Cuqaasha Iyo Salaadiinta Xilalka Ka Qabta Somaliland Iyo Khatarta Isku Milanka Dhaqanka Iyo Siyaasadda

Published on Oct 18 2014 // Columnists, Warar

Hoggaanka Dhaqanka oo shaqo dowladeed qabtaa dhib iyo dheef iyama ayaa ay u leeyihiin qabiilkooda iyo qarankaba?..  Kamaal A. Ali  

Hargeysa (Geeska)- Somaliland waxa ay ka mid tahay tusaalayaasha ay tahay in dunidu ka barato dhismaha dowladeed ee qaran-jabka kadib, mar kasta oo laga hadlaayo dalalka sida xun u burburay ee ka soo kabanaya burburkaasna waxaa qasab noqonaysa in la xuso dib-u-dhiska siyaasadeed ee ay Somaliland ku tallaabsatay burburkii dowladdii askarta kadib, taas oo ay kaga fiican tahay dalal badan oo ay isku xaalad dhow yihiin, sida; Taymuurta Bari (East Timor), Kosovo,  Eriteriya, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Ciraaq iyo Soomaaliya oo colaado aan biri-magaydada la xurmaynayn ku jirtay in ka badan labaatan sano. Dalalkaas iyo kuwo kale oo ay isku duruufo siyaasadeed ahaayeen Somaliland ayaa ku fashilmay ama ay weli ku adag tahay in ay sidii la rabay uga soo kabtaan burburkii ka dhacay dhicista dowladdii dhexe, ama go’itaankoodii kadib.

Haddaba nabadayntaa iyo dib-u-dhiskaa siyaasiga ah ee Somaliland waxa sees u ahaa dadaallo dhaqameed iyo raasamaal dhaqan oo ah hantida keliya ee ka badbaaday cadaadiskii gumaystaha iyo ficilladii dowladdii keli-talisku wax badan oo kale ku tirtirtay. Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Somaliland oo ay ku jiraan odayaasha dhowra dhismahan dhaqan ee qarniyada lagu soo tanaadayey ayaanu Alle ugu irmaami tegey Somaliland oo ay kaga badbaadday guul darrooyinkaas qaar badan oo qayrkeeda ah fadhiidka ka dhigay.

Lama diidi karo in dagaallo sokeeye mar iyo marar door ahba ka qarxeen Somaliland iyo in gobollo iyo deegaanno Somaliland ah ay khilaafyo siyaasad ama dano dhaqaale iyo dhul ballaadhsi salka ku hayaa ka qarxeen, laakiin waxaa biyo kama dhibcaan ah in xasaradahaas, is-carinta beelaha ee dhaca, gardoofooyinka kala gaadha muwaadiniinta isku deegaanka ah ama abtirsiinta wadaaga iyo tan uguba muhiimsan oo ah colaadaha ka dhasha ama ku sigta in ay ka qarxaan damaca waalan ee siyaasiga iyo hadallada qallafsan ee uu ku tiraabo marka uu waayo manfac shakhsi ah oo cid kale calafsatay, dhammaantood sababta ay Somaliland kaga badbaadday Alle ka sokow fadligeeda ay iska leeyihiin hoggaan dhaqameedka beelaha kala duwan oo ku guntaday in ay si taxaddar leh, oo isu dheelli tiran u curiyaan hannaan nabadda lagu soo dabbaalayo,iyo dhisme qaran oo ka bilowday xeerar, axdi-qarameed iyo heshiisyo is-faham, laakiin midhihiisii ay noqdeen dhisme dowlad dastuuriya oo leh dhar-dhaarrada qaran dhisa iyo calaamadaha lagu asteeyo dowladnimada.

Ka soo bilow colaadihii beelaha kala duwan ku dhex maray deegaannada Somaliland oo dhammaantood si dhaqso ah loo dambiyey, khasaarihii ugu yaraana lagu joojiyey, ha dhaafin dhismihii ciidanka Qaranka oo ay kaalinta koowaad kaga jireen hoggaamiye dhaqameed qabiilooyinkii ay taladooda guddoominayeen ku qanciyey in hubka iyo maleeshiyada beelaha laga dhigo kuwo Qaran oo hoos taga dowladda, illaa laga soo gaadho murannada marar badan ka dhex qarxa siyaasiyiinta oo mararka qaarkood ay dhacdo in kuwo maan-gaab ahi ku dadaalaan in ay u yeelaan weji qabiil, laakiin hoggaamiye dhaqameed samo-doonka ahi u saxo balada ay hurinayaana biyo la miciinsado.

