Cunto Kariye .. Siyaasad Gorfeeye

0
1121

Nin Saanwijka iibiya oo iska  dhigi jiray Khabiir siyaasadeed

Qaahira (Geeska)- Xaatim Aljamasi oo ah 48 jir u dhashay dalka Masar waxa uu tan iyo sannadkii 1999-kii deggenaa dalka Maraykanka, oo uu ku leeyahay meherad uu ku sameeyo saanwiijka, laakiin waxa uu ku soo caan baxay shaqo aad uga duwan tan runta ah ee uu ku shaqaysto.

Wargeyska New York Times ayaa horraantii toddobaadkii ina dhaafay qoray warbixin dheer oo iftiimisay in Xaatim Jamasi uu talefishannada wararka ee dalka Masar oo ay xitaa kuwa dawladdu ku jiraan iyo talefishanno carbeed oo kalaba u sheegto siyaasad gorfeeye ku xeeldheer arrimaha Maraykanka iyo Bariga dhexe, si joogto ahna ay ugu marti qaadaan barnaaamijyadooda wareed, iyaga oo ku sheegaya aqoontan iyo waayo-aragnimada uu sheegay, kana waraysanaya arrimo aad u muhiim ah.

Warbixinta New York Times ayaa sababtay in talefishannada dalka Masar iyo guud ahaan warbaahinta dalkaas ay fadeexad weyn u soo hoyato laguna dhaliilo in aanay xitaa awood u lahayn in ay iska hubiyana xaqiiqada qofka ay muhiimad sidaa u weyn siinayaan.

Arrimaha xiisaha leh ee uu ninkan ka qoray wargeyska New York Times oo dabagal ku sameeyey ayaa waxaa ka mid ahaa, in cunto-kariyahan reer Masar ee caanka ku ahaa soo jeedinta gorfeynta iyo lafagurka arrimaha siyaasadeed ee Maraykanka iyo Bariga Dhexe iyo guud dahaan dunida muslimka, uu waraysiyada tooska ah ku galo suuli / Xamaam ku yaalla meheraddiisa oo marka saacadda ballanta barnaamijka la gaadho uu gidaaradda ku dhejiyo waraaqo waaweyn oo khariiradda caalamka ah si aan loo arag gidaarrada. “Marka barnaamijka waraysiga tooska ahi ka dhammaado waxa uu durbadaba dib ugu noqon jiray kijadiisa uu weelka ku dhiqi jiray, kadibna u bixi jiray macaamiishiisa cuntada ka cunaysa meheraddiisan aadka u yar, si uu u soo weydiiyo wixii hadba ka dhiman ee ay u baahan yihiin sida Kajabta ama in ay wax dheeraad ah oo kale dalbanayaan” ayaa uu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Dr. Safwat Caalim oo  bare-sare oo cilmiga warbaahinta ka dhiga jaamacadda Qaahira oo ka mid ah dadka warbaahinta Masar aad ugu dhaliilay arrintan, horena ay isu yaqaanneen Xaatim ayaa mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi, “Markii ugu horreysay ee aan muraayadda talefishanka ka arko, shaki ayaa iga galay in uu ninkani Xaatim yahay, laakiin arrinta aanu shakigu igaga jirin waxa ay ahayd in aanu ninkani ahayn waxa uu sheeganayo” waxa aanu xusay in uu ka gartay qaabka hadalkiisa, sida uu mawduucyada uga hadlayo iyo xitaa qaabka labbiskiisa.

Jawaabta siyaasad gorfeeyaha cunto kariyaha ah:

Xaatim Aljamasi markii arrintan wax laga weydiiyey ma’ uu dafirin in uu meheraddan leeyahay iyo in uu isagu cunto-kariye yahay, xitaa waxa uu warbaahinta tusay xamaamka uu waraysiyada tooska ah ku geli jiray, waxa se uu ku gartamay in uu yahay aqoonyahan waxbartay, oo xitaa mar Masar ka ahaa macallin Afingiriisiga dhiga, waxa uu sheegay in markii dambe ee uu Maraykanka tegey 1999 uu dib u galay jaamacadda San George oo uu ka qaatay shahaado.

Xaatim Aljamasi oo difaacaya qoontiisa siyaasadda sheegayana in gorfeyntiisa siyaasadeed tahay mid cilmi ku fadhida ayaa hadal uu bartiisa Facebook ku qoray waxa uu ku faanay, “Waxa aan ahay dadkii aadka u tirada yaraa si cilmi ah u sii saadaaliyey in Donald Trump uu ku guulaysan doono madaxnimada dalka Maraykanka”

Si kastaba ha ahaato ee waxaa si kulul arrinta Xaatim Aljamasi u dhaliilay khubarada cilmiga siyaasadda iyo warbaahinta oo sheegay in qof kasta oo af shisheeye barta ama wax akhriyi karaa aanu gorfayn karin siyaasadda gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee uu ninkani ka hadli jiray oo kale, waxa aanay warbaahinta kula taliyeen in ay hubiyaan xaqiiqada shakhsiyadda ay waraysanayaan, aqoontiisa, waayoaragnimadiisa iyo in waxan uu ka hadlayo uu aqoon u yeelan karo ama lagu ogyahay in uu bartay ama daraaseeyey.

Tan oo kale ayaa hore BBC ugu dhacday

Idaacadda BBC laanteeda Afingiriisiga ayaa iyaduna mar sii horreysay faafisay qaladaadkii sannadihii ay shaqaynaysay soo maray ee la xidhiidhay waraysiga dad aan ahayn kuwii saxda ahaa. Sheekooyinka ay ka warrantayna waxaa ugu xiise badnaa, ‘Waraysi si qalad ah looga qaaday darawal tagsi kiro wata oo lagu magacaabo Guy Goma. Ninkan ayaa sannadkii 2006-dii yimi xarunta BBC oo uu ku lahaa ballan laga qaaday imtixaan shaqo oo isaga iyo dad kale ugu tartamayeen shaqo hoosaad xarunta ka bannaanayd. Laakiin gabadhii warka dhaqaalaha oo markaas baxayey jeedinaysay ayaa markii ay Guy Goma aragtay u qaadatay nin ku xeeldheer arrimaha tiknoolajiyadda oo ballantu ahayd in ay ka waraysato arrimo la xidhiidha Tiknoolajiyadda iyo soo dejinta Muusigga.

BBC waxa ay sheegtay in gabadhan wariyaha ahi ay ninkan markiiba ku boobtay waraysigii Laakiin ninkan oo indhihiisa laga arkayey argagax iyo in uu fahmi waayey sida wax u socdaan ayaa ku guulaystay in uu is xakameeyo oo si deggen uga dabbaasho arrintan, waxa aanu ku guulaystay in isaga oo deggen uu sidii ay isaga la noqotay kaga jawaabo su’aalaha wariyaha, sidaas ayaanu ku dhammaystay waraysigan oo daqiiqad keliya ah.

Waraysiga kadib ayaa la ogaaday qaladka dhacay, ninkan oo maalintaa ka hor ahaa nin aanay cid aqooninna waxa uu noqday shakhsi caan ka ah dalka Ingiriiska oo qisadiisa meelo badan lagaga warramo, dad badanina raadsadaan si ay uga waraystaan dareenkiisa maalintaas iyo sida uu u maamulay hawshan kediska ku qabsatay.