Dad Qayb Ka Ahaa Hal-Abuurka Mashruucyo Malaayiin Doolar Laga Faa’iday Oo Aanay Taariikhdu Iyaga Xusin

Published on Nov 29 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)-  Waa maqaal uu Geeska Afrika turjumay oo ay shabakadda wararka ee Huffington Post ku soo bandhigtay ganacsiyo dadka ku shaqaystaa ay dhaqaale aad u buuran ka faa’ideen dunidana caan ka noqdeen, laakiin dadkii asal ahaan hal-abuuray aanay cidi aqoon, isla markaana aanay wax dhaqaale ah ka fa’idin. hal-abuurradaas oo ay shabakaddu toddobaadkii hore baahisay waxaa ka mid ahaa:

Hal ku dheg Balaayiin doolar soo saaray oo qofkii curiyey 35 doolar laga siistay

Calaamadda ganacsi ee ‘Nike’ waxa ay dunida maanta ka joogtaa lacag dhan 26 Bilyan oo doolar, waxa aanay ka mid tahay calaamadaha ganasi ee ugu caansan, uguna shacbiyadda badan dunida, nashqadda iyo qaabka calaamadda ‘Nike’ waxaa hal-abuuray haweenay laga siistay 35 doolar oo keliya, waxa aana xiise gaar ah leh in masuuliyiintii shirkadda markaas maamulayey oo uu ku jiro maareeyaha guud, markii calaamaddan loo geeyey aanay jeclaysan, oo xitaa ‘mahadsanid’ aanay ku odhan gabadha ikhtiraacday oo magaceedu ahaa Caroline Davidson.

Muddo markii calaamaddan aan la jeclaysani ay shirkadda u taalay ayaa ay masuuliyiinta shirkaddu sannadkii 1971 kii, go’aansadeen in ay shirkaddooda ka beddelaan magaceedii hore oo ahaa Blue Ribbon Sports oo ay qaataan magacii ay hore u naceen ee Nike. Isbeddelkaas iyo magacaas cusub ayaana nasiib u yeeshay in ay shirkaddii u noqdaan bilow guulaystay oo magaceedii dunida oo dhan laga barto, balaayiin doolar oo faa’ido ahna laga helo.

Waxaa wax laga xumaado ah in muddo Caroline aanay masuuliyiinta shirkaddu xitaa markii dambe u mahadniqin, wax abaal ahna uga muujin magacaas guulaystay ee ay iyadu keentay isaga iyo calaamaddiisaba. In kasta oo 12 sano kadib markii ay shirkaddani faa’idaysay, dunidana caan ka noqday ayaa uu maareeyihii markaas ee shirkadda oo lagu magacaabi jiray Bob Waddell go’aansaday in uu qiro abaalka ay Caroline ku leedahay shirkadda, waxa aanu ku casuumay xaflad casho oo ay shirkaddu ku sharaftay.

Waxaa la sheegaa in shirkaddu markan dambe ay go’aansatay in Caroline ay hibo u siiso saami yar aan la sheegin inta uu le’egyahay.

FROZEN: Filim Kartoonka dunida ugu faa’idada badan

Filim Kartoonka Frozen oo soo baxay sannadkii 2013 ayaa loo aqoonsaday in uu yahay filim kartoonkii taariikhda ugu faa’idada badnaa ee illaa hadda soo maray dunida, kadib markii dakhliga ka soo baxay uu gaadhay Hal Bilyan iyo 300 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah, iyada oo miisaaniyadda kharashka ku baxayna aanay ka badnayn 150 Milyan oo doolar. In uu filimkani kaalintaas galay waxaa ka sii yaab badan in jilayaashii qaybta muhiimka ah ka ahaa sababta uu filimkani halkaas ku gaadhay aanay dakhligaas ka faa’idin wax la taaban karo, oo qaarkood ay heleen dhowr kun oo doolar oo keliya.

Waxaa ka mid ah Josh Gad oo ah ninka leh codka shakhsiyadda Kartoonka ‘Ninka Barafka loo yaqaanno’ ee sita magagca Olaf, mar uu dhowaan talefishan la hadlay ayaa uu sheegay in lacagta filimkaas ka soo gashay aanay ka badnayn 2 kun oo doolar, “Filimku waxa uu faa’iday wax ku dhow 2 Bilyan oo doolar, laakiin anigu waxa aan faa’iday 2 kun oo doolar oo keliya” ayaa uu yidhi Josh Gad. Waxa aanu hoosta ka xariiqay in isagu uu nasiib leeyahba marka loo eego dadkii kale ee kaalinta ku lahaa filimkan oo ay ka mid tahay Spencer Ganus oo iyaduna jishay kaalinta inanta yar ee ‘Else’ oo iyada la siiyey 926 (Sagaal boqol iyo labaatan iyo lix) doolar oo keliya.

