Cuqdaddii Owdibas: “Oedipus Complex”: Marka Uu Wiilku Isu Arko In Uu Aabaha Ka Difaaco Hooyadii

31
3199

Hargeysa (Geeska)- ‘Cuqdaddii Owdibas’ waa faham cilminafsiga ku aroora oo uu curiyey caalmigii cilminafsiga ee Sigmund Freud, isaga oo ka soo dheegtay qisada Oedipus oo ka mid ah sheekabaraleyda giriiggii hore. ‘Aedipus complex’ waa dareen cuqdad nafsiya ah oo ku dhaca wiilasha yaryar. Waxa ay aad u jeclaadaan hooyadood oo uu gaadho illaa xad uu ka hinaaso aabihii, maadaama oo uu u arko aabuhu in uu hooyada qalbigeeda ku dhowyahay ama xidhiidh dhow laleeyahay, sidaa awgeedna uu naco aabaha. Cuqdadda Owdibas waa xaalad caafimaad darro oo nafsiya, waxa aanay faham ahaan la mid tahay, laakiin liddi ku tahay, cuqdadda Electra ee iyaduna ku dhacda hablaha, oo aynu qormadii tan ka horreysay ku soo qaadannay.

Cuqdaddii Oedipus waa erey bixin u taagan dareen, afkaar, iyo shucuur jinsi la xidhiida oo ku dheggen maskaxda ilmaha, taas oo abuurta in uu jacayl aad ah u qaado hooyadii. Sigmund Freud waxa uu aaminsanyahay in ilmaha oo marka uu da’da 3 illaa 6 jir ku jiro lagu arko in uu aad u jeclaado waalidkiisa ay kala jinsiga yihiin, isla markaana ka hinaaso xidhiidhka uu waalidkiisa ay isku jinsiga yihiin la leeyahay waalidkiisa kale ee ay kala jinsiga yihiin, ay tahay calaamad togan oo muujinaysa dhammaystirnaanta abuurka jinsiga ah ee ilmaha. Halka haddii ay taas liddigeedu dhacdo ay calaamad u noqon karto in ilmuhu aanu nafsi ahaan caafimaad qabin ama in marka uu weynaado uu yeelan karo dhaqanno aan abuur ahaan sax ahayn oo ay ka mid tahay in uu wax moodo dadka jinsigiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here