Cunto Karintu Waxa Ay Korisaa Maskaxda

0
827

London (Geeska)- Golaha sare ee caafimaadka maskaxda oo ka jira dalka Ingiriiska ayaa dadka kula taliyey in ay qabtaan hawlaha xamaasadda iyo dhiirrigelinta maskaxda ku abuura oo ay ka mid yihiin cunto karinta, garaacista muusigga, farshaxanka iyo daryeelka beeraha, waxa aanay sheegeen in ay xitaa ka faa’ido badan tahay noocyada ciyaareed ee la aaminsan yahay in ay maskaxda dhisaan.

Warkan oo ay toddobaadkii hore baahisay idaacadda BBC laanteeda Afcarabiga ayaa intaas ku daray in hawlahaas aynu soo sheegnay ay ka qaybqaataan daryeelka caafimaad ee maskaxda, gaar ahaanna uu waxtarkoodu sii badanayo marka uu qofku da’ yaraan ku bilaabo.

Warbixintu waxa ay sheegtay in ciyaaraha internet ee ay ka mid yihiin hal-xidhaaleyaasha iyo ciyaaraha kale ee maskaxda ka shaqaysiiya ee loo diyaariyey in ay kobciyaan caafimaadka maskaxda in waxtarkoodu aad uga yar yahay waxtarka caafimaad ee ay maskaxda u leeyihiin hawlaha aynu soo xusnay oo cunto karintu ugu horreyso. Shaqooyinka kale ee soo raacana waxaa ka mid ah, barashada tiknoolajiyadda, qoraalka hal-abuurka ah iyo hawlaha fanka la xidhiidha.