Dadka Toddobaadkii Shaqeeya Ugu Badnaan 40 Saac Ayaa Ka Waxtar Badan, Kana Caafimaad Badan Maskax Ahaan Iyo Jidh Ahaan, Kuwa Shaqeeya 55 Saac

0
1866

Tokyo (Geeska)- Cilmibaadhis dhaqaale ayaa daahfurtay in ay habboon tahay saacadaha shaqada in lagu saleeyo da’da iyo xaaladda caafimaad ee qofka, oo aan qasab laga dhigin in saacado isku mid ah la shaqeeyo xitaa haddii goob keliya laga wada hawlgalo. Daraasaddu waxa ay iftiimisay in baadhis la sameeyey lagu ogaaday in dadka saacadaha yar shaqeeyaa ay ka wax-soo-saar badan yihiin kana shaqo jecel yihiin, kana caafimaad badan yihiin maskax ahaan, kuwa saacadaha badan shaqeeya oo daal iyo shaqo nacayb lagu yaqaanno.

Dhinaca kalana waxa ay sheegtay in habsami u shaqaynta iyo hawlgudasho wacnaanta qofka da’diisu ka weyn tahay Afartan jir ay fiiican tahay haddii toddobaadkiisa shaqo lagu soo koobo saddex maalmood oo keliya. Arrintani waxa ay soo baxday markii khubaro u dhashay dalka Jabbaan ay baadhis xeeldheer ku sameeyeen caadooyinka shaqo iyo natiijada tijaabo dhinaca garaadka ah oo lagu sameeyey 3 kun oo nin iyo 3500 oo dumar ah oo da’doodu ka weyn tahay afartan sano. Natiijada kale ee ka soo baxday tijaabadan oo lagu sameeyey dalka Ustareeliya ayaa ah in shaqada oo Afartan jirka kadib laga tagaa ay khatar ku tahay caafimaadka maskaxda, iyada oo shaqo badan la qabtaana aanay sidoo kale ka dhib yarayn.

Tijaabooyinka ay khubaradu sameeyeen waxa ay iftiiminayaan in qofka oo toddobaadkii shaqeeya 40 saac ay dhaawac sahal ah soo gaadhsiiso maskaxda, marka loo eego qofka shaqeeya 55 saac iyo ka badan. Waxa aanay ku soo koobeen in shaqada waqtiga badhkii ahi ay ka fiican tahay shaqada waqtiga buuxa ah marka loo eego caafimaadka maskaxda, laakiin haddana qofka oo inta uu shaqayn karo ee ku habboon caafimaadkiisa iyo da’diisa ka yareeya waxa ay ku keentaa dhibaato caafimaad darro oo dhinaca garaadka ah. Colin Mackenzie oo bare-sare oo dhaqaalaha dhiga ka ah jaamacadda Keio ee dalka Jabbaan ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Shaqada ka badan inta awoodda qofka ku habboon iyo shaqada ka yariba waxa ay hoos u dhigaan hawlgudashada saxda ah ee garaadka qofka” Isaga oo intaas ku sii daray, “Xiisaha shaqadu waxa uu ku xidhan yahay tirada saacadaha la shaqaynayo, shaqaduna waxa ay noqon kartaa mindi laba af leh, taas oo macnaheedu yahay in ay firfircooni geliso shaqada maskaxda haddii saacado yar ama macquul ah qofku shaqeeyo iyo in ay daal iyo hoos u dhac ku keento maskaxda haddii saacadaha shaqadu aad uga bataan inta uu qofku qaban karayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here