Dab Iyo Cadho

36
4053

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay Kamaal A. Cali (Q. 20aad)

Marka uu fal sidaas ahaa ku kacay, kaddib. Ayaa uu xoghayntiisa ka dalbaday in saaxiibkiisaa [Ninkii uu xaaska u weydaartay] uu ugu yeedho ballan xafiiskiisa ah. Marka uu saaxiibkii u soo galay, Trump waxa uu la galay sheekada inta badan caadada u ahayd ee ah in uu qaab kaftan ah ugala sheekaysto xidhiidhadiisa jinsiga ah. “Weli ma xiisaysaa in aad islaantaada la seexato? Caadi ahaan intii jeer ayaa ay dhacdaa? Waa in aad samaysaa xidhiidho kale oo xaaskaaga ka fiican? Ka warran. waxa aan hayaa hablo ka imanaya Los Angeles, marka ay saacaddu saddexda tahay. Dabaqa sare ayaa aynu iska tegi oo aynu waqti fiican ku qaadan doonnaa. Anigaa kuu ballan qaadayaa … ereyadaas ayaa uu Trump ku yidhi saaxiibkiisa uu khiyaameeyey, isaga oo weliba sidii uu markan oo kale yeeli jiray, marka uu sheekadan wado ay khadka taleefanka ku jirto ninkan uu la sheekaysanayo xaaskiisii uu xidhiidhka qarsoodiga ah la yeeshay. Iyada oo dhegeysanaysa sheekada dhex maraysa Trump iyo ninkeeda ay khiyaamaysay.
Madaxweyneyaashii hore, Clinton oo keliya ma’aha ee, iyaga qudhooduna waa ay lahaayeen akhlaaq xumo badan.
Dad badan oo Trump aad u yaqaannay, waxaa anshax xumadaas aynu soo sheegnay kaga sii jaahwareer badnaa, sida ay u dhacdayba in uu doorashada ku guulaysto, ee uu guushan weyn ku gaadhay, isaga oo aan gebi ahaanba buuxin, shuruudaha la wada ogyahay, ee looga baahan yahay qofka shaqada qabanaya.
Waxaa ka mid ah in aanu lahayn, waxa ay culimada cilmiga neerfuhu ku tilmaamaan ‘Shaqada fulinta ah’. [Waa in qofku uu maamuli karo, gebi ahaanba naftiisa, gaar ahaan dhinaca maskaxda, oo xusuusta, garashada, fahamka, aqoonta iyo xallinta mushkiladuhu ka mid yihiin, isla markaana maskaxdiisu awood u leeyahay in ay ka fikiri karto, isla markaana ka shaqayn karto arrimaha hor yaalla xal u heliddooda, qorshayntooda iyo fulintooda].
Waa run in Trump si kastaba ha ku helo ee, uu ku guulaystay tartankii madaxweynenimada, laakiin maskaxdiisu waxa ay u muuqata in aanay lahayn awooddii caafimaad ahaan ay ku gudan lahayd hawlaha aasaasiga ah ee shaqadan cusubi uga baahan tahay. Ma’laha tamar uu wax ku qorsheeyo, wax ku agaasimo, wax ku maamulo, ku feejignaado ama wax ugu fiirsado; weligiiba ma’ uu awoodin in uu anshaxiisa iyo dhaqankiisa si maangal ah u waafajiyo sida uu rabo ama waafaqsan bartilmaameedkiisa. Xitaa waxa aanu lahayn awoodda aasaasiga ah ee isku xidhidda ‘Sababta iyo natiijada ka dhalata’
Kiiskii ahaa in Trump uu mu’aamarad la galay Ruushka si uu ugu guulaysto doorashada, ee uu isagu sida jeesjeeska ah ugu tilmaamay eed macnadarro ah, waxa ay ahayd sida qaar ka mid ah saaxiibbadii ku qiimeeyeen, tusaale cad oo ina tusaya awood darradiisa dhinaca garaadka ah ee aanu dhacdooyinka is leh isku xidhi karayn. Xitaa haddii aanu qof ahaantiisa mu’aamarad ugula shuraakoobin Ruushka si uu doorashada ugu guulaysto, waxa ay arrintani dhaawacaysay dadaalladiisa uu doonayey in uu dadka oo dhan kasbado. Waa shaki la’aan in xidhiidhka isaga iyo Vladimir Putin uu ka tegey raad ficillo iyo ereyaba leh oo ay u dhowdahay in ay dhaawacyo kala duwan oo siyaasadeed ku yeeshaan.
