Dab Iyo Cadho

36
3548

Guriga Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 4aad)

Waxaa sida oo kale xusid mudan, caqabadaha warbaahinteed ee aan la kulmay intii aan la macaamilayey maamulka Trump, kuwaas oo badankooda ay sababaysay Aqalka Cad oo aan lahayn habraac rasmi, iyo waayoaragnimo la’aanta ka haysata mabaadii’da uu Aqalka Cadi ku soo dhaqmi jiray.

Caqabadahaas [Iga hor yimi] waxaa ka mid ah; wax ka qabashada xogta aan marka hore cod ahaan u duubnayn, ama faahfaahinta dheeraadka ah wadatay ee ay noqotay in markii dambe si aan habaysnayn loo duubay; dad marka hore xogaha qaar si sir ah ii siiyey, oo haddana markii dambe si furan dadweynaha ula wadaagay, iyada oo sida muuqata, dhiirraday markii ay hadalkaas hore sir ahaan ii siiyeen kaddib; Marar badan oo ay soo noqnoqonaysay in marka sheekada la qorayo la mooganaado xuduudda isticmaal ee sheekada, (Inta ay ay tahay in la isticmaalo iyo inta laga tegeyo); Ilaha qaar oo aragtida ay aaminsan yihiin aad loo yaqaannay, sidaa awgeed ay maangal tahay in aan xogtooda la cuskan; xogaha qaar oo ah kuwo dawladdu sir ka dhigtay iyo dadka xogta ku siiyey qaarkood oo kolba dib ugu noqonaya sheekadii ay xanta kuugu sheegeen iyo sheekadii ay marka hore sida qotada dheer ugu gonda degeen, si ay wax uga beddelaan ama ugu daraan. Meel kasta oo sheekadan ka mid ah oo ah hadalkii madaxweynaha, waxaa dhacaysay in si joogto aan daal iyo xakame midna lahayn ah, uu si furan iyo si gaar ahba dadka kale uula wadaagayey, maalin kasta, oo marmarka qaarkood ah sidii uu anigana iigu yidhi.

Wax kasta oo ay sababtu tahayba, qof kasta oo aan la xidhiidhay – Xubnaha sarsare ee shaqaalaha Aqalka Cad iyo sida oo kale goobjoogeyaal daacad ahaa – dhammaantood waxa ay i siiyeen waqti aad u badan, waxa aanay dadaal weyn u galeen sidii toosh loogu ifin lahaa dabeecadaha gaarka ah ee nolosha Aqalka Cad ee Trump. Ugu dambayntii, waxa aan arkay, iyo waxa uu buuggani ka hadlayaa, waa koox dad ah [Shaqaalaha Guriga Cad] oo mid kastaa dadaalayo, mid kastaa sida isaga la quman uu u dadaalayo, si uu ula qabsado u shaqaynta Trump.

Dhammaantood abaal baan u hayaa.

Gogoldhig

Ailes iyo Bannon

Waxa ay ahayd fiidadow lixdii iyo badhkii ay saacaddu tahay, laakiin Steve Bannon, oo si lama filaan ah uga mid noqday ragga dunida oo dhan ugu awoodda badan, oo imikiyo si aad iyo aad u yar u daneeya caqabadaha waqtiga, ayaa daahay. Bannon waxa uu ballanqaaday in uu yimaaddo casho oo ay noo sameeyeen saaxiibbo aanu wadaagno, oo ka dhacaysay guri ku yaalla degmada Greenwich Village, si aanu ula kulanno Roger Ailes oo ahaa madaxii hore talefishanka Fox News iyo xubinta ugu muhiimsan warbaahinta dhinaca midigta, marna ahaa hanuuniyaha Bannon.

Maalintii labaad, 4tii Bishii koowaad, 2017 – Laba toddobaad iyo maalmo kooban ka hor caleemo saarkii saaxiibkii Donald Trump – Ailes oo geli doona hawlgab qasab ah, laakiin uu filayo in uu ka soo noqon doono, ayaa tegi doonaa magaalada Palm Beach.

Waxaa jirtay cabsi ah in baraf da’o, sidaa awgeed markii hore shaki ayaa galay in cashadan la isugu iman doono. Lix iyo toddobaatan jirka Ailes, oo muddo dheer wax ka qabay lug iyo misig, ayaa ay adkayd in uu soo socdo, oo isaga iyo xaaskiisa Beth inta ay ka yimaaddaan gurigiisa Hudson ay u soo socdaan Manhattan. Waxa ay cabsidu ahayd jidadka siibashada badan. laakiin Ailes waxa uu u aad ugu mustacajil ahaa in uu arko Bannon. Gacanyaraha Bannon Alexandra Preate, ayaa si joogto ah farriimaha talefanka gacanta ka soo diraysay hadba halka uu marayo xaalka Bannon oo joogay sarta Trump, doonayeyna in uu ka soo baxo si uu kulankan cashada ah u yimaaddo.

In kasta oo ay kooxdan kooban ee casuumadda fadhiday wada sugayeen Bannon, haddana cidda caawadan leh ee la casuumayey waxa ay ahayd Ailes. Isaga oo sida dadkii kale ee casuumadda joogay, ula yaabban guusha saaxiibkiisii qaddiimiga ahaa ee Trump, ayaa uu Ailes dadkii siiyey wax aad mooddo siminnaar yar oo ku aaddan foolximada iyo macnadarrada siyaasadda. Intii aan la bilaabin talefishanka Fox News sannadkii 1996 kii, Ailes waxa uu muddo soddon sano ah, ka mid ahaa hawlwadeennada siyaasadda ee hormuudka ka ahaa xisbiga Jamhuuriga. Aad ayaa uu ula yaabbanaa doorashadan, haddana waxa uu weli sababayn karayey, sida ay isugu midka yihiin Nixon iyo Trump. Keliya waxa aanu hubin, sida uu sheegay, in Trump oo isagun marar kala duwan Jamhuuri ahaa, mar madaxbannaanaa, marna xisbiga dimuqraaddiga ahaa, uu guusha u gaadhi karo. Waxa uu weli isu qabay in uu garanayo Trump, waxaana sida ay dadkii kale oo dhamiba u haysteen, waxa aanu u hammuum qabay in uu geysto wixii caawimo looga baahdo. Waxa kale oo uu aad u doonayey in uu dib ugu soo noqdo warbaahintii siyaasadaha midigta xiga u janjeedhay, si tamar iyo firfircooni badani ka muuqato ayaa aanu u sharraxayey suurtagalnimada in uu heli doono lacagta Halka bilyan ee doolar ah ee uu ku qiyaasayey in ay u furi doonto talefishan cusub.

Labadan ninba, waa Ailes iyo Bannon e’ waxa ay jeclaayeen in ay isu muujiyaan arday taariikhda wax ka barata, labaduba waxa ay qayb ahaan is bareen aragtiyaha cilmi ee caalamiga ah ee la xidhiidha.  Xidhiidh shakhsi ah ayaa ay la lahaayeen taariikhda, iyo sida oo kale Donald Trump.

Imika, si kasta ha uga gawsqabsado e’, Ailes waa uu fahansanaa in ugu yaraan waqtigan la joogo, uu ahaa kii xiddiga garabka midigtu, uu saaran yahay Bennon.

La soco………….

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here