Dadka Ingiriis Oo Illaa Hadda Aan Fahmin Waa Uu Ahaa Midowga Yurub Ee Ay Ka Baxeen, Kuna Dawakhay In Ay Baadhaan Xog La Xidhiidha

0
622

1London (Geeska)- In kasta oo ay dadka Ingiriis u codeeyeen in dalkoodu uu ka baxo Midowga Yurub, haddana sahaminahihii u dambeeyey waxa ay muujinayaan in aanay asal ahaanba waxba ka fahansanayn waxa uu yahay midowga Yurub, iyo ta ka sii daran oo ah in aanay fikirba ka haysan waxa ay doorteen waxa uu yahay iyo waxa ka dhalan kara dhib iyo dheefba.

Shabakadda Internet ka ee Google ayaa sahamin ay samaysay oo natiijadeedu soo baxday 24kii bishii Juun ee tagtay, waxa ay ku ogaatay in weedha ama su’aasha ah, “Waa maxay Midowga Yurub?” ay ahayd waxa labaad ee ugu badan ee ay baadheen dadka Ingiriisku, waxaa iyaduna ka sii badan, hawraarta ah, “U codaynta ka bixista Midowga Yurub ama ereyga arrintan u taagnaa oo ah Brexit”

Ereyada kale ee arrintan la xidhiidha ee iyagana dadka Ingiriiska ahi maalmihii u dambeeyey sida aadka ah loo baadhayey ayaa ah, “Maxaa dhici doona haddii uu Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub?” baadhistan ay shirkadda Google ku samaysay isticmaalka dadkeeda ee dalka Ingiriiska iyo ereyada ay sida aadka ah u baadheen, marka la eego macaamisheeda dunida oo dhan ayaa waxa kale oo ay ku ogaatay in boqolkiiba 100 ay korodhay baadhista ay dadka dunidu baadhayaan su’aasha ah, “Sidee lagu helaa baasaboorka dalka Ireland?” arrintaas oo aad u sii korodhay intii uu raysalwasaaraha dalka Ingiriisku ku dhawaaqay in uu xilka iska casilayo bisha Tobnaad, kadib markii uu ku guulaysan waayey in uu cod u helo aragtidiisa oo ahayd in aanu dalkiisu ka bixin Midowga Yurub. Bixitaanka Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub iyo is casilaadda raysalwasaaraha ayaa kor u qaaday dareenka ah in gobolka Scotland iyo Ireland ta woqooyi ay ka goostaan dal weynaha Ingiriiska.

Su’aalaha kale ee dadka Ingiriisku ay sida aadka ah u baadheen ayaa ah, “Dalalkee ku jira Midowga Yurub? Iyo Waa imisa tirada dalalka ku jira Midowga Yurub?

Su’aalahan ay jawaabta u raadinayaan dadka Ingiriisku ayaa ay khubaradu ku macneyeen in dadkan ay xog la’aan weyni ka haysato guud ahaan Midowga Yurub ee ay ka baxeen, sida uu u dhisan yahay, dalalka ku jira tiradooda iyo kuwa ay yihiin, iyo tan uguba muhiimsan oo ah in aanay xitaa garanayn, ka bixista iyo ku sii jirista midka u faa’ido badan iyo mid kastaa waxa uu ku fiican yahay ama ku xun yahay”