Dab Iyo Cadho

45
3475

Guriga Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 2aad)

Buuggu waxa uu sheegayaa in Trump uu dadka ku xeeran u sheegay in Sucuudigu uu maalgelin doono ciidamo cusub oo Maraykan ah oo la dejinayo Sucuudiga, si loogu beddelo saldhigga Maraykanku uu hadda ku leeyahay dalka Qatar, isaga oo haddana aaminsan in Sucuudiga iyo Masar ay qarka u saaran yihiin in ay burburaan. Waxa kale oo uu caddaynayaa in madaxweyne Trump uu si badheedh ah isaga dhego mariyo talada iyo fikradaha uga yimaadda xeeldheereyaasha iyo masuuliyiinta xukuumaddiisa ka tirsan ee qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda. Waxyaabaha uu Trump sida aadka ah ugu khilaafay masuuliyiinta siyaasadda arrimaha dibadda waxaa ka mid ahaa, markii uu bishii Shanaad ee sannadkii 2017 uu tegey Sucuudiga, ee si sahal ah u aqbalay dalabkii Sucuudiga ee ahaa in qas iyo xasarado laga abuuro dalka Qatar.

Buuggan oo qaabqoraalkiisa iyo afka uu ku qoranyahayba aad loo ammaanay, waxa kale oo uu qoraagu kaga warramayaa aragtiyaha iyo hadallada Trump ee ku aaddan arrimaha gudaha Maraykanka iyo qodobbo siyaasadda iyo diblumaasiyadda dunida oo dhan taabanaya, waxaa ka mid ah fikirka Trump ee farogelinta la sheegay in Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka. Qorshe ay inanta awododa badan ee trump, Ivanka Trumo ku doonayso in ay mustaqbalka isu sharraxdo madaxweynenimada Maraykanka, si ay u noqoto gabadhii u horreysay ee xilkaas gaadha. Sababta ay xaaska Trump, marwo Melania u oyday naxdin awgeed, markii lagu dhawaaqay in mudane Trump ku guulaystay madaxweynenimada. Waxa uu ka warramayaa haweenayda qaramada Midoobey u fadhida Maraykanka ee Nikki Haley oo isu diyaarinaysa in ay Maraykanka qabsato, maadaama oo ay aaminsantahay in Trump aanu xilka dhammaysan doonin iyo sabata dadka madaxweynaha ku xeerani gabadhan, ‘shaydaamadda’ ugu yaqaannaan.

Waxa intaasba ka sii xiise badan in Trump markii uu ol’olaha ku jiray aanu filayn in uu Maraykanka madaweyne ka noqdo, xitaa markii uu tartanka ugu adag ku jiray. Hadallo aan fiicnayn oo uu wiilka uu sodogga u yahay ka sheegay Trump, xilligii ol’olaha.

Xaaladda caafimaadka dhimirka ee madaxweyne Trump ayaa uu qoraagu iyadana ku sheegayaa mid aan deggenayn, isaga oo tilmaamay in maskaxdiisu aanay ka soo korin tii carruurnimada.

Buuggan oo saacadihii u horreeyey soo bixitaankiisa laga iibsaday ku dhowaad hal milyan oo nuskhadood, marka aynu soo koobno arrimaha kale ee uu ka warramayo waxaa ka mid ah:

– Waxa ay shaqaalaha madaxweyne Trump ka aaminsan yihiin shakhsiyaddiisa.

– Waxa Trump ku kallifay in uu ku andacoodo in xilligii ol’olaha uu Barak Obama qalabka basaasidda ku dhegegeystay xidhiidhadiisa.

– Sababta runta ah ee uu Trump u eryey taliyihii FBI da oo ahaa James Comey

– Sababta keentay in aanay qol keliya wada geli karin isuguna iman karin ninka madaxda ka ahaan jiray qaybta Istaraatijiyadda ee Guriga Cad oo ahaa Steve Bannon iyo wiilka uu Trump soddoga u yahay ee sida oo kalana la taliyihiisa ah.

– Qofka run ahaan hoggaanka u haya istaraatijiyadda xukuumadda Trump.

– Xidhiidhada uu Maraykanku la leeyahay dalalka Carabta iyo Muslimka, oo ay ka mid yihiin xaaladda Masar, Falastiin iyo Iiraan.

Buuggan uu qoray Michael Wolfe oo uu Trump ku guul darraystay in uu hor istaagaa waxa uu soo baxay 6dii bishan koowaad ee 2018 ka.

Waxa aanu isaga oo afka hooyo ku turjuman uu si taxane ah ugu soo bixi doonaa wargeyskan Geeska Afrika. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here