A clockwork Orange: Filim ka mid ah kuwa dunida loogu muranka badan yahay

Filimka Clockwork Orange waxa uu ka mid yahay filimada ugu waaweyn dunida looguna muranka badan yahay. Waxa soo saaray Stanley Kubrick oo ka mid ah hal-abuurrada taariikhda filimada ugu caansan. Filimka Clockwork Orange waxa uu ka hadlayaa wiil dhalinyaro ah oo aad u jecel rabshadda iyo dhibaataynta dadka. Wiilkani inta uu gef galo ayaa lagula heshiinayaa in uu xabsiga ku beddesho in uu ku tabaruco in saynisyahannadu ay ku sameeyaan tijaabo cilmiya oo lagu eegayo suurtagalnimada in carruurta yaryar ee rabshadda badan loo heli karo hab cilmiya oo rabshadda ka joojinaya. Sidii ayaa uu yeelayaa, tijaabooyin kala duwan oo ay saynisyahannadu ku sameeyeen ayaana aakhirka keenaya in uu joojiyo rabshaddii oo uu awoodi kari waayo in uu cid dhibaateeyo iyo xitaa in uu naftiisa difaaco.

Arrintani waxa ay dhalisay muran iyo cadho dhinaca akhlaaqda ah kadib markii la ogaaday in saynisyahannadu ay wiilkan ku samaynayaan isbeddelo keenaya in xitaa ay ka lunto awooddii Rabbaaniga ahayd ee uu qofku xoriyadda u lahaa waxa uu dooranayo. Waxa kale oo laga cadhooday in noloshii wiilkani khatar gelayso maadaama oo la dilayo awooddii maskaxeed ee uu ku garan kari lahaa in uu naftiisa difaaco.

Filimkan waxaa loo arkay in uu leeyahay laba ceebood oo midi tahay in uu farogelinayo abuurta Alle oo qofkii maskaxdiisa wax-ka-beddel ay saynisyahannadu ku samaynayaan iyo ceebta kale oo ah in rabshadda uu marka hore wiilku ku kacayaa ay tahay mid xad ka bax ah, kana mid yihiin muuqaallo dhaqan ahaan aan fiicnayn oo ‘Kufsi’ ku jiro, sababtaas awgeed dawlado badan ayaa mamnuucay in Filimkani dalkooda soo galo ama lagu daawado.

Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan, haddana filimkani waxa uu helay faa’ido dhaqaale oo badna, waxa kale oo uu ka mid noqday filimada dunida ugu caansan oo dadkii hal-abuuray ama jiliddiisa ka qaybqaatay ay noqdeen magac weyn helay, marka laga reebo hal qof.

Qofka keliya ee aan filimkan lacag iyo dhaqaale midna ka helin waa Anthony Burgess oo ah ninkii sannadkii 1962 kii allifay sheekada filimkan laga sameeyey. Sheekadan ayaa markii uu abuuray xiise badan dadkii u smaayn weyday, sidaa awgeed waxa uu ogolaaday in uu lacag dhan 500 oo doolar oo keliya qisada ka siiyo hal-abuurka filimka u rogay, isaga oo weliba isu arka in ay tahay faa’ido badan. waxa se ay farxaddaasi murugo isu beddeshay markii isaga oo aan lagala tashan sheekadii filim loo rogay oo isaga oo aan filimkaas lacagtii ka soo baxday waxba ka faa’idin ay dadkii fikirka filim u rogista keenay ay ka faa’iideen malaayiin doolar.

Nasiibdarrada ninkii hindisay

Douglas Engelbart oo ahaa injineer u dhashay Maraykanka ayaa hindisay aaladda lagu wado Kombiyuutarka ee ‘Mouse’ ka loo yaqaanno. Douglas oo sannadkii 2013 geeriyooday isaga oo 88 sano jiray, ayaa sannadkii 1970 kii ku guulaystay in uu si rasmi ah u diiwaangeliyo xaqa curinta aaladdan oo uu hindisay lixdamaadkii, laakiin nasiibdarrada ku dhacday waxa ay ahayd in shahaadada aqoonsiga lahaanshiyaha hal-abuurka aaladdan ee la siiyey ay ahayd mid ku dhacaysa 17 sano gudahood. Waxa aana ku qornaa in 17 kaa sano kadib oo ku beegnayd 1987 kii uu qalabkani noqonayo mid dadka oo dhan u furan una simanyihiin, samayntiisa, iibkiisa iyo isticmaalkiisaba.

Dhawr sano kadib markii qalabkani uu noqday mid dadka u furanna waxaa bilowday in shirkadaha soo saara kombiyuutarrada iyo qalabkoodu ay dhammaantood waxsoosaarkooda ku dareen qalabkan iyaga oo aan weliba cidna uga baqanayn xaqa lahaanshiyihiisa.

In kasta oo marar kala duwan Douglas lagu maamuusay hindisiddii qalabkan, haddana waxaa la ogyahay in aanu waxba ka faa’iidin waxna ka soo gaadhin malaayiinta lacag ah ee illaa maanta sida joogtada ah u soo saara qalabka ‘Mouse’ ka.

Douglas waxa ugu weyn ee ka hor istaagay in qalabkani uu noqdo mid isagu leeyahay oo looga fasax qaataa waa sharciga shahaadaddaa aqoonsiga ee waqtigaas la siiyey oo dhigaysay in qalabkani uu noqonayo mid dadka ka dhexeeya oo aan la kala sheegan karin, marka laga tago in la xuso qofka hindisihiisa lahaa.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!