Cuntooyin Sababi Kara Noocyo Kansarka Ka Mid Ah

0
1087

Hargeysa (Geeska)- Cudurrada dunida maanta ugu khatarta badan waxaa ka mid ah Kansarka oo noocyo kala duwan leh. Sababaha ugu badan ee keenana waxa ay dhakhaatiirtu ku sheegeen nidaamka cunto oo aad uga qaldama dadka. Cilmibaadhiso kala duwan oo arrintan lagu sameeyey ayaa daahfuray in ay jiraan maaddooyin kansar oo cuntooyin badan oo aad loo isticmaalo ku qarsoon, sabab toos ahna u noqda in qofka uu ku dhaco cudurkan aan dawada lahayn oo khatar nololeed ku malaayiin dad ah oo dunida ku nool.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay qaar ka mid ah cuntooyinka keeni kara kansarka ee ay tahay in laga dheeraado.

  1. Tamaandhada qasacadaysan: In kasta oo ay tamaandhadu ka mid tahay cuntooyinka kansarka la dagaalama, maadaama oo uu ku jiro xaddi aad u badan oo ah maaddooyinka mariidka la dagaalama. Haddana cilmibaadhisaha dheeraadka ah ee lagu sameeyey tamaandhada qasacadaysan ayaa muujinaya in ay caddahay in ay sabab u noqon karto noocyo ka mid ah kansarka, sababtuna ay tahay maadadda Kiimikaad ee Bisphenol A oo ay warshaduhu u adeegsadaan ilaalinta cuntooyinka qasacadaysan si aanay u xumaan. Maadadda Bisphenol A waxa ay kor u qaaddaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarka noocyadiisak u dhaca naaska iyo qanjidhka ragannimada ee ragga.

Waxa kale oo ay maadaddani keentaa ma dhalaysnimo, qaangaadh waqtigiisa ka soo horumara iyo khalkhal ku dhaca dheefsashada cuntada, iyada sida oo kale cudurka macaanka noociisa labaad.

  1. Dufanka Haydaroojiinka ku samaysan (Hydrogen): Saliidaha ama dufanka Haydaroojiinka laga dhigay waa dufan ay warshaduhu ku daraan cuntooyinka qasacadaysan oo ka ilaaliya in ay xumaadaan ama isbeddel ku dhaco cuntada, laakiin saliiddaas ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay raad taban ku yeelato xuubka unugyada, taas oo sababta in ay u nuglaadaan kansarka.
  2. Qaar ka mid ah cuntooyinka caanaha laga soo dheegto: Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay caddeeyeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo cunitaanka badan ee Kalshiyaamta iyo kansarka noociisa ku dhaca qanjidhka ragga. Waxa kale oo ay caddeeyeen in cuntooyinka laga sameeyo caanaha ee ay ku badan tahay Kalshiyaamtu ay suurtogal tahay in ay hoos u dhigto iskudhiska Dihydroxyvitamin D3 uu masuul ka yahay in raggu ay iska caabbiyaan ama ka hortagaan unugyada Kansarka.
  3. Hilibka sancaysan: hilibka qasacadaysan ayaa sida cuntooyinka kalaba waxaa lagu daraa maaddooyinka ilaaliya cuntada, waxa aana ugu horreeya maadadda nitrate sodium oo lagu tiriyo maaddooyinka ugu khatarsan ee Kansarka keena. Maadaddan loogama maarmo samayntada cuntadan maadaama oo ay hilibka ka dhigayso mid sida darayga ah isla markaana leh dhadhan qofka xiise gelinaya.
  4. Cabbitaannada alkoosha leh: Cabbitaanka khamriga iyo guud ahaan cabbitaannada Alkohosha leh ayaa lagu tiriyaa sababaha ugu waaweyn ee keena kansarka noocyadiisa ku dhaca afka, dhuunta, beerka, midhicirada iyo malawadka, waxa kale oo dumarka ku keentaa kansarka naaska ku dhaca.
  5. Cuntooyinka ay ku badan yihiin asiidhada dufaneed ee miigsan (Cokan)

cilmibaadhiso dhowaan la sameeyey ayaa daahfuray in dumarka cuna xaddi badan oo dufanka miiggan / cokan ah ay boqolkiiba 30 khatar u yihiin in uu ku dhaco cudurka kansarka noociisa naaska ku dhaca, gaar ahaan marka ay gabadhu caado deyska tahay. Dufanka noocan ahi waa ka inta badan ku jira subaga ama caano fadhiga roodhida la marsado, hilibka dufanka badan leh iyo macmacaanka subaggu ku badan yahay.