Dab Iyo Cadho

23
2900

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 17aad)

Mar sannadkii 2015 kii, ay Ivanka Trump u sheegtay Murdoch in aabaheed uu si dhab ah u doonayo in uu madaxweynenimada u tartamo, Murdoch in ay taasi suurtagal noqon kartaba meesha waa uu ka saaray.

Laakiin imika, madaxweynaha cusub ee la doortay – Oo ay guushiisu ahayd tii ugu qaadan waaga iyo lama filaansanayd taariikhda Maraykanka oo dhan –  ayaa maanta sida ruux dhimbiil dab ah ku  taagan u sugi kari la’aa Murdoch. “Waxa uu ka mid yahay dadka sharafta leh,” Ayaa uu Trump u sheegay martidiisa, oo soo yara dhibsanayey sugitaankiisa. “Runtii, waxa uu ka mid yahay dadka waaweyn, waa kii ugu dambeeyeyba dadkii sharafta lahaa. [Ee dalka]. Waa in aydaan tegin illaa aad sii aragtaan.” Ayaa uu yidhi. Waxa ay ahayd arrimo isku wada xidhan oo dib u dhac ah. Trump, waxaa laga yaabaa in aanu weli fahmin, faraqa u dhexeeya in uu madaxweyne noqday iyo in uu kor u qaado heerka uu bulshada ka dhex joogo, waxa uu si aad ah isugu dayayey in uu xidhiidh fiican la samaysto maalqabeenkan warbaahinta ee uu hore xidhiidhkoodu u xumaa.

Ugu dambayntii Murdoch waa uu soo gaadhay munaasabaddii, si run ah ayaa uu u daahay, oo uu dareemayey in ay ku tahay sharaf dhacn, waxa aanu ku dadaalayey in uu dib ugu noqdo aragtidiisa ku aaddanayd Trump oo uu in ka badan hal jiil u yaqaannay in uu majaajileeye ka dhex yahay maalqabeenka iyo dadka caanka ah.

***

Mordookh waxa uu ahaa bilyandheerka keliya ee diiddanaa Trump. Sannadkii ka horreeyey doorashada, Carl Icanhn, oo uu Trump mar kasta soo hadal qaadi jiray saaxiibtinimada ka dhaxaysa, isla markaana uu mar u soo jeediyey in uu u magacaabo xil sare oo xukuumaddiisa ka mid ah, ayaa isagu si badheedh ah u yasay saaxiibkiisan ay Bilyandheerka ah [Trump], ee uu isagu ku sheegay in aanu meelna u soo marin bilyandheernimada. Dad yar ayaa ogaa in Trump uu ninkan qalad ka fahansan yahay. Icanhn waxa uu Trump ku sheegi jiray nin indhihiisa marka aad eegto u muuqda ruux deggen oo faraxsan, laakiin ay khiyaamo iyo wax is-daba-marini u qarsoon tahay. Si kastaba ha ahaato ee, imika waa madaxweynaha la doortay, taas ayaana wax kasta beddeshay. Sidaa awgeed waxa aad doonto ka sheeg, oo tan [madaxweynenimada] waa uu ku guulaystay. Taas ayaana ay jirinba wax loo dhigaa.

Bilyandheerradu waa in ay guushan Trump kaddib dib ugu noqdaan aragtidii hore ee ay ka haysteen Trump. Waana sida uu yeelay qof kasta oo ka mid ahaa dadkii ku xeernaa Trump.

Saqaalihii ol’olaha oo isla markiiba qabtay shaqooyinkii Aqalka cad – kuwo xirfadeed iyo shaqooyin taariikh samaynayaba labadaba – waa in ay is fahmaan ninkan yaabka badan, qallafsan, ee xitaa liita, marka aad dul ahaan eegtana, u muuqda in aanu u diyaarsanayn isbeddelkan cusub. ‘Waxaa loo doortay madaxweyne’. Sidaa awgeed waxa uu ahaa, sida ay Kellyanne Conway jeclayd in ay ku sheegto, madaxweyne magaca ah. sidaas oo ay tahay haddana weli qofna ma’ uu u rumaysan awoodda uu u leeyahay in dadweynaha loo addoomiyo raacista iyo u dhego nuglaanta hab-raaca siyaasadeed ee loo dejiyo, iyo in ay naftooda xakameeyaan.

