Dadweyne Xukuumadda Ugu Baaqay In La Soo Daayo Sheekh Aadan-sune

0
721

Hargeysa(Geeska)-Cuqaal, dhallinyaro iyo dadweyne kale oo reer Hargeysa ah ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la sii daayo Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsane (Aadan-Sune) oo muddo laba bilood ku siman ku xidhan magaalada Hargeysa.

1

Dadweynahan oo Hargeysa ku qabtay shirjaraa’id, waxay ku baaqeen in Sheekha xorriyadiisa loo soo celiyo ama cadaaladda la horkeeno oo lagu cadeeyo dambiga lagu haysto, waxaanay aad ugu dheeraadeen in Sheekh Aadan-sune caan ku yahay ilaalinta diinta Islaamka laakiin aanu ka shaqaynayn dhibaato iyo nabadgelyo darro. Maxamuud Cabdi Malow oo ka mid ahaa dadkii goobtaas ka hadlay ayaa yidhi  “Waxa uu xidhanyahay laba bilood, laba saddex jeer ayaa maxkamadda la keenay, maalinba dib ayaa loo dhigayaa, waxaanu u aragnaa annagu inaan wax lagu haysan oo nabadgelyo darro iyo wax la mid ahi aanu jirin. waxaan leeyahay arrimahaasi waa arrimo khaldan, waxaanan codsanaynaa in Sheekh cadaaladda la horkeeno.”

Caaqil Khadar Bacood, ayaa isna sheegay in bulshadu markhaati ka tahay in Sheekh Aadan-sune yahay Sheekh wanaaga ka shaqeeya oo wax toosiya, “Waxaanu markhaati ka nahay in Sheekhu yahay qof wax hagaajiya oo wax toosiya oo doonaya shareecada Islaamka.” ayuu yidhi, waxaanu ku baaqay in xukuumaddu xorriyadiisa u soo celiso.

Mustafe Ismaaciil Cabdi, oo isaguna goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in cajaladihii uu Sheekh Aadan duubay aan lagu haynin wax dhibaato iyo nabadgelyo darro ah oo uu ku baaqayo balse uu ka hadlo oo keliya wacdiga bulshada oo uu ugu baaqo inay xumaanta iska dhaafaan wanaagana qaataan.