Koonfureed ee magaalada Beirut oo ay aad u deggen yihiin dadka shiicada ah isla markaana xarun u ah ururka Xizbullaahi, sidoo kale waxa ay Israa’iil burburisay biriishyo muhiim ahaa, jidad irmaanaa, shabakadihii korontada iyo talefannada gacanta iyo kaabayaashii kale ee nolosha. La soco…

 

Qaybtii 1-aad halkan riix

Qaybtii 2-aad halkan riix

Qaybtii 3-aad halkan riix