“Dadkii Danyarta Ahaa Ayay Culayskii Iyo Dhibtii Sicir Bararku Ku Sii Kordheen”

35
3056

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur)

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo hogaanka Xisbiga Waddani ka mid ah, ayaa  sheegay in Xukuumaddu aanay ilaa hadda xal u helin sicir bararka iyo qiimaha sarifka, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddani raacday talaabooyinkii hore ee Xukuumaddii hore.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka xog waramay waxyaabaha uu u arko inay sabab u yihiin sicir bararka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Anigu hore ayaan uga digay Guddida loo saaray sicir bararka, horena waan u sheegay in Xukuumaddani wax qorsho ah oo ay u hayso sicir bararku aanu jirin, oo ay ka muuqato waxyaabihii Xukuumaddii hore lagu arkay sida Guddida, runtiina waan ka sii taliyey in Guddidani uu raaco talaabooyinkii hore ee Guddiyadii hore ee Xukuumaddii hore, ilaa afar arimood wax laga qabtana waxba hagaagi mayaan, ugu horeyn lacagta faraha badan ee la soo daabaco ee lambarkeeda aan la garanaynin, ee mar walba loo isticmaalayo in suuqii la soo galiyo, lacagta DP World ee doolar ahaan suuqa uga baxda, iyo lacagta qaadka oo doolar ahaan dalka uga baxda, ta kale in Baanku shaqadiisa u madax banaan yahay, ayaa haboon, oo uu xadido lacagta iyo inuu leeyahay Guddi uu xeerku siiyey, oo ah Guddi madax banaan, oo dadka ku jira Guddidu halkay ka kala imanayaan xeerka ayaa sheegay, oo ah dad danaha banka ilaalinaya, danaha Baankana dad madax banaan ayuun baa ilaalin kara,markaas Baankii ma caafimaad qabo, lacagtii loo baahnaa in la karantaroolo lama kantaroolo, ta kale Dawladdaha hoose waxay wax ku cashuuraan waa lacag doolar ah, waana dawladdihii hoose ee la rabay inay adeegyada fuliyaan, oo marka dadka dhulka loo cahuurayo, ama looga shaqeeynayo dadka waxa la weydiiyaa lacag doolar ah, markaas ilaa hadda ma muuqato qorshe laga baaran degay oo Xukuumaddu wax kaga qabanayso sicir bararka”.

Siyaasi Daamur mar uu ka hadlay danyarta ayaa yidhi “Dadkii danyarta ahaa ayuu culayskii iyo dhibtii sicir bararku ku sii kordheen,balse qorshe si xeel dheer looga baaran degay, Xukuumaddu may keenin, ee haddii ay Xukuumaddu doonayso inay si hagar la’aan ah wax uga qabato sicir bararka waa in qodobadaas aan soo sheegay ay siday yihiin u fulisaa, oo waliba dadka aqoonta u leh dhaqaalaha, la tashataa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here