Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin

Published on Aug 13 2014 // Columnists, Warar

Picture1Marka aynu ku sii soconno isbarbar dhigga labada dhinac ee Qaza isku haya waxaa innagaga filan in aynu sheegno tirada ciidamada Israa’iil oo lagu qiyaaso 500 oo kun oo askari, kuwaas oo si aad u heer sarraysa u tababaran isla markaana hub cusub oo casriya iyo tiknoolajiyad milateri haysta, halka tirada kooxaha wax-iska-caabbinta lagu qiyaaso in aanay ka badnayn dhowr kun, oo haysta hubka fudud ee gacanta lagu qaado, iyo awood dhinaca gantaalaha ah oo aad u xaddidan. Laakiin kala sarraynta awoodda milateri ee labada dhinac ee sidaas ma’aha marka laga hadlayo niyadda iyo xamaasadda dagaalka loo hayo, waayo dhinac waxaa ka soo jeeda niman dhalinyaro ah, shirkado waaweyn ama shaqooyin kale oo fiican haysta, nolol raaxo ah ku garaadsaday, oo xiisaynaya in ay sii noolaadaan, dagaalkana lagu soo geliyey sharci ku qasbaya ama keliya khasaaraha ka soo gaadhi kara oo loo sakhiray, marka uu xaqiiqada dagaalka hor yimaaddana niyaddiisu dhulka tegeyso, dhinaca kalana waxaa ka soo jeeda mujaahid, awoowgii, aabihii, walaalkii, abigtii, adeerkii, hooyadii ama ugu yaraan qof uun qoyskiisa dhow ah iyo saaxiibbadii ay ku naf waayeen gantaallo ay Yuhuuddu soo ridday ama dagaal la iskaga caabbinayey ciidamo Yuhuud ah oo gudaha u soo gelayey deegaankooda.

Isaga oo aan weli 20 sano gaadhin ayaa uu intaas oo dagaal u soo joogay, nolosha laydh la’aanta, caafimaad la’aanta iyo gaajada la qabsaday, rajada keliya ee uu leeyahayna ay tahay in uu ka adkaado ciidamada Yuhuudda si uu u noolaado. Waa Labaatan jir dhawaqa rasaasta ku garaadsaday oo xiise gaar ah u qaba in uu isaguna markiisa ka nasiyo jiilka ka horreeyey. Waa 20 jir aaminsan guul ama janno, inta ka soo hadhana u arka in ay tahay ragannimo darro, halyeeyga uu hiigsanayaana hortii shahiiday ama koox shahiidday oo uu garanayo gadhwadeen u ahaa. Marka aynu intaas sheegnay waxa uu qof kastaa garan karaa sida uu u kala duwanaanayo khasaaraha labada dhinac.  Si kastaba ha ahaato ee, xeel-dheerayaasha milateriga ee aadka ugu dhuun daloolay, qiimaynta cilmiga ahna ku sameeyey dagaalladan ugu dambeeyey ee Qaza waxa ay u kala baydhi waayeen in awoodda iyo xeeladaha dagaal ee isku darka kooxaha wax-iska-caabbinta Falastiiniyintu ay aad u horumartay. Arrinta yaabka lihina waxa ay tahay in horumarkaas ballaadhan ee awoodda milateri ee wax-iska-caabbintu samaysay, uu yimi xilli la wada ogaa in magaalada Qaza ay sannadihii u dambeeyey ku jirtay go’doon dhamaystiran, sidaa awgeed arrintani waxa ay xeel-dheerayaasha ka dhex abuurtay su’aalo iyo doodo adag oo la xidhiidha sida ay kooxahani ugu guulaysteen in ay horumarkan sameeyaan iyada oo la og yahay duruufaha adag ee dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jiray Qaza iyo go’doonka. Qaarkood ayaa ku doodaya in ay jirto taageero dibadeed iyo hannaan qarsoon oo dowladaha taageera wax-iska-caabbintu ay ku hubeeyeen kuna dhiseen tayada Falastiiniyiinta, sidoo kale waxaa jirta taageero dhinaca khibradda tiknoolajiyadda ah oo ay ka heleen Falastiiniyiinta dunida ku filqan oo habab kala duwan ku soo gaadhsiiyey, ama qaarkood marar badan yimaaddaan Marinka Qaza.  Dabcan waa xujo macquul ah in kasta oo ay ka hor yimaaddeen doodo badan oo la xidhiidha sida ay u suurtogal tahay iyo goorta ay dhacday. Laakiin aragtida ay qaar kale qabaan oo isla kuwan hore qudhooduna aanay dafirsanayn ayaa ah in Falastiiniyiintu ay ka dhabeeyeen ha-ku-dhegge yidhaahda, “Baahidu waa hooyada ikhtiraaca”

Dr. Caadil Sulaymaan oo ah Janaraal Milateri iyo khabiir ku xeel-dheer istaraatijiyadda oo hawlgab ah ayaa mar uu dhowaan u waramay shabakadda wararka ee Swiss Info waxa uu sheegay in dagaalkan socdaa uu yahay mid khasaarihiisu ku culus yahay dhinaca Israa’iil marka loo qiimeeyo qaab milateri, waayo Israa’iil waxa ay weeraraysaa magaalooyin rayid deggen yahay, waxa ay dilaysaa carruur, iyo biri-magaydo, waxa aanay burburinaysaa, dugsiyo, cisbitaallo, xarumaha daryeelka qaxoontiga, iyo hanta iyo dhismayaal rayid ah, taas oo axdiga xuquuqda aadamaha ee Geneva oo ay Israa’iilna saxeexday xaaraan ka dhigay, laakiin kooxaha wax-iska-caabbintu illaa hadda waxa ay iyagu dilayaan waa askar Yuhuud ah waxa ugu badan ee ay burburinayaanna waa gaadiid gaashaaman iyo agab kale oo milateri.

Waxa uu khabiirku sheegay in marka laga tago khasaaraha milateri ee Israa’iil gaadhaya, in uu dagaalkani dhinaca kalana su’aal gelinayo khibradda iyo sarraynta aragtida amni ee Israa’iil ku faani jirtay, waayo waxa uu dagaalkani meesha ka saarayaa riyadii dadkeeda ay ka iibisay ee ahayd in ay Israa’iil ay tahay geyi ammaan, oo leh ciidan aanay cidi ka hor iman karin.

Khasaaraha Falastiiniyiinta:

In kasta oo uu weli socdo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhalanaya dagaalka Qaza maadaama oo aanu illaa hadda si rasmi ah u joogsan, waqtiyada xabbad joojinta ee la isla gartayna xaddidan yihiin, isla markaana ay jirto cabsi laga qabo in khasaaraha dhinaca Falastiiniyiintu sii socon doono, maadaama oo laga yaabo in walxo badan oo qarxa iyo hadhaaga gantaalaha Israa’iil ay ku sii jiri karaan dhulka Qaza, haddana inta illaa hadda la og yahay Falastiiniyiinta waxaa ka shahiiday dad ka badan 1500 oo ruux, dhaawacuna waxa uu kor u dhaafay Lix kun. Waxaal a burburiyey warshaddii kelida ahayd ee Qaza laydhka siin jirtay, waxa burburay guryo lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin 100 guri oo gebi ahaantoodba dhulka la sinmay iyo qiyaas ah 1600 oo guri oo qayb ahaan burburay. La soco…

Qaybtii 1-aad halkan riix

Qaybtii 2-aad halkan riix

Qaybtii 3-aad halkan riix

Qaybtii 4-aad halkan riix

Qaybtii 5-aad halkan riix

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!