Dab Iyo Cadho

59
4737

Guriga Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 3aad)

Farriinta Qoraaga

Madow badani kuma jiro sababta keentay qoraalka buuggan. Isla markii 20kii Bishii Koowaad ee 2017 ka loo dabbaaldegeyey caleemasaarka madaxweyne Trump, waxa uu Maraykanku dhex muquurtay duufaantii siyaasadeed ee aan caadiga ahayn ee ugu darnayd, ugu yaraan intii ka dambaysay fadeexaddii ‘Watergate’. Markii maalintan [Caleemo saarka] la gaadhay waxa aan isu diyaariyey in aan sheekadan uga sheekeeyo sida ugu suurtagashan, ee aan goobjooge ugu ahaan karo marka ay dhacayso, iyo in aan isku dayo in aan arko nolosha Guriga Cad ee Trump sida ay tahay, aniga oo xogta ka helaya dadka ugu dhow. Dhacdooyinka qaar aan caadi ahayn, waxaa marka hore loo sawirtay in ay ku eeg yihiin boqolka maalmood ee ugu horreeya maamulka Trump. Waa waqtiga caadi ahaan lagu fahmo madaxweynenimada. Laakiin dhacdooyinkii si aan kala joogsi lahayn ayaa ay isaga sii socdeen in ka badan laba boqol oo maalmood. Waxa ay wax caddaadeen isla bilowga shaqadii ugu horreysay ee Trump, markii uu dabayaaqadii bishii toddobaad, madaxa shaqaalaha Guriga Cad u magacaabay janaraalka hawlgabka ah ee John Kelley, iyo markii uu saddex toddobaad uun kadib, xilkii iska casilay madaxii Istaraatijiyadda Guriga Cad Stephen Bannon.

Dhacdooyinka aan buuggan ku sheegayaa waxa ay ku salaysan yihiin sheekaysi muddo Siddeed iyo Toban bilood ah na dhex maray madaxweynaha iyo inta badan ee xubnaha ugu sarreeya shaqaalihiisa, oo qaarkood daraasiin jeer ila hadleen iyo sida oo kale dad ay masuuliyiintaasi u sheekeeyeen oo aniga ii sii warramay. Waraysiga ugu horreeyey waxa uu dhacay ka hor intii aanan malaynin sida uu noqon karo maamulka Trump ee Guriga Cad, iskaba daa in aan buug ka qoro ‘e. Dabayaaqadii bishii shanaad ee 2016 kii, annaga oo joogna gurigiisa magaalada Beverly Hills, ayaa Trump – oo markaas murashax ahaa, waxa uu murdinayey litir badhkii oo ah jallaataha ay samayso Haagen-Dazs oo noociisu ahaa Faniilla (Vanilla), isaga oo iska faraxsan ayaa uu si macne darro ah uga aragti dhiibanaya mawduucyo ciiddaas ka badan, halka gacanyareyaashiisa, Hope Hicks, Corey Lewandowski iyo Jared Kushner [Wiilka uu soddogga u yahay] ay marna qolka soo geleyeen marna baxayeen. Waxaa socday sheekooyin dhex maraya xubno ka socda kooxda la doonaysay in ay Trump uga dhex ol’oleeyaan shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ee ka qabsoomayey Cleveland, waqtigaas oo ay weli adkayd in la filo suurtagalnimada in Trump la doorto.

Markaa kaddib, waxa ay u soo guureen sarta Trump, iyada oo uu la socdo ninka hadalka badan ee Steve Bannon – oo doorashada ka hor u muuqday majaajillayste aan caadi ahayn, doorashada kaddibna u muuqday shaqaale hawlkar mucjiso ah.

