Daawashada Filimada Jacaylka Ahi Waxa Ay Daciifisaa Xidhiidhka Lammaanaha Is Qaba

0
1059

Picture9Edinburgh (Geeska)- Cilmi baadhis ay samaysay mid ka mid ah jaamacadaha magaalad Edinburgh ee caasimadda Schotland ayaa daahfurtay in daawashada filimada jacaylka ahi ay xumayso ama burburiso xidhiidhka jinsiga ah iyo ka kalgacal ee ka dhexeeya lammaanaha is qaba. Sida ay faafisay jariiradda Al-zamanaa oo ka soo baxda dalka Lubnaan, khubarada samaysay daraasaddan oo ku xeel dheer cilmiga bulshada ayaa masuuliyadda xidhiidhka kalgacal iyo jinsi oo xumaada dusha ka saaray daawashada filimada Jacaylka ah iyo kuwo Majaajillada ah (Comedy).

Khubaradan ayaa ku dooday in filimada noocan ahi ay aad u buun-buuniyaan jacaylka iyo macaamilka jacayl ee lammaanaha, taasina ay ku keento qofka laasima daawashadooda in haddii macaamil noocan ah uu waayo uu nafsiyan u nacayo mataankiisa ama u qaadanayo in aanu jacayl badan u haynin. Aqoonyahanno ku xeeldheer cilmi nafsiga qoyska iyo baadhista xidhiidhada shakhsiga ah oo ka tirsan isla jaamacaddan ayaa daraasad dheer ku sameeyey filimadii jacaylka ama majaajillada ahaa ee kaalmaha sare ka galay qiimaynta caalamiga ah ee filimada tobankii sano ee u dhexeysay sannadihii 1995-kii illaa 2005-ta, waxa aanay aad u dhuuxeen fahamka guud iyo macnaha daahsoon ee filimadani tebinayaan, sida ay sheegeenna waxa u soo baxday in filimadani gebi ahaanba yihiih kuwo ka fog runta iyo waaqa dhabta.

Dr. Byron Holms oo ka tirsan jaamacaddan daraasadda samaysay ayaa sheegay in badanaaba khubarada ku shaqo leh arrimaha guurku ay la kulmaan lammaanayaal badan oo mid waliba dhinkiisa uga cabanayo gaabis dhinaca xidhiidhka ama xiisaha kalgacalka ah oo uu ka tabanayo mataankiisa, xataa ay qaarkood gaadheen in ay ku doodaan in ay jeclaan lahaayeen in mataankiisu waxa uu doonayo iyo dareenkiisaba isaga oo aan hadlin uu fahmo. Markii ay khubaradu baadheen dadkan waxa ay ogaadeen in filimada ugu badan ee ay daawadaan yihiin kuwa jacaylka ama majaajillada ah. Holms waxa uu  sheegay in ay hayaan caddaymo sheegaya in warbaahinta noocyadeeda kala duwan oo ay filimadu ku jiraan door muhiim ah ka qaataan faafinta iyo fogaynta fikradahan isla markaana ay dhaqanka ah in qofku qawado heerka xidhiidh ee uu lammaanihiisa la leeyahay ku beeraan maskaxda qofka. Waxa aanu intaas ku daray, "In kasta oo badankeenu aynu aaminsannay in xidhiidh dhamaystiran oo ku dhisan kalgacal aanu sidiisa si buuxda u dhex marin lammaanaha, haddana marka aynu daawanno filimadan ama dhacdooyinka kale ee warbaahintu arrinkan ka faafiso waxa ay inagu yeelataa saamayn badan.