Guushii kaddib, dad kale ayaa la soo shaqaaleeyey, in kasta oo ay iska caddayd aragtida ay dadkani marka hore ninkan [Trump] ka haysteen, haddana imika waxa ay aqbaleen in ay shaqooyinkaas uu siiyey galaan. Waxaa dadkaas cusub ka mid ahaa, Jim Mattis, oo ahaa Janaraal hawlgab ah oo afar xiddigood sita, isla markaana ahaa mid ka mid taliyeyaashii loogu ixtiraamka badnaa ee soo maray ciidamada qalabka sida ee Maraykanka; Rex Tillerson, maareeyihii shirkadda Exxon Mobil; Scott Pruitt iyo Betsy DeVos, oo labaduba daacad u ahaa Jeb Bush [Jeb Bush waxa uu ka mid ahaa raggii Trump xisbiga dhexdiisa tartanka adagi ku dhex maray, markii loo soo baxayey murashaxnimada– dhammaantood waxa ay imika u soo wada jeesteen xaqiiqada keliya ee ah in si kasta oo uu Trump u yahay qof aan la fahmi karin, iyo si kasta oo uu ugu muuqdo qof aan macquul ahayn, in runtu ay tahay in loo doortay madaxweyne.

Qof kasta oo ka mid ahaa dadka ku dhowaa Trump, waxa uu si kedis ah u bilaabay in uu yidhaahdo, “Arrintan waa aynu ka shaqaysiin karnaa, ama ugu yaraan, arrintani waa ay shaqayn kartaa.

Runtii, Trump ma’ uu ahayn qof qaylo iyo rabshad keliya uun ku xiise geliyey dadkii sida caadifadda badan isugu soo baxayey ol’oleyaasha. Cadho iyo dagaal midna ma’ uu lahayn.  Waa laga yaabaa in uu ahaa murashaxii madaxweyne ee ugu hanjabaadda, cabsigelinta iyo cagajuglaynta badnaa, marka la eego taariikhda casriga ah, laakiin haddana qof ahaantiisa waxa uu u muuqan karayey qof xasiloon. Waxa dhan iska dhigay qabkii iyo kalsoonidii xad dhaafka ahayd ee uu naftiisa ku qabay. Waxaa is beddelay aragtidiisii uu ka qabay nolosha, waxa uu noqday nin dhinaca togan wax ka eega – ugu yaraan marka ay naftiisa tahay. Waxa uu noqday nin soo jiidasho leh, oo dadka xodxodanaya; waa uu kuu soo joogsanayaa. Waa uu maadaynaya – xitaa naftiisa ayaa uu naqdinaya marmarka qaar. Isla markaana waxaa ku jirta tamar la yaab lihi.

‘Nin sidaa u adag ma’ uu ahayn. Waxa uu ahaa “Ruux qalbi wanaagsan oo laakiin gacanta lagu hayo,” waxaa sidaa ku tilmaamay Bannon, oo ammaanta ugu weyn ee uu sheegi karaayey intaas tahay.

Peter Thiel oo wax ka aasaasay shirkadda PayPal isla markaana xubin ka ah golaha maamulka ee Facebook, oo runtii ahaa ninka ugu miisaanka culus ee Shirkadaha waaweyn ee Tiknoolajiyadda ka taageeray Trump, ayaa waxaa u digay bilyandheer kale, oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump. Waxa uu uga digay in Trump si uu u soo dhoweysto, uu u muujin doono saaxiibtinimo waaraysa. Waxa uu u sheegay in uu ku beerlaxawsan doono ereyo ay ka mid yihiin,

La soco…………..

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here