Dadka Ay Tahay In Aanay Cuntada Barootiintu Ku Badan Tahay Iska Deyn, Xitaa Haddii Ay Is Dhuubayaan

0
761

1Washington (Geeska)- Barootiintu waxa ay ka mid tahay nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah jidha aadamaha, waxa aanay siisaa tamarta muhiimka u ah in uu qofku u helo firfircoonida uu ugu baahan yahay hawlgudashadiisa, sidoo kale waxa ay barootiintu u fiican tahay muruqyada iyo Nudeyaasha. Laakiin faa’idadaas aadka u ballaadhan ee barootiintu jidhka u leedahay waxaa garab socda, dhibaato ka dhalata haddii laga cuno in ka badan inta uu jidhku u baahan yahay, tusaale ahaan haddii aad loo badsado cuntooyinka barootiintu ku badan tahay, sida Fuulka cad (Harakooga), Caanaha, hilibk xoolaha, hilibka digaagga, beedka, Cadaaska, noocyada kala duwa ee subagga caanaha laga saaro iyo cuntooyinka kale ee Barootiinta lagu og yahay, oo dhammaantood khataro caafimaad oo waaweyn keena haddii aad loo badsado isticmaalkooda.

Haddaba sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey shabakadda Al-Carabiya, waxaa jira afar nooc oo dadka ka mid ah ah oo ay tahay in aanay barootiinta iska ilaalin, weliba ku dadaalaan in jidhkoodu uu barootiin badan helo si ay caafimaadkooda u dhowraan waxa aanay kala yihiin:

– Qofka ku jira Da’da dhexe (45-65 sano): Dadka ku jira da’da loo yaqaanno da’da dhexe, waxaa caafimaad ahaan u fiican in ay cunaan xaddi badan oo ah barootiin, si ay ula dagaallamaan raadadka ay keenaan muruyqada oo taagdarraada marka uu qofku weynaado, dadka da’dan ah ee qaba xanuunnada dhiigkarka, wadne xanuunka iyo macaanka,I ay cunaan cuntooyinka barootiintu ku badan tahay ee laakiin dhirta ah, iskana ilaaliyaan barootiinga xolaha, khudradaha lagula talinayana waxaa ka mid ah boqoshaaga.

– Dadka miisaanka dheeraadka ah halista u ah: Dadka miisaanku fuuli og yahay waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in ay cuaan xaddi badan oo barootiin ah, waayo barootiintu waxa ay leedahay faa’idada ah in qofku uu muddo dheer dheregsanaado, sidoo kale barootiintu waxa ay isu dheelli tirtaa, heerka sonkorta dhiigga ku jirta, sidaa awgeed qofka waxaa ka tegeya hamuunta iyo xiisaha uu cuntada u qabo, labadaas oo keenaya faa’idada ah in aanu qofku cunto dheeraad ah cunin, si aanu miisaanku u kordhin.

– Dadka muruq-dhiska doonaya: Dadka doonaya in ay muruqyada dhistaan, waxaa muhiim u ah in ay cunaan cuntooyinka hodanka ku ah barootiinga, si ay muruqyada uga ilaaliyaan hoos u dhaca taagtooda.