Waqti yar doorashada kaddib, ayaa uu saaxiibii Ailes si degdeg ah ugu sheegay, “Waa in aad si fiican u fahamto Ruushka.” Ailes xitaa iyada oo laga eryey talefishanka Fox New haddana waxa uu weli lahaa shabakad sirdoon oo yaab leh. Trump ayaa uu uga sii digay fikrado loo soo wado oo dhaawacaya haddii uu qaato, taas oo ah in ay dad doonayaan in ay ku xidhana Ruushka. “Donaldoow, hadalkaygaa si dhab ah u qaado.” Ayaa uu ku yidhi.
“Jared ayaa warkaas haya,” ayaa uu yidhi Trump oo iska faraxsani. “Hawshaas waa la dammeeyey” ayaa uu u sii raaciyey.
Dhismihii Trump, ee ku xigay dhismaha shirkadda Tiffany oo markii dambe xarun u noqday kacdoonkii dadweyne ee Trump doorashadiisa lagu diidanaa, ayaa mar keliya u ekaaday dayaxgacmeedkii (Qalabkii) hawada sare duulayey ee ku jiray filimkii ‘Death Star’ Dibadbaxayaal sharaf leh, wanaagsan oo himilo lahaa, laakiin cadhaysnaa iyo jamaahiir qaylinaysa ayaa xidhay jidka ku xigay albaabka guriga uu deggen yahay madaxweynaha la doortay. Biro teed ah ayaa uu booliisku si degdeg ah ugu wareejiyey guriga madaxweynaha si looga horjoogsado dadka dibadbaxaya.
Xeerka lagu magacaabo ‘Waqtiga kumeelgaadhka ah ee doorashada ka hor’ oo loo yaqaanno ‘Xeerka 2010 ka,’ oo ah xeer awoodo dhaqaale oo kooban u fasaxaya hawlaha uu murashaxu ku kala xulayo hawlwadeennadiisa ayaa jideeyey maalgelinta hawlaha dadka madaxtooyadu u magacaabi doonto in ay ku kala xulaan kumannaanka dad ah ee u sharraxan shaqooyinka maamulka cusub. Diyaarinta siyaasadaha iyo habraacyada ay kooxdan murashaxu muujiyaan inta ya hawshan wadaanna waxa ay caddayn doontaa tallaabooyinka bilowgaba uu qaadi doono Aqal Cadi haddii uu murashaxu guulaysto, iyo diyaarinta masuuliyadaha xafiis ee marka la gaadho 20ka bisha koowaad [marka xilka uu la wareegayo]. Intii ol’olaha lagu jiray, Chris Chirstie, guddoomaha gobalka New Jersey oo ahaa madaxa xafiiska Trump ee xilliga kalaguurka, ayaa mar ka hor yimi in dhaqaalahaa sharcigani fasaxayo hawlo kale oo shaqo loo leexin karo, waxa uu ku qasbanaaday in uu si adag ugu sheego Trump in aanu awood u lahayn in uu meel kale u duwo lacagahan uu xeerkani dhigayo in kharashkaas la isticmaalo, lana qorsheeyo hawlaha kalaguurka [Inta u dhexeysa isbeddelka labada madaxweyne].
Trump oo jaahwareersan ayaa u sheegay in aanu diyaar u ahayn in uu mar dambe arrin noocaas ah ka maqlo. Haddaba maalintii doorashada ku xigtay, Trump saaxiibbadiisa ku dhowaa – oo si lama filaan ah uun loo arkay iyaga oo u wada hammuum qaba in ay qayb ka noqdaan geeddi socodka hawlahan oo uu qof kasta hore isu diidsiin jiray – ayaa markiiba bilaabay in ay canaan u jeediyaan Christie oo ay ku eedaynayaan in aanay waxba uga diyaar ahayn maamulidda waqtiga kala guurka.
Kooxdii ol’olaha Trump ee hore loo ogaa in aanay waxba hayn ayaa si degdeg ah uga soo guuray xaruntoodii hore ee ahayd badhtamaha magaalada Washington, waxa ay u soo guureen dhismaha Trump. La soco…………..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here