Dadka Marka Ay Seexdaan Neefsigu Ka Go’o Khatarta Ay Leedahay Iyo Calaamadaha Uu Isku Garan Karo

0
1008

Berlin (Geeska)- Jimciyadda Jarmalka ee Cilmibaadhista iyo caafimaadka hurdada ayaa sheegtay in neefta oo qofka ka go’da marka uu hurdaa ay tahay xaalad caafimaad oo qasab ka dhigaysa in qofku uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar ugu tago. Maadaama oo haddii ay neeftu qofka ka go’do ay keenayso in ay kala go’ayso ogsajiinta jidhku helayo, oo muddadaas gaaban ee neeftu qofka ka go’ayso uu jidhku waayayo Ogsajiin ku filan.

Xaaladdan ah in neeftu qofka si kedis ah uga go’do haddana isla ilbidhiqsiga gudihiisa dib u bilaabato ayaa ay xaalad khataro badan oo caafimaad keenta, dhibaatada sababta sii badinaysana waxaa ka mid ah qofka oo aan dareemayn in neeftu ka yara go’day, oo inta uu yara tooso uun markaba dib hurdadiisa ugu noqonaya isaga oo moodaya in uu si caadiya u baraarugay., taasina ay sababto in aanu dhakhtar u tegin waqtiga ku habboon.

Qormadan uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay shabakadda wararka ee Aljasiira ku eegaysaa calaamado muhiim ah oo ay tahay in qofka isku arkaa garto in naqasku qabtay, dhakhtarna dhaqso ula xidhiidho, waxa aana ka mid ah

Madax xanuun, Hunguriga / Dhuunta oo qallasha iyo Maalintii oo uu hurdo badan dareemo

WAaxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in neefqabatowga xilliga hurdadu uu qofka ku keeni karo xanuunnada ay ka mid yihiin Dhiigkarka, Garaaca wadnaha oo khalkhal ku yimaaddo, wadne xanuun iyo dhiigfuranka maskaxda.

Ugu dambayntii qofka xaaladaha aynu soo xusnay isku arka waxaa muhiim u ah in uu dhaqso ula xidhiidho dhakhtar si dawada ku habboon u uu helo xilli hore oo wax-ka-qabashadu fududahay.