“Dadkii Waxa isugu darsamay sicir Barar, Maceeshadii Oo Qaali Ah Iyo Qorshe Xumo”

0
772

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Da’uud Xuseen Jaamac (Food Cadde), ayaa ka hadlay qiimaha sarifka lacagta doolarka iyo halka uu marayo, waxaanu sheegay in Xukuumaddu aanay xal iyo qorshe u helin, qiiimaha sarifkuna uu halkiisi dib ugu soo noqday.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Da’uud Xuseen Jaamac (Food Cadde), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaana ugu horeyn yidhi “Xukuumaddani xal iyo qorshe cad oo laga baaran dego kamay yeelan qiimaha sarifka ee doolarka, ee muddo yar oo kooban ayey dhaq-dhaqaaq sameeysay, waxayna isku qaaday meelo aan loo baahnayn, ee siyaasad iyo qorshe waara kamay yeelan qiimaha sarifka doolarka, waxaana dhab ah in imika qiimihii doolarku dib ugu soo noqday halkii uu hore u maraayey, waxa dhab inuu sicir barar jiro, waxa dhab ah in dadkii danyarta ay iskugu darsameen sicir barar , maceeshadii oo qaali ku ah iyo qoshe xumada xukuumadda”.

Dhinaca kale wuxuu Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Da’uud Xuseen Jaamac (Food Cadde), uu baaq nabadeed u diray beelaha dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan nabadana qaatan, waxa kale oo uu Xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliso xoriyatul qawalka, oo aan bilaa sabab lagu xidho dadka”.