Da’ Yarta Reer Yurub Oo La Ogaaday In Ay Si Joogto Ah Oo Xawaare Ku Socta Uga Sii Fogaanayaan Diintooda

45
3164

Bariis (Geeska)- Cilmibaadhis u  sameeyey maxadka Kaatoligga ee xaruntiisu tahay magaalada Baariis ayaa lagu sheegay in diin ka roorku uu si xawli ah ugu sii badanayo dhalinyarada reer Yurub. Daraasad uu sameeyey maxadka ICP oo kaashanaya jaamacadda kaatoligga ee Santa Marie ee magaalada London ayaa iftiimisay in  dhalinyarada da’doodu u dhexeyso 16 illaa 29 ee ka soo jeeda 21 dal oo reer Yurub ahi ay u badan yihiin in ay diin-laawayaal yihiin. Dalalkaas waxaa ka mid ah dalka Faransiiska oo boqolkiiba 64 dhalinyaradaas ka mid ahi ay caddaysteen in aanay wax diin ah aaminsanayn, halka boqolkiiba 23 ay ka yihiin kuwo aaminsan diinta Kaatoligga, boqolkiiba tobanna (10%) ay diinta Islaamka haystaan. Dalka Ingiriiska ayaa isagana dhalinyarada aan diin haysani ay gaadhay boqolkiiba 70 halka kuwa aaminsan diinta masixiigu ay yihiin boqolkiiba 19 toban, muslimiintuna boqolkiiba 6 noqdeen. Marka lagu saleeyo dadka rayi-ururinta lagu sameeyey. Dalka Holland dhalinyarada boqolkiiba 72 ayaa diin aan ku abtirsan, masiixiyiintu waa boqolkiiba 16, muslimiintuna boqolkiiba siddeed.

Daraasaddu waxa ay iftiimisay in cibaadada diiniga ah ee dhalinyarada Yurub ay marayso in boqolkiiba 10 keliya ay sameeyaan toddobaadkii, marka laga reebo afar dal oo keliya oo kala ah Polland oo boqolkiiba 39 ah, Israa’iil oo boqolkiiba 26 ah, Bortuqiiska oo boqolkiiba 20 ah iyo Ireland oo boqolkiiba 15 ah.

Arrinta kale ee yaabka ku noqotay cilmibaadhayaasha ahaa ah in toddoba dal oo Yurubo ah, tiro ka badan kala badh dhalinyaradooda daraasaddani gaadhay,  aanay noloshoodaba samayn cibaado iyo hawl kale oo diin uun ku aroorta. Dalalkaas ayaa ah Jamhuuriyadda Jeek, Holaand, Boqortooyada Ingiriiska, Beljamka, Faransiiska iyo dalka Hungary.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here