In la lafa-guro kaalinta uu hoggaamiye dhaqameedku ku leeyahay, nabadda iyo xallinta khilaafaadka siyaasadda iyo guud ahaaba dhismaha qaran ee Somaliland waa mawduuc u baahan daraasad ka badan qoraalkan iyo waraaqo ka waasacsan inta hadda suurtogalka inoo ah, waxase aynu ku soo koobi karnaa in hoggaanka dhaqanka ee guud ahaanba dadka Soomaalidu ay abidkoodba kaalin sharfan ku lahaayeen nidaamkii maamul ee ka soo bilowday baadiyaha iyo reer guuraaga iyo dowladnimada casriga ah ee hadda la doonayo. Haddaba is-weydiinta muhiimka ahi waxa ay tahay;

1. Waa maxay xilka Hoggaanka dhaqanku?

2. Haddiise ay qabteen xilal siyaasi ah, ama shaqo dowladeed oo ka baxsan kan ay u hayaan qabiilka, dhib iyo dheef iyama ayaa ka dhalan karta?

Waa labada su’aalood ee uu qoraalkeennu si kooban uga jawaabayo, si uu fursad u siiyo aqoonyahanka iyo cilmi-baadhayaasha laga yaabo in ay maskaxdoodu hadda ka demmantahay, bal in ay u soo jeestaan oo intaas ka badan sii lafa-guraan.

Xilka hoggaamiye dhaqameedka:

Marka dib loogu noqdo taariikhdii gumaysiga, dowladihii rayidka ahaa ee ka dambeeyey iyo dowladdii askarigii xukunka boobay, waxaa mar kasta jiray saluug dhinaca garsoorka ah iyo in nidaamka dowladnimo ee jiray aanu lahayn awooddii uu ku kala goyn lahaa khilaafaadka siyaabaha kala duwan uga dhex qarxaha beelaha, ama waxaaba dhici jirtay, maadaama oo dadku nolosha baadiyaha u badnaayeen, badankooduna reer guuraa ahaayeen in aanay dowladahaas jiray ugu tegin dhulkii ay deggenaayeen, sidaa awgeed, hoggaanka dhaqanku ay mar kasta ahaayeen booliiska, garsooraha, hanuuniyaha iyo marjaca ay beeluhu u cuskadaan arrimaha noloshooda, waajibaadkoodana waxaa ugu muhiimsanaa:

1. Waxa uu ahaa xarunta qabiilka ama jufadiisa, sidaa awgeed cid kasta oo dano ka soo galaan isaga ayaa ay ku soo hagaagi jireen, kana dalban jireen in uu u jid sameeyo, xataa dowladda ayaa soo maraysay.

2. Waxa uu ahaa afhayeenka ugu sarreeya ee qabiilka dantooda ka hadla, hoggaamiyaha lagu daba safto colaadda iyo nabaddaba iyo odayga u guddoonsha talada iyo go’aamada ay guurtida reerku isla qaadato.

3. Waxa uu ahaa masuulka ugu sarreeya ee xalinta khilaafka reerka dhexdiisa soo gala iyo kan u dhexeeya qabiilka iyo qabiilada kale.

4. Waxa uu masuul ka ahaa ururinta magta iyo xoolaha qoonta lagu kala qaato, ee ku soo hoyda qabiilkiisa, sidoo kale waxa uu masuul ka ahaa dabagalka magta iyo xaqa ku maqan qabiillada kale. Waxa uu masuul ka ahaa ururinta qaadhaanka la siinayo cidda baahan, waxa aanu lahaa go’aanka u xoolo-goynta cidda ka baahan tolka iyo soo ururinta xoolahaas.

5. Waxa uu ahaa garsooraha kala saara ciddii khilaaf soo dhex galo ee qabiilka dhexdiisa ah, isla markaana ciqaab mariya ciddii gardiid noqota.

