Cuntooyinka Ugu Fiican Ee Yareeya Amateedka (Cirweynida)

0
1445

1Hargeysa (Geeska)- Haddii aynu hore u naqaannay in amateedka cuntada iyo gaajadu ay isku mid tahay, waxaa beeniyey cilmiga sayniska oo daahfurtay in ay kala laba yihiin, tusaale ahaan in amateedku waa doonis uu qofku hamuum iyo xiise u qabo cunto, laakiin gaajadu waa baahi uu qofku dareemo in uu cunto doonayo. Amateedka oo kordhaa waxa uu caadi ahaan keenaa in qofku cunto badan oo aanu u baahnan cuno, kaas oo aakhirka burburiya nidaamka cunto qaadasho ee dabiciga ah, xaalado caafimaad darro iyo miisaanka oo si aan fiicnayn u kordha. Waxa ay dhakhaatiirtu isku raacsan yihiin in mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee miisaanka lagu dhimmi karaa ay tahay in u uqofku xakameeyo doonistiisa cuntada.

Degelka Internet ka ee Bold Sky oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa dhowaan soo bandhigay noocyo cuntada ka mid ah oo awood u leh in ay xakame u noqdaan cirweynida, qofkana dareensiiyaan dhereg, sidoo kale waxa ay cuntooyinkani leeyihiin faa’idooyin cunto iyo nafaqooyin jidhku u baahan yahay. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah noocyadaas cunto ee xakamayn kara amateedka. Waxa aanay kala yihiin:

1. Tufaaxa: Tufaaxu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ganka hodanka ku ah, sidaa awgeed si dhaqso ah ayaa uu caloosha u buuxiyaa una abuuraa shucuur dhereg oo muddo dheer socota. Xabbad tufaax ah oo keliya ayaa awoodi karta in ay ka takhalusto shucuurta gaajo ee uu qofku dareemayo.

Tufaaxu waxa uu si yaab leh u kordhiyaa awoodda uu jidhku u leeyahay in uu gubo dufan badan isla markaana helo tamarta uu uga baahan hawl maalmeedkiisa.

2. Boorashka: Waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican ee qofka ku abuura dheregga waqtiga dheer ah. hal mar oo aad boorash cabtaa waxa ay kor u qaaddaa xaddiga hormoonka Cholecystokinin ee jidhku soo deynayo, taas oo keenta in marka uu jidhka ku bato uu xakameeyo ama si aad ah u dhimo amateedka qofka iyo doonistiisa cuntada.

3. Afakadho: In kasta oo khudradda Afakadho aanu ka bixin illaa hadda dalkeenna, haddana waxa uu muddooyinkan dambe ka mid yahay khudradaha sida aadka ah loo helo. Haddaba sida ay khubaradu caddeeyeen Afakadhuhu waxa uu leeyahay gan caloosha u fiican, waxa kale oo laga helaa asiidh duxeed saamayn degdeg ah oo weyn ku leh xakamaynta amateedka qofka. Sidoo kale faa’idooyin caafimaad oo aad u badan ayaa uu Afakadhuhu u leeyahay jidhka.

4. Khudradda cagaaran: Khudradda cagaaran oo ay ka mid yihiin salladhadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ugu fiican ee sida muuqata hoos ugu dhiga amateedka iyo cirweynida, sidoo kalana waxa ay khudraddani si dhaqso ah u kaxaysaa gaajada oo aanu qofku dareemin in uu gaajoonayo.

5. Shaaha Cagaaran: Waxa uu ka mid yahay cabbitaannada ugu fiican ee caawiya dheefshiidka, isla markaana sida xoogga ah u dhima amateedka. Dad badan ayaa cabba shaaha cagaaran, iyaga oo doonaya in ay ka faa’idaystaan awoodda weyn ee uu u leeyahay dhimista miisaanka. Shaaha cagaaran waxa kale oo uu qofka ku abuuraa shucuur ah in uu dheregsan yahay, waqti badanna calooshiisu sii madhnaaan karta.

6. Beedka: Beedku waxa uu hodan ku yahay barootiinta, waxa aanu jidhka siiyaa xaddi aad u badan oo ah barootiinno. Beedku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka amateedka sida aadka ah u xakameeya, qofkana ku abuura dareen dhereg ah oo muddo dheer aanu cunto u baahan.

7. Lawska: Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfurtay in lawsku uu jidhka ku abuuro shucuur dhereg ah. xantoobo yar oo laws ah ayaa ay khubaradu sheegeen in ay si buuxda u kaxayn karto jaagada uu qofku yaqaanno.

8. Busbaas khaji: Busbaaska kululi waxa uu kaalin ka qaataa gubista dufanka ee jihdka, taas oo caawinaysa dadaalka uu qofku ku doonayo in uu miisaanku dhim.

Basbaasku waxa uu sidoo kale hodan ku yahay, isku-dhisyo kale oo dabiici ah oo si aad ah oo yaab leh hoos ugu dhiga miisaanka, sidoo kale lawsku waxa uu hodan ku yahay dhimista amateedka.