Dabeecadaha Iyo Shakhsiyadda Qofka Magaciisu Uu Ka Bilowdo Xarafka ‘M’

0
1426

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Lixaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka M:

Niifiin Abu Shaalah oo sida aynu qormadii hore ku soo sheegnay ah khabiir u dhalatay dalka Lubnaan oo ku xeeldheer cilmifalagga ayaa qoraalkeedii ay ku faafisay boggeeda Facebook, marka ay ka hadlayso shakhsiyadda qofka magaciisu ku bilowdo M waxa ay tidhi, “Waxa aad tahay qof qalbigiisu ballaadhan yahay, laabtiisuna xaadhan tahay oo soo dhoweyn badan tahay. Haddii aad jeclaato waa kaa dhab oo run ayaa aad u jeclaataa. Waxa aad tahay ruux noloshiisa guulo ka gaadha, marka aad mawqif iyo xaalad adag taagan tahayna ma taqaanid dib u gurashada iyo calool jileeca”

Xeeldheerayaasha cilmifalaggu waxa ay tilmaamaaan in dadka uu magacoodu Xarafka M ku bilowdo lagu yaqaano shucuurta afka qalaad lagu yidhaahdo Roomaansi, oo mar walba doona ama raadiya jacayl iyo jawi iyo deegaan jacayl ku xeeran yahay. Waa dad khajilaad badan iyo in aanay kibir lahayn. Laakiin waa dad jecel dhamaystirnaanta, sidaa awgeedna ay adag tahay in ay si sahal ah wax ugu qancaan.

Dadkan waxaa inta badan dhalleeceeyaa in ay yihiin dad jecel naqdiga oo aad u dura wax kasta oo ay diidaan ama aan aragtidooda waafaqsanayn. Sidoo kale dadka aadka ula macaamila qofka magaciisu M ka bilowdaa waxa ay ka dareemaan in uu yahay qof naftiisa wax kasta la jecel ama ugu yaraan jecel in wax kasta uu isagu ku horumaro oo aan xiisayn in cid kale uu iska horreysiiyo, xitaa haddii uu yahay cid kalsooni iyo jacayl badan u hayo.

Waxa uu caan ku yahay dadaal iyo hawl karnimo, Inkasta oo uu yahay qof aan kaftanka iyo dheel-dheelka aqoon oo waaqici ah, haddan waxa lagu yaqaannaa in waxa uu doono uu yeelo, ma’aha in uu sameeyo wax aanu ku talo gelin oo gef iyo kama’ uu ugu dhaco balse waa badheedh fal kasta oo uu ku kacaa. Waa ay adag tahay in uu ku khamaaro ama galo arrin khatar ku keeni karta naftiisa iyo dantiisa. Waxa uu intii suuro gal ah iska ilaaliyaa in uu guuldaraysto ama khasaaro. Waxa lagu yaqaanna waxoogaa ad adayg ah. Waxa uu caan ku yahay in uu yahay qof ereyga iyo talada heli og. Waa qof inta badan ku dadaala in uu dadka ku dhiiri geliyo toosnaanta iyo akhlaaqda suuban. Ceebta ugu weyn ee magacani leeyahay waa in uu inta badan iska illaawi karo qoyska iyo saaxiibbadaba oo kelidii uu noolaan karo.