Waxaa jirta dood odhanaysa in markii ay siyaasaddu baadiyihii gaadhay ama dadkii magaalooyinka ku soo xeroodeen ee ay hoos yimaaddeen dowladdii casriga ahayd, uu hoggaankii dhaqanka fuulay culays kii hore ka badan oo waayahan cusubi wateen, tusaale ahaan haddii hoggaanka dhaqanku ka arrimin jiray wixii dhaqan la xidhiidha oo ay ugu muhiimsan yihiin kuwa aynu kor ku xusnay, waxaa soo kordhay in Soomaalidii Siyaasadda gashay badankoodu ay noqdeen kuwo aan lahayn ruux qarannimo iyo himilo fog oo dowladnimo iyo sidoo kale waayo aragnimo la’aan badan iyo damac aan xakame lahayn, taas oo saqiirisay rajadii laga qabay in siyaasigu uu ku socdo shuruucda la qorto, damaciisana la akhriyo xeerarka dalka u yaalla, isla markaana khilaafka soo dhex gala isaga iyo dhiggiisa hunguriga siyaasiga ah leh ay xalkiisa u maraan garsoor ku salaysan dastuurka iyo qanuunka.

Waxaa qasab noqday in hoggaankii dhaqanka hawshiisii sii ballaadhato oo inta uu ku soo fido magaalooyinkii khilaafkii uu xallinayey uu noqdo mid casri ah oo lagu kala saarayo laba siyaasi oo damac shakhsiya oo ay lahaayeen u xidhaya shaadh qabiil ama dhagar ka dhex dhalatay nin mansab waayey oo tollaay yidhi iyo kii boobay oo reerkooda dabada geliyey iyo boqollaal xasaradood oo siyaasi iyo siyaasad dabada ku haya. Intaas kuma koobna ee hoggaankii dhaqanku waxa uu noqday gacanta midig ee booliis waajibaadkiisa ka soo bixi waaya ka caawiya soo qabashada dhagar qabaha, iyo in ay kala guraan dadkii uu isku murgiyey garsoorkii kala saari lahaa, waxa ay damiyeen colaado siyaasadeed waxa aanay xalliyeen dhibaatooyin ka dhashay nolosha casriga ah oo ay ka mid tahay tuugo casriya, dhac, muran tiknoolajiyad ku salaysan, kufsi noocyo badan, af-duub siyaasad dabada ku haya iyo boqollaal eedood oo aan xeerkii hore ku jirin. Fursadda ay ka heleen siyaasiga waajibkiisii gabayna waxa ay hoggaamiye-dhaqameedkii sii gaadhsiisay in ay marar badan iyagu soo xulaan xildhibaannadii, wasiirradii iyo garsoorayaasha iyo in ay aqoonyahankii shaqo la raadiyaan.

In kasta oo uu hoggaanka dhaqanku sidaa sibiqda ah ugu soo guuray noloshii casriga ahayd si uu u buuxiyo kaalinta ay banneeyeen hoggaankii siyaasiga ahaa oo badankooda lagu hungoobay iyo aqoonyahankii du’dada gurigiisa dhaafi waayey, haddana inta badan hoggaanka dhaqanku si uun ayaa uu uga madaxbannaanaa, ugana fogaa siyaasadda in uu toos uga shaqeeyo, waana ay adkayd in ruux jufadiisa ama qabiilkiisa xil u hayaa uu hungureeyo mansab siyaasadeed, shaqo dowladeed iyo xataa shaqo cid gaar ahi leedahay sababtana waxa aynu ku soo koobi karnaa laba:

1. Maadaama oo hawlaha u yaalla hoggaamiye dhaqameedku ay aad u badnaayeen waxaa dhaqan ahayd in laga dabbaro nolosha qoysa iyo nolol maalmeedkiisa, taas oo fursad u siinaysa in uu u gacan baxo danaha qabiilka uu hoggaaminayo, tusaale ahaan nolosha miyiga marka la joogo hoggaamiye dhaqameedka waxaa loo samayn jiray xoolo u gaar ah oo reerku noloshooda ku dabbaaraan, si uu ugu gacan bannaanaado hawlihiisa dhaqan, dadka soo martiyaya ee tirada badanna u deeqsinimo uga sooryeeyo, oo aanu noqon ruux sida dadka caadiga ah u kifaaxa raadinta quutal-yoomka.

Waa ay badan yihiin tusaalayaasha aynu u soo qaadan karno sida qabiilka ama reerku aanay hoggaamiye dhaqameedkooda uga filayn in uu noqdo maal-qabeen ama qof adduun raadsi ku jira, waxase ugu xiiso badan oo aynu xusi karnaa Afarray duco ah oo qabiilka Ciisuhu ay Alle ku baryaan xilliga ay ku gudo jiraan soo xulista Ugaaska guud; ducadan oo inta badan ay ku celceliyaan waqtiyada Maqribka iyo subaxa ayaa muujinaya in astaamaha hoggaamiye dhaqameedka laga eegayaa aanay ahayn hanti iyo maal, balse uu doonayo xaakim cadaali ah oo aan eex ku dhiqin, waxaana ereyada ducada ka mid ah:

