Dab Iyo Cadho

31
2834

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay Kamaal A. Cali (Q. 22aad)

Ailes oo ahaa ruugcaddaagii Aqalka Cad soo joogay xilliyadii Nixon, Reagan iyo Bush kii weynaa, ayaa aad uga warwaray sida aanu madaxweynaha la doortay si toos ah isuguba hawlayn in qaabka uu u soo dhisayo maamulkiisu uu noqdo mid ku habboon in uu xukuumaddiisa difaaco. Ailes waxa uu isku dayey in uu Trump fahamsiiyo mucaaradadda arxandarrada ah ee bilowgaba ka hor iman karta iyo sida ay tahay in uu uga sii gaashaanto oo maamulkiisa uu ka dhigo mid difaaci kara. “Waxa aad u baahantahay garac aad ka dhigato madaxa shaqaalaha, iyo garac kale oo si fiican dawladnimada u fahamsan,” ayaa uu Ailes talo ahaan ugu sheegay Trump waqti yar kaddib doorashada.
“Adiga qudhaadu waa aad leedahay qashiinnimo aad wax iskaga celiso, laakiin dhibaatada kaa hor imanaysaa waa in aanad dawladnimada waxba ka garanayn” Ailes oo saaxiibkii Trump u sii wada talooyinkii uu siinayey ayaa u sheegay in uu u baahan yahay rag sida, “Boehner” oo kale ah. Trump ayaa weydiiyey, “Kaasina muxuu ahaa?” Ninka uu garan la’ yahay Trump waxa uu ahaa afhayeenkii Aqalka wakiillada ee Maraykanka tan iyo sannadkii 2011 kii oo xisbiga jamhuuriga ka soo jeeda.
Qof kasta oo ka mid ah bilyandheerka ku xeeran Trump waxa uu ka walaacsanaa nacaybka iyo xushmayn la’aanta Trump u hayey waayoaragnimada iyo aqoonta dadka kale oo dhan. Waxa aanay isku dayeen in ay fahamsiiyaan muhiimadda ay dadku leeyihiin, iyo sida uu ugu baahan yahay dad badan oo fahamsan dawladnimada oo Aqalka Cad la jooga. Dadkaaga ayaa aad uga muhiimsan qorsheyaasha iyo siyaasadaha aad raacayso. Dadkaaga ayaa ah siyaasaddaada.
“Frank Sinatra, waa uu qaldanaa,” waxaa sidaa yidhi David Bossie, oo ka mid ahaa lataliyeyaasha siyaasadda ee Trump muddada dheer la shaqaynayey.
[Tarjumaha: Frank Sinatra waxa uu ahaa fannaan, jilaa iyo hal-abuur Maraykan ah oo geeriyooday badhtamihii 1998 kii. Waxa uu ka mid ahaa heesaagii ugu caansanaa qarnigii 20naad, oo cajaladaha heesihiisa laga iibsaday ay kor u dhaafeen 150 milyan oo koobi oo dunida oo dhan ku faafay. Haddaba ninkani heesaha uu qaaday mid ka mid ah waxa uu ku sheegay halkudheg caan noqday oo ahaa, ‘Haddii aan halkan guul ka gaadho, halkaasna waan ka gaadhi karaa’ taas oo macnaheedu yahay in haddii qofku uu meel ama arrin guulo ka soo hooyo, in ay u dhowdahay in uu arrimaha kale ee loo dhiibana ka gaadhi karo. Laakiin halkudheggen saxnimadiisa waxaa beeniyey ficilka runta ah ee laga arkay dad badan oo la ogaa in ay arrin guulo ka sameeyeen laakiin arrimo kale ku fashilmeen waana sababta uu ku baxay halkudhegga cusub ee ah, ‘Frank Sinatra waa uu qaldanaa’ oo ah kan uu imika isticmaalay la taliyaha Trump. Waxa uu macnihiisu yahay in guusha uu Trump ka gaadhay ganacsiga, aanu macnaheedu ahayn in uu siyaasaddana ka gaadhi karo, laakin Trump ayaa moodaya sidaas]
