Dadka Laxaadka Maqalka La’ Oo Laga Rajo Qabo In Loo Sameeyo Hab Carrabka Ay Wax Ku Maqli Karaan

0
939

Picture11Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Colarado ee dalka Maraykanka ayaa ku hawlan dhamaystirka farsamo dadka laxaadka maqalku ka maqan yahay dib ugu soo celinaysa maqalka iyada oo la adeegsanayo qalab yar oo ku shaqaynaya adeegga Bluetooth oo marka carrabku taabto maqalkii caadi ka dhigaya.

Farsamadan oo haddii sida la filayo loogu guulaysto dadka dhegaha la’ ka furan doonta dhibta qalniinka isla markaana kharash ahaan uga jabnaanaysa qalabka lagu beero dhegaha gudaheeda ee maqalka soo celiya.

Cilmibaadhayaashani waxa ay aaminsan yihiin in qalabkan cusub ee ay soo saarayaan uu la waxtar yahay sameecadaha maqalka ee dhegta gudaheeda lagu beero, iyada oo weliba la saadaalinayo in qalabkani qof kasta oo dhego la’aani hayso si caadiya ula shaqayn doono, taas oo ka duwan qalabka dhegta lagu beero oo isagu dadka qaar uun la shaqeeya.

Sida la ogyahay qalabkan yar ee lagu tallaalo durbaanka dhegtu waxa uu codka ka soo qaadaa dibadda dhegta, kadib inta uu u beddelo hirar koronto ayaa uu gaadhsiiyaa neerfaha maqalka, qalabkan cusubina sidaa si aad ugu dhow ayaa uu u shaqaynayaa, oo codka inta uu ka soo qaado sameecadda maqalka ayaa uu u dirayaa carrabka isaga oo maraya Bluetooth, markaa kadib ayaa ishaarooyinku u gudbayaan neerfayaasha dareenka oo si aad ah ugu dhex faafsan carrabka, waana halkaas halka uu maqalku ka bilaabanayaa.