“Ilaahoow geel-badane kuma weydiisan .. Adhi-badane kuma weydiisan .. Lo’ badane kuma weydiisan .. Mid baane badan kuma weydiisan .. Mid gaashaan-dhigga yaqaan kuma weydiisan .. Mid walaalo badan kuma weydiisan .. Ilaahoow waxaan ku weyddiisannay: Mid eex iyo inkaarba ka fayow .. Mid hibo leh oo habeen dhashay .. Mid aad adigu noo boqortay .. Ilaahoow noo biniixi. Aamiin!” (Tixraac: http://ogaasissa.com/)

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiinayso bal in ay jiraan hebello la og yahay oo madax dhaqameed iyaga oo ah haddana haya shaqo dowladeed ama mansabyo siyaasi ah. Haddaba, inta aynaan ka jawaabin su’aasha labaad ee la xidhiidha dhibta ka dhalan karta in hoggaamiye dhaqameedka loo dhiibo xilal siyaasi ah, garsoorka iyo guud ahaanba shaqada adeegga dadweynaha, aynu dhowr ka xusno magacyada qaar ka mid ah hoggaamiye dhaqameedka xilalka dowladdnimo qabtay muddooyinkan u dambeeyey oo aad mooddo in ay sidii hore kaga sii badanayaan:

Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal): Bilowgii dhismaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyaba, dadkii xog-ogaalka ahaa waxaa dareen ku beeray markii ay maqleen in Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada booliiska Somaliland. Waa dhab in uu Suldaanku uu yahay kornayl ruug-caddaa ah, isla markaana waayo aragnimo u leh xilkan taliyaha bilayska Somaliland oo uu hore u soo qabtay, laakiin intii ka dambaysay markii hore ee xilkan laga wareejiyey waxa uu Kornaylku Suldaan u noqday qabiilkiisa, taas oo macnaheedu yahay in uu u digo rogtay hoggaamiye dhaqameed, maadaama oo ay sidaas tahayna markaa wixii ka dambeeyey waxa laga filan karayey uu ahaa in uu isu xil saaro horumarinta iyo hoggaaminta qabiilkiisa oo dabcan dowladnimadeenna muhiim u ah iyo in Qaranku uu ka dhiso dhinaca dhaqanka.

Haddii uu Suldaan Cilmi Kabaal inta la og yahay ahaa hoggaamiye dhaqameedka xilka ugu sarreeya ka qabtay dowladda, keli kuma’ uu ahayn liiskan, oo waxaa jiray hoggaamiyeyaal kale oo iyagana xilkan dhaqan hayey markii la magacaabay ama iyaga oo xilka haya ay cumaadaddu ku soo wareegtay, labadii shaqo ee cuslaana weli duudkooda saaran yihiin, waxa aynu ka magacaabi karnaa:

Jiif Caaqil Maxammed Cali Daallin: Jiifku waa agaasimaha Waaxda Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland isla markaana ah jiif Caaqilka reerka uu ka dhashay.

– Guddoomiye ama Caaqil Rashiid Axmed Maxamed: Badhasaab ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex ayaa isna soo galaya liiska hoggaamiye dhaqameedka haya xilalka kale ee dowladda. Guddoomiye ama Caaqil Rashiid Axmed Maxamed, waxa uu noqonayaa masuulka saddexaad ee xil dowladeed oo sare haya isla markaana ah caaqilka jufadiisa.

– Caaqil Xasan Daahir Xaddi Abraar: Caaqilkan oo loo garan-ogyahay Xasan Ciid ayaa uu madaxweyne Siilaanyo bilowgii xukuumaddiisa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Awdal. Iyada oo uu guddoomiye ama Caaqil Xasan Ciid xilkan iska casilay bishii September 2011kii, kadib markii uu u guuray dalka Canada.

Suldaan Muuse Jaamac Deelaaf: Waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka gobolka Sanaag, sidoo kalana waa Gaashaanle ka tirsan Milateriga Somaliland, oo mar haystay ciidamada gobolka Sanaag.

– Boqor Maxamed Boqor Axmed dheere: Boqorku waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka sare ee Somaliland, sidoo kale waa sarkaal sare oo booliis, oo weliba haya xilka ah; Taliyaha saadka ee booliiska qaybta gobolka Sanaag.

– Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac: Waxaa muuqata in cudurka mansab siinta hoggaamiye dhaqameedka Somaliland uu hadda kadib sii faafayo oo inta uu ka gudbo xilalka xukuumaddu siinayso, ay xisbiyaduna bilaabayaan markooda. Sida caadiga ah xisbigu waa xubin ka tirsan hayadaha dowladda ee dastuuriga ah, waxa aanu leeyahay qaab-dhismeed u eeg xukuumadda, oo leh gole xoghayeyaal ah oo la meeqaam ah wasiirrada. Haddaba xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac u magacaabay xoghayaha hiddaha iyo dhaqanka ee xisbiga oo dabcan u dhigma ama laga soo dheegtay darajada wasiir ee golaha xukuumadda.

Liiska madax dhaqameedka xilalka sare iyo mansabyada qaranka hayaa intaas waa ay ka badan yihiin, sidoo kale waxa aynu ka gaabsannay madax dhaqameed tiro badan oo haya shaqo dowladeed hoose ama saraakiil dhexe ka ah hay’adaha qaranka, sida wasaaradaha, gegooyinka diyaaradaha, bangiyada iyo xarumo kale oo badan.

Dhib iyo dheef iyama?

Waxaa muran la’aan ah in hoggaamiye dhaqameedku uu bulshada dhexdeeda ka yahay masuul sare, oo xikmad iyo talo laga dayo, laguna og yahay in dantiisa gaarka ah oo xataa qoyskiisu ka mid yahay uu u dayaco wanaajinta iyo horumarinta danta guud ee qabiilkiisa Suldaanka ka dhigtay ama jufada uu caaqilka u yahay, waxa uu ruux habeen iyo dharaar u taagan in uu arrimaha dhaqanka ka shaqeeyo, waxaana ceeb ku ahayd in la arko isaga oo tiisii eryanaya. Sidoo kale hoggaamiye dhaqameedku waxa uu lahaa xurmo u gaar ah oo uu ku mutaystay karaamada qabiilkiisu huwiyey, sidaa awgeed waa laga haybadaystaa, la ixtiraamaa, ereygiisa la dhegeystaa, garsoorkiisana lagu qancaa, taladiisa iyo go’aankiisana lagu go’aa, xataa goobta uu joogo cid kale in ay ka ducayso lama jecla oo isaga ayaa lagu maamuusaa, loona arkaa duco-yeel yahay. Waa run in hoggaamiye dhaqameedka xilka qaran loo magacaabay uu leeyahay aqoontii iyo waayo-aragnimadii uu xilka ku qabanayey, balse waxaa madowga ku jiraa waa sida uu isu waafajin karo labada hawlood oo labaduba qaranka dantiisa ah. Haddaba arrimahaasi ma jiri karaan marka uu hoggaamiye dhaqameedku ku dhex milmo siyaasadda, ama uu raadsado shaqo noloshiisa uu ka dabbaro, isla markaana laga yaabo in uu maamulo ruux aan karaamadiisa garanayn ama shaqadu ku kallifayso in uu gacan bira kula dhaqmo.

Arrimaha kale ee aynu ka xusi karno sababta xil qaran iyo shaqo dowladeed oo uu hoggaamiye dhaqameed qabtaa ay dhib ugu tahay reerkiisa xurmeeyey iyo qarankaba waxaa ka mid ah:

– Dastuurka Qaranka iyo xeerarka ay ku dhisan yihiin hayadaha dowladda oo xisbiyadu ka mid yihiin waxa ay ka digayaan in qaab qabiil wax lagu dhiso ama danta qaranka lagu dhex daro, maadaama oo hoggaamiye dhaqameedka shaqadiisuba tahay qabiilna waxaa hubaal ah in aanu kala ilaalin karin danta qaranka iyo tan qabiilkiisa ama ay marar badan dhacayso in danta labada dhinac is jiidho, waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Conflict of interest).

– Waxa uu waayayaa xurmadiisii, waxaana ay taasi dhaawac geyeysiinaysaa sharafta ciddii hal-doorka uu u ahaa.

– Hoggaamiye dhaqameed iskii u shqo tegey waxa uu dayacay dantii qabiilkiisu u dirtay, ama waxa ay noqonaysaa inuu dayacay dantii qaranka oo uu reerkiisa ama naftiisa uun mansabkan ugu adeego, labadaba kii ay noqotaba waa khasaare, oo ama qabiilkii ayaa ku wax la’ ama qarankaa ku jabay.

