Dadkii Uu Ku Habsaday Xasauuqa Arxan Darada Ahi Waxay Dareemayaan Xanuunka Xasuuqa

0
1222

Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi

Xasuuqa Xamar ka dhacay ee dadka maatida ahi ku dhinteen kuna dhaawacmeen aad ayaanu u dhaleecaynaynaa sida madaxda Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan sheegeen.

Dareen gaar ah ayaanu u leenahay xasuuqa iyada oo in ka badan 50,000 oo reer Somaliland ah lagu xasuuqay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo qoysas dhan madaafiic iyo diyaarado ku laayeen oo guri kasta hub culus ku dhacay.

Dhaawicii loola cararay magaalada duleedkeeda ayay diyaarado ka daba yimaadeen oo duqayn iyo xasuuq u gaysteen. Waxa dhacya in hooyadii ka qaxday Hargeysa ee xadka Ethiopia ka talaabtay in diyaaradii ka daba tagtay oo ku dishay Qudhac-raamaale. Waa sheeko dhab ah oo qof kasta oo waayeel ahi waxa uu xasuusanyahay sheekooyin badan oo xanuun badan oo xasuuqaas ku saabsan. Qolooyinkii xasuuqa gaystay waxa meelaha qaar looga arkaa halyeeyo qaran xilal waaweyna waa lagu maamuusaa.

Illaahay muslimiinta dhammaan dhibta ha ka qaado iyo Islaamkoodana ha garan siiyo.

Wa bilaahi tawfiiq

Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi