Dab Iyo Cadho

49
3009

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 12aad)

Laakiin Trump arrintaas wax dadaal ah ma’ uu gelin. Roger Stone, oo waqti dheer ahaa lataliyaha siyaasadda ee Trump, ayaa Steve Bannon ku yidhi, Trump dabeecadihiisa aad rooxaanta mooddo ayaa ka horistaagay in uu si dhow naftiisa barto. Xitaa waxa uu ogaan kari waayey in uu jiri karo qof sirtiisa haya oo wax badan ka yaqaanna, sidaa awgeedna ka awood badin karo. Laakiin haddana marka aad eegto runta waxa uu aaminsan yahay, ma’ay jirinba sabab uu arrintaas iyo khatarta ka dhalan karta u eego, waayo maba ay u muuqan fursado ah in uu guulaysan karo. Trump ma’ uu dhayalsan oo keliya murannada siyaasiga ah ee kaga iman kara macaamalaadkiisa ganacsi iyo shirkadihiisa kirada guryaha, balse waxa uu sida oo kale si indho-adayg ah u diiday in uu dadka u soo bandhigo warbixinihiisa cashuur bixinta. Maxaaba ku kallifaya in uu hawlahaas galo, maadaama oo aanu doonaynba in uu guulaysto?

Waxaa taas ka sii daran, Trump waxa uu diiday xitaa in uu inyar oo waqtigiisa ka mid ah ka fikiro arrimahan, oo malaha uu u arkayey in yihiin arrimo ku-meel-gaadh ah oo laga gudbi doono, isaga oo odhan jiray, “Waa nasiibdarro” laakiin runta uu u jeeday ay ahayd, in uu u arko waqti lumis. Xitaa dhif buu ka fikirayba arrinta la xidhiidha hantidiisa iyo muranka geli kara.

Maba uu doonayn in uu guulaysto! Ama aynu nidhaahno, in uu dhaco ayaaba uu guul u arkayey.  Trump waxa arkayey in marka uu dhaco uu noqon doonaa ninka dunida oo dhan ugu caansan – Waxa uu aaminsanaa in marka Hillary Clinton ay ka badiso, loo arki doono Shahiid [Sharaf ku dhintay].

Marka uu Trump doorashada dhaco kaddib, inanta uu dhalay ee Ivanka iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared, halka ay imika iska yihiin uun carruur maalqabeen ah, waxa ay isu beddeli doonaan, dad caan ka ah dunida oo dhan, iyo danjireyaal ganacsi.

Steve Bannon waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha, lama huraanka ah ee xidbiga Tea Party Movement. Kellyanne Convway waxa ay noqon doontaa xiddig cusub oo barnaamijyada talefishannada ka soo muuqata. Reince Priebus iyo Katie Walsh waxa ay dib ugu noqon doonaan xisbigooda Jamhuuriga. Melania Trump waxa ay ku noqon kartaa qadooyinkeedii aan caanka ahayn (Waxa ay dib u noqon doontaa sidii ay ahayd oo ah, qof aan caan ahayn oo aanay dadku waxba ka maqal).

Taas ayaa ay ahayd natiijada dhib la’aanta ah ee ay sugayeen Noofambar 8, 2016. Guuldarro qof kasta u shaqayn doonta. (Trump iyo kooxdiisu waxa ay filayeen in ay doorashada ku guuldarraysanayaan, laakiin guuldarradaas ayaabay u arkayeen in isaga iyo qof kasta oo kooxdiisa ka mid ahba u noqon doonto guul iyo fursad ay faa’idooyin kale ku gaadhi doonaan).

Isla cawayskaas, markii saacaddu ay in yar dhaaftay siddeedii, ayaa ahayd markii jiho aan la filayn ay arrimuhu u leexdeen – Trump in uu guulaysanayaa – Waxa muuqatay in la hubo in uu guulaysanayo, wiilkiisa Don Jr. ayaa qof ay saaxiib yihiin u sheegay in aabihii, oo uu isagu ku magacaabi jiray DJT (Waxa uu isu keenay xarfaha ugu horreeya saddexdiisa magac oo ah Donald John Trump). Waxa aad moodaysay in wiilka yari uu rooxaan arkay. Melania oo uu Donald Trump u caddeeyey in guushiisu ay hubaal tahay, ayaa ilmaysay – Laakiin farxad lama ay ilmayn.

Waxaa joogay Steve Bannon oo si u qaadan waa ka muuqdo wax u fiirinaya,  waxaa la arkayey Trump kii dhakafaarsanaa, oo u sii dhuranaya in uu noqdo Trump aan rumaysan karin warka guushiisa, haddana isu sii beddelaya Trump waxoogaa amakaag iyo shoog ahi ku dhacay. Laakiin markii u dambaysay waa uu si buuxda ayaa uu isu beddelay Trump: Si lama filaan ah, ayaa uu Donald Trump u noqday nin aaminsan in uu u qalmo in uu noqdo madaxweyne, si buuxdana awood ugu leh in uu noqdo, madaxweynaha dalka Maraykanka.

2

Dhismaha Trump

Maalintii Sabti ee doorashada kaddib, Trump guriga saddex geeska ah ee uu ka deggen yahay dabaqiisa dheer ee Trump Tower waxa uu ku qaabilay dad yar oo hambalyo ugu yimid. Xitaa saaxiibbadiisii ugu dhowaa weli amakaag iyo fajac ayaa ay u ahayd, kulanka laftiisa waxaa ka muuqday aam-aamus iyo u qaadan waa. Laakiin Trump laftiisa waxa uu mar kasta eegayey saacadda uu xidhan yahay.

Rupert Murdoch, oo imika ka hor aanu shaki yari kaga jiri jirin in Trump uu yahay nin wax aanu ahayn is mooday, iyo doqon, ayaa soo hadlay oo sheegay in isaga iyo xaaskiisa cusbaa, ee Jarry Hall, ay ku soo socdaan madaxweynaha la doortay, si ay u soo hambalyeeyo. Laakiin Mardookh waa uu daahay – Goor dambe ayaa ay ahayd. Trump ayaa martidii la joogtay u sheegay in Rupert uu ku soo socdo, oo uu dhaqso u iman doono. Markii martida qaarkood ay isu diyaariyeen in ay tagaan, ayaa uu Trump ku qanciyey in ay sii yara joogaan. Dhammaantiin waa u baahan tihiin in aad sii aragtaan Rupert. (Waxaa laga yaabaa in dadka martida ah qaarkood ay hadalkaas Trump u fasirteen in uu u jeedo, in ay tahay in ay joogaan si ay u arkaan Trump iyo Murdoch oo wada jooga.)

Berigii hore Mordookh iyo xaaskiisii berigaas ee Wendi, oo inta badan la sheekaysan jireen Jared iyo Ivanka, ayaa aan qarsan jirinba xiise la’aantiisa Trump. Ka helitaanka uu Murdoch ka heli jiray Kushner waxa ay abuurtay in uu xoogaysto xidhiidhka Trump iyo Kushner. Taas ayaa uu Kushner ogaa oo uu ka faa’idaysan jiray. Magaca Mardookh ayaa uu si uun ugu soo dhex tuuri jiray sheekooyinka uu soddogii la wadaagayo. Markii, sannadkii 2015 kii, Ivanka Trump ay u sheegtay Murdoch, in aabaheed uu si dhab ah u doonayo in uu madaxweynenimada u tartamo, Murdoch in ay taasi suurtagal noqon kartaba meesha waa uu ka saaray.

Laakiin imika, madaxweynaha cusub ee la doortay – Oo ay guushiisu ahayd tii ugu qaadan waaga iyo lama filaansanayd taariikhda Maraykanka oo dhan –  ayaa maanta sida ruux dhimbiil dab ah ku  taagan u sugi kari la’aa Murdoch. “Waxa uu ka mid yahay dadka sharafta leh,” Ayaa uu Trump u sheegay martidiisa, oo soo yara dhibsanayey sugitaankiisa. “Runtii, waxa uu ka mid yahay dadka waaweyn, waa kii ugu dambeeyeyba dadkii sharafta lahaa. [Ee dalka]. Waa in aydaan tegin illaa aad sii aragtaan.” Ayaa uu yidhi. Waxa ay ahayd arrimo isku wada xidhan oo dib u dhac ah. Trump, waxaa laga yaabaa in aanu weli fahmin, faraqa u dhexeeya in uu madaxweyne noqday iyo in uu kor u qaado heerka uu bulshada ka dhex joogo, waxa uu si aad ah isugu dayayey in uu xidhiidh fiican la samaysto maalqabeenkan warbaahinta ee uu hore xidhiidhkoodu u xumaa.

Ugu dambayntii Murdoch waa uu soo gaadhay munaasabaddii, si run ah ayaa uu u daahay, oo uu dareemayey in ay ku tahay sharaf dhacn, waxa aanu ku dadaalayey in uu dib ugu noqdo aragtidiisa ku aaddanayd Trump oo uu in ka badan hal jiil u yaqaannay in uu majaajileeye ka dhex yahay maalqabeenka iyo dadka caanka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here