Dab Iyo Cadho

29
3216

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay Kamaal A. Cali (Q. 21aad)

2
Dhismaha Trump
Kooxdii ol’olaha Trump ee hore loo ogaa in aanay waxba hayn ayaa si degdeg ah uga soo guuray xaruntoodii hore ee ahayd badhtamaha magaalada Washington, waxa ay u soo guureen dhismaha Trump. Sidaas ayaanay ku noqtay, markii ugu horreysay Maraykanka ee mid ka mid ah guryaha ugu qaalisan ay qabsato guddida xilliga ku meelgaadhka ah, (Waxaa iyaduna la mid ah, guddi ol’ole doorasho.), soo guuristu waxa ay ahayd arrinta ay u jeeddayba kooxdani. Waxa ay diraysay farriin nooca uu farrimaha u diro Trump ah, oo macnaheedu yahay; Ma’ nihin dad bannaanka ka jooga talada iyo arrinka Trump, balse waxa aanu nahay dad aad u awood badan oo kijada ku jira, welibga Trump oo intii hore ka sii maalqabeensan, ka sii magacdheer, lehna guryo ka fiican kuwii hore.
Dusha sare ee dhismahan dheeri, waa qaybtii uu deggenaa, oo aad uga ballaadhan guriga cad qaybihiisa loogu talagay in la dego. Halkan waxaa ku yaallay xafiiskiisa gaarka ah, oo uu deggenaa tan iyo 1980-maadkii. Waxa kale oo dhismahan ku yaallay xarunta ol’olaha, imikana waxaa ku soo biirtay xarunta hawlaha maamulka waaqtiga kalaguurka.
Muuqaalka laga dheehanayey wejiga Trump ee uu ku waajahay guusha aan la filayn ama aan maangalka ahayn, ee uu gaadhay, waxa uu ahaa mid muujinaya in uu kibir badani ku jiro. Waxa lagu macnayn karayey in ay ka ahayd, ku wiyirsi.
Reer Washington, ama aan idhaahdo, kuwa marka ay dawladda cusubi xilka qabato, doonaya in ay ka agdhowaadaan, ayaa bilaabay in ay ku soo ururaan Trump. Dhismihii ayaa durbadiiba buux dhaafay. Qof kasta oo u socday in uu la kulmo madaxweynaha la doortay, waxa uu qirayey ama ogolaa in uu ku sheego dawladda dhalatay, dawlad dibadda ka timid, [Aan labada xisbi ee waaweyn midna ka tirsanayn].
Trump waxa uu dadkan la shaqaynayey ku qasbay in ay u dulqaataan wax ay kuwa aad ugu dhowi gadhowi jeclaayeen in ay ku magacaabaan ‘isu muujintiisa’ warbaahinta iyo dadka indhaha ku soo taagaya, taas oo ah in warbaahinta iyo dadka ka agdhow la is tuso. Waa ficil u eeg xushmayn, waa se’ uu noqon karaana bahdilaad. Marka la eego sida ay hawluhu uga socdeen dhismaha Trump, macnaha daahsoon ee laga qaadanayey waxa uu ahaa in la doonayey in la qariyo xaqiiqada ah, in dad yar oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhow Trump (Oo marka horeba ay tiradoodu yarayd), ahna kuwan hadda mar keliya uun u dallacay in ay masuul ka noqdeen soo dhisidda xukuumadda cusub, aanay lahayn waayo-aragnimo shaqo oo la xidhiidha hawshan ay qabanayaan. Midkoodna ma’ uu lahayn sees hore oo siyaasadeed. Kuma uu jirin mid keliya oo hore u soo maray shaqo qorshayn hawleed iyo sees u dhigid khusaysa. Kumana uu jirin qof keliya oo sharciga wax ka yaqaannay.
Siyaasaddu waa shaqo ku xidhan hadba inta ay le’eg yihiin xidhiidhada aad leedahay, waa shaqo ah, yaa aad taqaannaa?
Laakiin si ka duwan madaxweyneyaashii la doortay ee kale – oo dhammaantoodba dhibaato ka soo gaadhi jirtay ceebahooda maamul – Trump isagu ma’ uu lahaynba xirfad shaqo oo u qalanta siyaasadda iyo in uu xidhiidho siyaasadeed ama dawladeed yeesho si uu ugu qayshado. Xitaa dhif ayaa uu yeeshayba koox siyaasadeed uu isagu ku xidhan yahay oo u gaar ah. Inta badan ee siddeed iyo tobankii bilood ee u dambeeyey ee uu ku soo jiray geeddiga, hawshiisa muhiimaddeedu waxa uun ay iska ahayd, meherad ay saddex ruux wadaan: waa ninkii madax uga ahaa ol’olaha, ee Corey Lewandowski (intii aanu isagana dibadda u tuurin bil ka hor shirweynihii xisbiga Jamhuuriga), qofka labaad waxa uu ahaa afhayeenkiisii maxbuuska u ahaa, iyo qofkii ugu horreeyey ee loo shaqaalaysiiyey ol’olaha, oo ahaa lix iyo labaatan jirka lagu magacaabo Hope Hicks; waxaa saddexdaas afar ku ahaa Trump laftiisa. Waxa uu isu dhigayey Trump in uu diyaar ahaa, haddana fikir-wadaag iyo in wax la isweydiiyo ma’ uu doonayn – Mar kasta oo ay sii bataan dadka ay tahay in uu la macaamilaa, Trump waxa uu u arkayey in ay taasi ku sii adkaanayso in uu dib u gurto oo inta uu gurigiisa iskaga noqdo uu iska seexdo. Kooxda xirfadlayaasha ah – In kasta oo aanay jirinba dad xirfadlayaal siyaasadeed lagu sheegi karo oo ka mid ahaa kooxdaasi – ee ol’olaha Trump ku soo biiray bishii siddeedaad, waxa ugu weyn ay ku dadaalayeen in ay ka dheeraadaan, waxa uu ahaa bahdilaadda rajo beelka ah. laakiin waxa ay ahaayeen dad la shaqeeyey bilo yar oo keliya.
Reincd Priebus, oo isu diyaarinayey in uu ka soo wareego guddidii heer qaran ee xisbiga (RNC) kuna biiro Aqalka Cad, ayaa si feejigan u ogaaday, sida degdegga ah ee uu Trump inta badan dadka ku soo shaqaalaysiinayey. Qaar badan oo dadkaas ka mid ah, hore isukuma ay arkinba, haddana waxa uu u dhiibayey xilal aanu Trump si gaar ah, fahamsanayn muhiimadda ay leeyihiin.
Ailes oo ahaa ruugcaddaagii Aqalka Cad soo joogay xilliyadii Nixon, Reagan iyo Bush kii weynaa, ayaa aad uga warwaray sida aanu madaxweynaha la doortay si toos ah isuguba hawlayn in qaabka uu u soo dhisayo maamulkiisu uu noqdo mid ku habboon Aqalka Cad in uu difaaco. Ailes waxa uu isku dayey in uu Trump fahamsiiyo mucaaradadda arxandarrada ah ee bilowgaba ka hor iman karta iyo sida ay tahay in uu uga sii gaashaanto oo maamulkiisa uu ka dhigo mid difaaci kara. “Waxa aad u baahantahay garac aad ka dhigato madaxa shaqaalaha. Iyo garac kale oo si fiican dawladda u kala yaqaanna,” ayaa uu Ailes talo ahaan ugu sheegay Trump waqti yar kaddib doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here