Dab Iyo Cadho

35
3083

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 8aad)

***

“Muxuu Ruushka ka helay?” ayaa uu Ailes ka hor keenay. Bannon ayaa ku jawaabay, “Sida ay u badan tahay, markii uu tegeyey Ruushka, [Doorashada ka hor] waxa uu filayey in uu la kulmo Putin. Laakiin Putin ayaa aan dan ka gelin. Sidaa awgeed waxa uu aad isugu dayey in uu arko.”

“Ma Donald Trump ayaa aad u jeeddaa” ayaa uu yidhi Ailes, oo doonaya in uu fahmo in qofka aad u raadiyey Putin uu isaga yahay. “Waa Wax cajiib ah,” ayaa uu yidhi Bannon, oo Trump ka dhigayo sida mucjiso dabiici ah oo aan la sharrixi karin.

Mar kale, ayaa Bannon oo la arkayo in uu isku qanciyey, in uu yahay qofka ugu awoodda badanaya xukuumadda Trump, waxa uu ku noqday sheekadii Shiinaha, “Shiina arrintiisu mid kasta oo kale waa ay ka mudan tahay. Wax la mid ahi ma jiro. Shiinaha si fiican arrintiisa uma aynu gelin [Xilligii Obama]. Waxbaba si fiican uma aynu gelin. Sida wax looga qaban karaana, gebigeeduba waa wax iska fudud.

Shiinuhu waxa uu innagu marayaa halkii uu Naasigii Jarmalku marayey intii u dhexeysay 1929 kii illaa 1930 kii. Shiinuhu sida Jarmalka waa dadka ugu macquulsan dunida. Xitaa haddii aanay la mid ahayn, oo ay doonayaan in ay u socdaan sidii Jarmalku ahaa Soddonaadkii. Waa in aad adiguna [Maraykanka] lahaataa xukuumad wadaniyaddu ku badan tahay. Sidii hore iskama sii ahaan kartid”

“Waa laga yaabaa in Donald Trump aanu Shiinaha ku noqon karin sidii uu Nixon ku ahaa” ayaa uu yidhi Ailes.

la mid ahayn Nixon siduu Shiinaha ku ahaa,” Ayaa uu yidhi Ailes, oo wejiga xidh xidhay, isaga oo soo jeedinaya in marka Trump laga hadlayo, in uu la qabsado isbeddelka dunidu waxa uu u baahan yahay in uu wax dhegeysto.

Bannon oo dhoolla caddaynaya ayaa si qab iyo isla weyniiyi si cad uga muuqato waxa uu yidhi, “Bannon oo Shiinaha jooga,”

“Kii yaraa ka waran?” ayaa uu weydiiyey Ailes, isaga oo u jeeda wiilka uu Trump soddogga u yahay, ee taliyaha sare ee siyaasadda uu ka dhigtay. Jarid Kushner oo soddon iyo lix sano jir ah. “Waa jaalkayga,” ayaa uu ku jawaabay Bannon, laakiin codkiisa ayaa sheegayey in xitaa haddii aanu dareenkiisa runta ah ee xidhiidhka isaga iyo Kushner aanu sidaas ahayn, haddana uu doonayo in hadalkiisani uu noqdo farriin.

“Ma’ dhabbaa?” ayaa uu yidhi Ailes oo shaki badan in uu qabo laga dareemayo.

Bannon: “Kooxda ayuu ka mid yahay” [Kooxda la shaqaynaysay madaxweynaha]

Ailes: “Marar badan ayaa uu la qadeeyey Rupert.”

Bannon: “Runtii, halkaas caawimo ayaa aan kaaga baahanay.” Kaddib waxa uu dhowr daqiiqadood isku dayayey in uu Ailes u adeegsado, sidii jilbaha dhulka loogu dhufan lahaa Murdokh [Mulkiilaha Fox News iyo warbaahin badan oo kale]. Ailes intii laga eryey talefishanka Fox News, aad ayaa uu ugu kacsanaa Mardookh. Imika Mardookh waxa uu si joogta ah madaxweynaha la doortay cadaadis ugu hayey madaxweynaha la doortay, oo uu ku dhiirrigelinayey in uu qunyar socodnimo dhiso – waa isbeddel la yaab ku ah dhaqdhaqaaqii weligiiba la yaabka lahaa ee muxaafadnimada Maraykanka.

Bannon waxa uu Ailes ka doonayey, in uu Trump, oo uu ku tilmaamay nin xanuunka neerfaha maskaxda ah ee haya ay ugu darsan tahay illow yaab leh, iyo is masaxaadda maskaxda ee da’du keento, in uu u sheego in Murdokh uu khasaarinayo.

“Waa aan wici doonaa. Laakiin Trump waa uu isku maqiiqi doonaa, hawsha uu Rupert ka codsado. Sida tii Putin oo kale. Iska dhaadhicin iyo sharaf ridis. Waxa keliya aan ka warwarsanahay, qofka uu yahay cidda majaro habaabinaysa”

Warfidiyeenkii awoodda badnaa ee warbaahinta garabka midigta iyo kii ku isagu weli ku cusbaa [Waa Ailes oo muddo dheer warbaahinta ku jiray iyo Bannon oo ku cusbaa], waa ay sii wadeen sheekadii labadooda ahayd oo ay maritda kale ee fadhidayna ku qanacsan yihiin dhegeysigeeda, illaa laga gaadhay Laba iyo tobankii habeennimo. In kasta oo uu Ailes afka ka sheegayey in ay run tahay in dabeecadda Trump ay weligeedba ahayd mid la sii saadaalin karo. Haddana, waxa uu isku dayayey in uu ka fiirsado Trump iyo waxyaabaha mugdigu ku jiro ee ku soo kordhay qaranka. Laakiin Bannon waxaa ka muuqatay in uu go’aansaday in aanu daqiiqad keliya oo mustaqbalkiisa ka mid ah iska lumin.

“Donald Trump, waa uu guulaystay. Waa Trump, laakiin waa uu guulaystay. Trump na waa Trump uun,”  ayaa uu caddeeyey Bannon.

“Haaa, Waa Trump,” Ayaa uu yidhi Ailes, oo ay ka muuqato waxoogaa rumaysasho la’aan ahi. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here