– Hoggaamiye qabiil oo loo diray amniga qaranku, waxa uu baal marsan yahay u jeedadii xilka ee ahayd in uu amniga u daacad noqdo, waxaa dhici in sharciga dowladnimo ka hor yimaaddo danta hoose ee qarankiisa, markaasuu garan waayi mid uu raaco, ama dhib ka dhex jirta beeshiisa iyo mid ay xurgufi dhex taallo ayaa uu ku dhex hafan. Tusaale ahaan guddoomiye ama Gud. Ku-xigeenka gobol waa masuulka ugu sarreeya dowladda ee gobolkaas dhinac kastaba, waxa uu kaalin weyn ku leeyahay amniga iyo wax-ka-qabashada arrimaha gobolka. haddana waxaa jirta in uu qaranka u hayo hawl khusaysa jifadiisa oo qaranka iyo qabiilkaba dan u ah, labada shaqo tii uu ka mashquulaana ay hagar daamo iyo halis keenayso. Waxaa taas dheer in guddoomiyaha iyo ku xigeenka gobolku ay qaranka ugu xil saaran yihiin diiwaangelinta iyo la shaqaynta hoggaanka dhaqanka, markaa in uu isagu dhaqankii ka mid noqdaa waxa ay keeni kartaa dano-is-buriya iyo wada-shaqaynta oo khalkhal gasha. Waxaa la mid ah xilalka sare ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga, iyo sidoo kale booliiska iyo ciidamada qaranka.

Ruuxa masnabkan siyaasiga ah ee sare qabanayaa waa in uu noqdo qof dhex u noqon kara beelaha kala duwan ee dega hadba gobolka loo dhiibayo, in beelaha mid ka mid ah caaqilkooda xilkaas loo magacaabaana waxa ay abuuri kartaa xurguf siyaasi ah, ama in beesha kale u aragto in caaqillada la-is-dhaafiyey iyo cabsi laga qabi karo in xilka qaranka looga faa’idaysto dano qabiil oo hoose. Su’aashu waxa ay tahay suurtogal ma tahay in laba beelood oo khilaaf dhex maray, haddii la dhex dhigo ciidan uu wato caaqilka mid ka mid ah labada beelood ama haddii uu masuul gobol ama wasaarad ay arrintani khusaysa ka socda oo labadooda mid caaqil u ahi dhex galo, in ay yeeli karto, mise waxa ay u arkaysaa in ciidankii iyo awooddii dowladnimo ay beesha kale u soo adeegsatay, mar haddii caaqilkoodii meesha marayo??.

– Suldaanka shaqada loo diray waa reerkiisa oo uu cid kasta ka jecel yahay, dantooda ayaanu ilaalinayaa, sidaa awgeed laguma aamini karo in uu qaranka si cadaalad ah ugu qabto danaha loo diray, ugu yaraanna waa ay ku adkaanaysaa in uu u adkaysto cadaadiska kaga imanaya qabiilkiisa oo dabcan mar kasta iyagu sida qabiillada kalaba sad-bursi iyo korodhsiimo doonaya iyo danaha qaranku ka rabo ee cadaaladda iyo eex la’aanta ku dhisan. Waxa aanay u dhow ahay in uu mar kasta danta reerkiisa u iisho.

– Caaqilkii oo buuxiya shaqadii dowladda iyo xilalkii qaranku waa laba xil oo qaran oo uu isku darsaday, taasina waxa ay shaqo tiraysaa aqoonyahan iyo ruux kale oo xilkaa ama shaqadaa qaban kari lahaa, oo weliba ay suurtogal tahay in uu reerkiisa noqon lahaa oo uu isagu la raadin lahaa.

Marka aynu soo ururino waxaa hubaal ah in xil dhaqameedku uu muhiim u yahay tiirka ugu muhiimsan dowladnimada oo ammaanka ah, isla markaana uu yahay halka ay qarannimada Somaliland ka soo unkanto, sidaa awgeed in ruuxii hawshaa culus ee qaran lagu ogaa, halkii isaga halkiisa lagu xoojin lahaa, laguna ogaan lahaa loo dirto hawl labaad oo qaran, ama shaqo dowladeed la siiyaa waxa ay duminaysaa dantii ka weynayd ee uu u hayey qaranka, waana sababta uu maqaalkani ugu doodayo in dib loogu noqdo ka fikirista xilalka siyaasiga ah ee loo dhiibayo hoggaanka dhaqanka. Dhammaad

Kamala Axmed Cali

Kamaal02@yahoo.com

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!