Maalmo yar kaddib, 20 kii bishii koowaad, ayaa aan boos u eeg mid joogto ah ka helay Waaxda Galbeed [Guriga Cad; qaybta uu ku yaallo xafiiska madaxweynaha Maraykanku), tan iyo maalintaasna waxa aan qabtay in ka badan laba boqol oo waraysi. Inkasta oo ay xukuumadda Trump cadaawad u eeg in ay tahay siyaasad u dejisan, ka abuurteen warbaahinta, haddana waxa ay warbaahinta ugu furfuran yihiin si aan hore u soo marin Guriga Cad, inta la xasuusto waqtiyadan dambe. Bilowgii waxa aan raadiyey sidii aan galaangal illaa xad rasmi ah, ugu yeelan lahaa Gurigan Cad; waxa aan doonayey in aan xaalada ula socdo si aan la i dareensanayn, sida duqsi yar oo gidaarka ku dheggen. Madaxweynaha laftiisuna fikirkaas waa uu dhiirrigeliyey. Laakiin, waxaa caqabad igu noqday, Gurigii caddaa oo noqday seereyaal kala xidh-xidhan, taas oo ka dhalatay iskudhacyo furan oo la kowsaday maalmihii ugu horreeyey ee xukuumadda, waxaa muuqatay in aanay cidina awoodi karayn in ay ii suurtageliso galaangalka aan rabay. Sida oo kalana ma’ay jirin cid odhan karaysay, “Bax”. Sidaa awgeed waxa aan iska ahaa faduuli joogto ah, halkii aan ka noqon lahaa marti la casuumay – waa uun iska duqsigaas gidaarka ku dhegsan – Ma’ay jirin shuruuc la igu xidhay oo aan aqbalay, mana aan samayn wax ballanqaad ah oo la xidhiidha waxa ay tahay in aan qoro ama aanan qorin.

Qaar badan oo ka mid ah sheekooyinka ku saabsan waxa ka dhacay Guriga Cad ee Trump ayaa iska hor imanaya; wax badan oo ka mid ah qaabka uu Trump u dhigayo sheekada ayaa aan sal iyo raad lahayn. Khilafyadaas u dhexeeyey xubnaha sare ee Guriga Cad ayaa ahaa dunta asaasiga u ah isku xidhka buuggan. Taasina waxa ay daciifinaysaa runnimada sheekadan, haddii aanay waaqaca laftiisaba ka hor imanayn. Mararka qaar  ayaa aan dadka ay arrintani khusayso fursad u siiyey in ay iyagu inoo sheegaan warka dhinacooda ah, aniga oo akhristahana u dhaafay in uu xukumo run iyo been midka uu u dhadhamayo. Marar kalana, warka oo si aad ah u soo noqnoqday iyo aniga oo ka helay ilo aan ku kalsoonaaday, awgeed ayaa aan sheekada u qoray sidii aan u arkay in ay run tahay.

Dadka ii warramay qaarkood waxa ay iigu sheekeeyeen  si aad u qotodheer,  annaga oo ku heshiinnay in aan u macaamilno sida buugaagta siyaasadda ee casriga ah, oo ah in isha warka laga helayaa ay noqoto markhaati aan la magacaabayn oo dhacdooyinka uga hadla si qaawan. Waxa sida oo kale aan xogtayda qaar ku helay waraysiyo aan la duubayn, aniga oo qofka aan warka ka helay ka ogolaanaya in uu i siiyo hadallo toos ah oo ku aaddan waxa dhacaya, isaga oo og in aanan qori doonin in sheekada uu ii sheegay. Dad kale ayaa iyaguna ii warramay iyaga oo fahamsan in waxa ay waraysigan iigu sheegaan aan dadweynaha loo baahin doonin inta ka horreysa soo bixista buugga. Ugu dambayntiina dadka qaar ayaa si laab furan iigu warramay iyaga oo ogol in aan ka duubo.

Waxaa sida oo kale xusid mudan, caqabadaha warbaahinteed ee aan la kulmay intii aan la macaamilayey maamulka Trump, kuwaas oo badankoodu ku imanayey sababta Guriga Cad oo aan lahayn habraac rasmi, iyo waayoaragnimo la’aanta ka haysata mabaadii’da u taallay Guriga Cad.

La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here