Cuntooyinka Aanay Fiicnayn In Tallaagadda Lagu Kaydsado Iyo Sababta Loogu Diiday (Q.2aad)Cuntooyinka Aanay Fiicnayn In Tallaagadda Lagu Kaydsado Iyo Sababta Loogu Diiday (Q.2aad)

0
558

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee Qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay warbaahinta Russia today, ee soo bandhigaysay qaar ka mid ah cuntooyinka ay tahay in aan tallaagadda lagu kaydsan:

10. Xabxabka: Caadi ahaan xabxabku inta uu isku daboolan yahay ee aan la’ kala jeexin uma baahna in tallaagad lagu xafido, in lagu hayo meel heer-kulka qolka caadiga ah leh ayaa ku filan in ay u ilaalso maaddooyinka dabiiciga ah ee ku gudo jira.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaana xaqiijiyey n xabxabka oo lagu kaydiyo tallaagaddu uu ku keeno in uu lumiyo qaar ka mid ah maaddooyinka ku jira ee faa’idada caafimaad u leh jidhka, maaddooyinka xabxabka ee ay tallaagaddu disho waxaa ka mid ah Beta-Caroline oo ah maaddada keenta midabkiisa casaanka ah iyo quruxda ay leedahay inta la cunayaa, marka uu qofku cuno ee jidhka ay gashana isu beddesha Faytamiin jidhka aad ugu fiican.

11. Saliid Saytuunta: Saliid Saytuuntu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka aanay u fiicnayn in tallaagadda lagu kaydiyo, waxa aanay ka dhigtaa adayg aan fiicnayn.

12. Khudradda lafta adag leh: Midhaha lafta adag leh ee uu ka mid yahay cambe Lafka/Maangaha ayaa iyagana haddii tallaagadda lagu kaydiyo waxaa joogsada dhamaysiranka bisaylkiisa oo sida caadiga ah iska socda xitaa isaga oo geedka ka soo go’ay, waxa aanay tallaagaddu dishaa curiyeyaasha iyo maaddooyinka cunto ee ku jira ee muhiimka u ah caafimaadka.