“Haddii aad guul ka gaadhay ganacsiga, macnaheedu ma’aha in aad dawladnimadana guulo ka samaynayso” ayaa uu yidhi lataliyaha Trump.
Kaalinta shaqo ee uu muddooyinkan dambe yeeshay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, ayaa ah arrinta sida gaarka ah ay indhaha ugu hayaan dadka daraaseeya masuuliyadaha xukuumadda Maraykanka. Si la mid ah madaxweynaha laftiisa, ayaa madaxa shaqaaluhu u go’aamiyaa sida ay tahay in ay u shaqeeyaan Aqalka Cad iyo Waaxda fulinta (Xukuumadda) oo shaqaalaha ay maamushaa ay yihiin 4 Milyan oo qof, oo ay ku jiraan 1.3 Milyan oo ah dadka ku jira ciidamada kala duwan. Xilkan ah ‘Madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad’ waxaa imika loo fahmaaba in uu yahay madaxweyne ku xigeenka runta ah, ama madaxa fulinta ee xukuumadda, ama xitaa raysalwasaaraha oo kale.
Dadka sida aadka ah loo xusuusto ee xilkan ‘Madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad’ soo maray waxaa ka mid ahaa Harry Robbins Haldeman iyo Alexander Haig oo u kala dambeeyey xilka madaxii shaqaalaha Aqalka Cad, xilligii uu madaxweynaha ahaa Richard Nixon; Donald Rusmfeld iyo Dick Chenney oo iyaguna xilkan u kala dambeeyey xilligii uu madaxweynaha ahaa Gerald Ford; Hamilton Jordan oo xilkan qabtay xilligii madaxweyne Jimmy Carter talinayey; James Baker oo isna madaxa shaqaalaha Aqalka Cad noqday xilligii madaxweyne Ronald Reagan; James Baker waxaa haddana mar labaad isla xilkan madaxa shaqaalaha aqalka cad ku soo celiyey madaxweyne George H. Bush; Leon Panetta, Erskine Bowles iyo Johan Pdesta oo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad u kala dambeeyey xilligii madaxweyne Bill Clinton talinayey; Andrew Card oo xilligii madaxweynbe George W. Bush ahaa madaxa shaqaalaha Aqalka Cad iyo ugu dambayntii Rahm Emanuel iyo Bill Daley oo xilkan u kala dambeeyey mudadii uu madaxweynaha ahaa Barak Obama.
Qof kasta oo cilmibaadhis ku sameeya xilkani waxa uu gaadhaya natiijada ah in madaxa shaqaalaha Aqalka Cadi oo noqda qof awood badani ay ka fiican tahay in uu noqdo qof taagdaran. In uu madaxa shaqaaluhu noqdo qof leh taariikh shaqo oo Washington iyo dawladda Federaalka ahina ay ka fiican tahay in uu noqdo mid bannaanka ka joogay nidaamak dawladeed.
Donald Trump wax yar, waaba haddii ay jirto e’, ayaa uu ku baraarugsan yahay taariikhda booskan ama in uu ka fikiro kaalinta muhiimka ah ee uu xilkani leeyahay. Taas beddelkeedana waxa uu uu la yimi, qaab-maamulkiisii iyo waayoaragnimadii shaqo ee uu ganacsigiisa ku waday.
Muddo tobannaan sano ah, waxa uu Trump ku tiirsanaa, adeegeyaal muddo dheer u soo shaqaynayey, dad jaal la’ ah iyo qoys. In kasta oo uu Trump ganacsigiisa dadka uga dhigo in uu Imbaraadooriyad yahay, runtu waxa ay tahay in uu yahay uun shirkad aan xidhiidho badan lahayn. [Shirkad nooceedu yahay ‘Holding company’ oo ah shirkadda shirkad ama shirkado kale maamusha] iyo Meherad iibisa dharka xarrakada ee socda, La soco…………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here