Cuqaal Eeddo U Jeedisay Shirkadda Al-Xarbi Iyo Shirkadda Oo Iska Difaacday

0
663

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah cuqaasha gobalka Maroodi-jeex ayaa xukuumada ugu baaqay inay wax ka qabto shirkadda Al-Xarbi oo ay ku eedeeyeen inay goosanayso wadooyin dhinacyad ka mari jiray dhulkii boosta iyo isgaadhsiinta ee xukuumadu ay ka iibisay. Laakiin shirkadda Al-Xarbi ayaa iska difaacday eeddaas.

Ugu horayntii Caaqil Siciid Cabdi Jaamac Hadhiye oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi "Wadadan la jaraayo waxay jirtay mudo hal qarni ah qofka muwaadinka ah wax waa la siin karaa laakiin hadii uu wax ka saa'id ah ku darsado umadda ayaa la yaabaysa meesha gaandi la odhan jray iyo halkii qaadiga  in la siiyay Ina Faarax Xarbi, markaas inuu wadadii loo mari jiray xaafadaha oo aan wado kaleba lahayn in sadexdiiba loo gooyay, mid hawd ayay u socotaa oo dhanka koonfureed ayay ka martaa saldhiga iyo laba koonfur iyo waqooyi u kala socda inay labadaasina go'an yihiin, markaas arin cakiran ayaa ka taagan shacbigiina waxa uu leeyahay xagaanu maraynaa hadaanu nahay fooqaqa ka danbeeya saldhiga, ina xarbi waxa uu yidhi samadaas mara."

Caaqilka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexaan waxaanu leenahay waxa aad madaxweynaha ka soo saxeexaysaan waa la hubsadaa hadii waxa laysku dilaayo oo uu dil ka imanaayo adigay kugu soo noqonaysaa, madaxweynaana waxaanu leenahay Ina Xarbi wadada laamiga ah ee ku hormarta u goo, dadku ha ku arkee."

Sida oo kale Caqil Cabdisalaan Cilmi ayaa isaguna dhankiisa yidhi"Maanta waxa muuqata in dawladini a goosatay wadooyinkii waxaanuna leenahay ka daaya, hadii shacab goynayana waxaanu leenahay dawladeey ka qabta, hadii cidi goosanaysana anagaa xaq u leh oo dadkii lahaa ah oo ilaa qarnigaas deganayan, anaga oo ah cuqaashii gobalkan Maroodi-jeex waxaanu leenahay meeshaasi waa wadooyin yaanay dawladu go'aynin."

Ganacsade Axmed Xarbi ayaa isaguna dhankiisa arintaas iska fogeeyay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "ma jirto shirkada Al-xarbi wado ay xidhayso ama ay dhisanaysaa dadkii la gaadhsiiyay warka noocaas ah waxaan leeyahay warkaas wax alle iyo wax ka jiraa ma jiraan, waxaan aad iyo aad uga xumahay dad badan oo aad moodo inay imika camal ka dhigteen inay sharka,beenta, xasadka iyo xumaanta ay had iyo jeer dadka marmariyaan, Alle ayaynu taas ka hoosgalnay, waxaanu leenahay shirkada Al-xarbi ma jirto wado ay dhisanayso iyo mid ay xidhanayso, cidii sidaas tidhina iyagaa cadayn doona, Somaliland haayado ayay u leedahay arimahan oo dawlad hoose ayaa joogta wasaarada hawlaha guud ayaa joogta  iyaga ayaa qorshaha dalka u sameeya ha horgeeyaan waxii la xidhiidha sharci daro ama dhul aanu boobayno ama waddo aanu xidhayno"